LA SOO XIRIIR DHAQAATIIRTA WEBSITE KANI

WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KALA SOO XIRIIRI KARTAAN TELEFOON NUMBERADA KALA AH +254717333261 AMA KAN KALE EE AH +254729707011 TELEFOON KA FIXED KA AH WAA +254 202 586 300 CINWAANADA EMAILKA KALA AH nalasooxiriir@live.com nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com SIDOO KALE WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA 12 SAACADOOD 24 KII SAAC BA CINWAAN KU WAA nalasooxiriir@outlook.com MAHAD SANIDIIN.

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD
Xarumaha caafimaad ka website yadan ayaa kuu diyaariyeen daaweyn rasmi ah inshaa allaah dhamaan xarumaha caafimaad ka iyo dhaqaatiir tooda ba waxa heegan buuxa u yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka soomaaliyeed ee xanuun sanaya meel kasta oo ay dunida ka joogaan daawooyin iyo daaweyn rasmi ah waxaa diyaar idiin la ah dhamaan xarumaha caafimaad ka ee website yadan la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho xal caafimaad oo waara inshaa allaah mahad sanidiin.

WE TREAT GOD HEALS

WE TREAT GOD HEALS
inshaa allaah

Saturday, 19 November 2011

Dhalmo la aanta

Qaybtii 1-aad Iyadoo la og’yahay in
RABBI uu
qur’aankiisa kariimka ah ku sheegay in
dhalmo la’aanta ay tahay hibo uu isagu
bixiyo, uuna si gaar ah u sheegay RABBI
in ruuxii uu doono uu siinayo wiilal oo qura, ruuxii uu doonana uu siinayo
gabdho qura, kii uu doonana uu isugu
dhafayo Wiilal iyo Gabdho ayaa haddana
waxaa xusid mudan inay jiraan
waxyaabo badan oo sababi kara dhalmo
la’aanta la soo darista qoysaska qaar. Dhalmo la aanta waxaa loo yaqaan
marka
labo ruux oo is guursada aysan helin wax
carruur ah in muddo ah ama abidkood,
iyadoo aan og-nahay in labada qof ee
isguursada sida caadiga ah ay ilmo ku helaan 17-ka bilood ee ugu horreysa
guurkooda Waa haddii uu RABBI doonee.
daraasado caafimaad oo xagga qoyska
ah dhawaana la sameeyay ayaa waxaa
lagu ogaaday
daraasooyinkaasi in 22% dadka isguursaday
ay uurka ugu horreeya ku helaan
sannadka ugu horeeya ee guurkooda,
sidoo kale 29% dadka isguursada ay
iyagana ku helaan uurka ugu horreeya
laba sano, halka 20% ay ku helaan uurka ugu horreeya muddo saddex sano ah,
halka 29%-kalena lagu tilmaamo inay
yihiin Madhalayaal. dhalmo la aanta;
waxaa loo yaqaan
ilmo la’aan ku habsata qoysas muddo
dheer wada joogay ama guurka aan ku kala tagin in muddo ah, in ruuxu uu dhalo
marka uu guurka cusub yahay hal cunug
dabadeena ay ka istaagto dhashii iyo
sidoo kale in ruuxu uu goor dambe oo
horay loo batay uu helo hal cunug.
dhalmo la aanta waxaa sababa wax yaabo fara badan oo ay ka mid
yihiin: Dadka isguursanaya oo aan si
dhab ah u aqoon qaabka la isugu
galmoodo, mid ka mid ah labada ruux oo
aan si wanaagsan u qaabilin ruuxa kale
marka lagu jiro gogosha ama xaaladda isku taggu ay socoto, ninka oo aan si
wanaagsan isaga saarin minada,
haweeneyda oo iska kacda marka ay
dhamaato galmada, iyo iyadoo intaa ay
raacsan tahay in ay sababaan dhalmo
la’aanta cuddurro inta badan ku dhaca ilmo galeenka ama minada ragga oo aan
wax noole ah lahayn ama aanay ku jirin.
Inta badan waxaan maqalnaa hebel iyo
heblaayo ayaa muddo dheer ku jiray
baaris caafimaad si ay u ogaadaan waxa
sababay dhalmo la’aantooda, markii ay kala tagaan oo mid walbaahi goonidiisa
u guursadana uu ILLAAHAY labadoodiiba
ku arsuqay Awlaad, tan oo kale looma
nisbayn karo sabab dhalmo la aan balse
waxaa loo nisbeeyaa in labada ruux
dheecaannadoodu ay yihiin kuwo aan falgal sameyn karin xagga xajmiga iyo
tababrta marka laga eego. Waxaa la
yiraahdaa guurka dhex mara
labada ruux ee kala jinsiga ah sida:
Japanese-ka iyo American-ka, Eskimos-
ka iyo Arabian-ka, Indian-ka iyo British- ka iyo wixi la halmaala inay
sababaan dhalmo la’aan soo wajahdo
qoysaskooda, iyadoo warbixintaani ay
sheegtay in labada ruux ee
kala jinsiga ah ay sababi karto dhalmo
la’aantaas, loomana hayo arrintaan daliil intaas dhaafsiisan.
Waxaa si gooni ah farta loogu fiiqaa in
dhalmo la’aanta la soo darista qoysaska
ay mas’uuliyaddooda inta badan
leeyihiin haweenka, balse arrintaasi waa
mid aan sal iyo raad toona lahayn, waxaana lagu ogaaday daraasad lagu
sameeyay rag iyo dumar in Raggu ay
yihiin kuwa inta badan ay xaggooda ka
timaado dhalmo la’aanta la soo darista
qoysaska isku cusub iyadoo la sheegay in
40% illaa 45% ay raggu garwadeen u yihiin dhalmo la’aanta qoysaska. Waxaa
la og-yahay in qoysas badan oo
aan ku kala faaruqin guurkooda uu RABBI
siiyay carruur muddo ka badan 15-sano
illaa 20-sano iyagoo jooga xaalad
quusasho ah, waxaana taas lagu micneeyaa inay kaalin weyn ku leedahay
dhalmo la aanta, iyadoo loo
daliishanayo inta sano ee ay isla joogeen
labadaas ruux iyagoo aan wax carruur ah
isku dhalin. Dhanka kale; xaaladdaha
dhalmo la’aaneed waxay ku keenaan qoysas fara
badan oo dunida ku dhaqan inay ka
quustaan ilmo inay helaan, iyadoo
mararka qaarna keenta in labada ruux ee
sida wanaagga ah isku soo guursaday ay
ku kala tagaan ilmo la’aan awgeed, taasoo laga yaabo inay sababaan
waxyaabihii aan kor ku soo sheegnay oo
ay ugu weyn tahay aqoon darrida xagga
galmada ah.
Qaybtii 2-aad Ninka ragga ah haddii laga
helo saddex arrimood waxaa suuro-gal ah in uu ilmo
dhalo ama ka badbaado dhalmo la aanta
saddexdaas arrimoodna waxaan u soo
qaadanaynaa mid mid waana kuwan:
1:In laga helo tiro badan oo noolayaal ah
shahwadiisa . waana inuu sida caadada ah ninku ku dabooli karo shahwo
minadiisa in ku dhow 3-5 Cm oo ka mid
ah dhuumaha qaada
minada ama Shawada ee gudaha
haweeneyda, waana in laga helaa
midanadaas tiro noolayaal ah oo dhan 300-500-Miyal, iyadoo la doonayo in laga
helo 1-Cm oo ka mid ah dhuuntaas in ku
dhow 15-20-Malyuun oo noole, inta
badan minada wadata noolayaasha aan
ku soo sheegnay kor waxay ku noolaan
karaan goobta ay ku jiraan muddo dhan 3-5-saacadood oo xiriir ah, halka 50% ay
ku noolaan karaan muddo 24-saac
gudahood ah, iyadoo qaddar lagu
sheegay 20% oo ah minda aan wadan
noolayaal ay iska dhex-jiifi karaan
riximka muddo dheer. . 2: Waa in ninku yahay mid aanay minadu
kaga daadan dibadda Xubinta taranka ee
Haweeneyda ama inta aanu u galmoon
haweeneydiisa ay ka quban shahwadii,
taasina waa si aanay dibadda ugu
daadan noolayaasha ugu horreeya oo ah kuwa ugu muhisan minada oo iyagu
marka horeba soo booda.
3:Waa in ninku yahay mid awood u leh in
minadiisa (Shahwada) uu si
dhameystiran ugu shubaa ama uu u
gaarsiiyaa gudaha Farjiga haweeneydiisa, waana tan midda sida
weyn loogu boorriyo ragga marka la
siinayo taloooyin dhinaca dhalmo laant
ah.
Haddaba, waxaa is weydiin mudan
maxaa sababa dhalmo la’aanta Ragga!?. Firfircooni daro la soo gud boonaata
noolayaasha ku jira minada ragga ayaa
ugu horreyn ba loo aanayn karaa dhalmo
la’aan la soo gud boonaata ragga, waayo
sida qaalibka ah awoodda minada ee
ragga waxay billaaba taa sannadaha ugu horreeya ee qaan-gaarnimadiisa,
waxayna billaabaan inay hoos u dhacaan
wixii ka dambeeya 30-sano, waxay
markaa billaabaan naaqus kale marka ay
gaaraan 40-sano, waxayna darajooyinka
u hooseeya gaaraan sannadaha 55-60-ka sano, wixii intaas ka dambeeyana waxaa
laga yaabaa in ruuxaasi kari waayo inuu
ilmo dhalo ama minadiisa laga helo
noolayaal waxaana wax aan la inkiri
karin ah in ruuxu haddii uu dhalo
muddadaa ilmo inay tahay waxyaabaha la yaabka leh ee aan aragno mararka
qaar. Waxyaabaha kale ee sida weyn
loogu
aaneeyo inay ragga ku keenaan
dhalmo la aan waxaa ka mid ah:
2:In qanjirrada tuura minada ay noqdaan kuwo aan sidii la rabay u shaqeyn,
waxaana sababi karaan Cudurada
Isfiilitada (Waraabowga). TB-da iyo
dhamaan cudurrada ku dhaca
sambabada Waxyaabahaan oo dhanna
waxay ragga dhaxalsiiyaan dhalmo la aan, waxaana
jira cudurro kale oo ragga ka dhiga
madhalayaal, waxaana ka mid ah
cudurka Jabtada oo ay dunidu si weyn
haatan ula dirirayso. Dhanka kale,
cabidda sigaarka, qamriga, Alcoholada iyo cunidda qaadka ayaa ah
kuwo qayb weyn ka qaata in raggu
aanay wax dhalin, waayo ruuxa caba
ama cuna waxyaaba haas aan kor ku soo
sheegnay
waxay u keenaan in minadiisu aysan yeelan noolayaal la falgali kara ugxanta
dumarka, waxaa kaloo ka mid ah inay
raggu wax dhalin inaysan haweenkooda
ugu raaxay sida ugu sarreysa; waayo
raaxo la’aanta waxay keeni kartaa in
niyadda haweeneydiisu aysan noqon mid maqsuud ah.
Qaybta 3-aad dhalmo la aanta dumarka
Waxaa marag-madoonto ah in majaalka
dhalma la’aaneed ee dumarka uu ka
ahmiyad iyo xiiso badan yahay kan
ragga, waxaana taasi macnaheedu yahay in inta badan lagu eedeeyo dumarka inay
dhalmo la’aanta xaggooda u badan tahay,
marka qoys ahaanta laga hadlaayo,
waxayna arrintani dhalmo la’aanta inta
badan ay laabta ka qabatay guud ahaan
haweenka ku dhaqan adduunka, gaar ahaan kuwa ku dhaqan waddamada
islaamka ah, waayo haddii ay
guursadaan oo ay wax dhali waayaan
waxaa laga yaabaa in raggoodu ay
guursadaan haween kale si ay ilmo u
raadsadaan. Haweenka in badan way ka jecel yihiin ragga iney ilmo dhalaan,
waayo way kaga dareen badan tahay
aabbaha xagga carruurta, waxaana la
yiraahdaa dareenka dumarka ee waalid
nimada waxa uu ka awood iyo mohasho
badan yahay kan raggu u qabaan dhallaankooda, waana taas midda
keentay inay haweenku ka jeclaadaan
ragga dhalmada ama ilmaha.
Iminka waxaan gudo galaynaa
waxyaabaha sababa dhalmo la aanta
dumarka, waxaana ka bixin doonnaa faah-faahin dheeraad ah, waxaana
daboolka si toos ah uga qaadayaa
shaqooyinka guud iyo kuwa gaarka ah
ee xubinta tartanka ee haweenka.
Dumarku waxa uu tarankooda ku xiran
yahay ugxan yaryar oo u eg sida liin dhalatay, kuna teedsan dhanka midig iyo
kan bidix ee dhuunta sida tooska ah u
gasha ilmo galeenka ee qaadda minada
(Shahwada) ragga, waxayna ukumahan
ama ugxantani ka soo daataan dhuunta
ay suran yihiin bishii ba mar, waana kuwa inta badan noqda dhiigga Xaydka
(Caadada) markay waayaan mino ay la
fal-galaan ama ay ka soo daahaan xilligii
ay la falgeli lahaayeen minada,
ukumahani waxay kaloo riximka u
diyaariyaan dahaar yar oo ay ku soo dhacdo minada ragga markay ka timaado
xubinta taranka ee ragga.
Riximka haweeneyda waxaan u kala
qaadaynaa saddex qaybood oo kala ah:
Mid sare, mid qotoma iyo mid hooseeya,
midka hooseeya ayaa wuxuu u sameysan yahay si foorar ah waxa uuna ku
dhammaadaa meesha ugu horreysa ee
Farjiga haweenka qaybtani waa
qayb ta ugu muhimsan ee inta badan u
sahasha noolayaasha ku jira minada
ragga inay si nabad ah ku tagaan halkii ay ku socdeen ee riximka ahayd si ay fal-
gal ula sameeyaan ugxanta Dumarka.
Haddaba, mararka qaar waxaa dhacda in
xubintaas aan soo sheegnay aanay ahayn
mid si toos ah u shaqeyneysa aanay
suuro gal ahayn inay minada raggu gaadho halkii loogu talo galay, halkaasna
ay ku noqoto
haweeneydii mid ma dhasho ah.
Waxyaabaha kale ee sababa dhalmo
la’aanta haweenka waxaa ka mid ah:-
laciifnimo ku timaadda xubnaheeda taran, sida inay tabar beelaan qanjirrada
tuura ugxanta iyo kuwa xafida minada
ragga markay soo gaarto gudaha
xubnaha taranka dumarka, sida la og-
yahay waxey ku qaan gaaraan dumarka
15-jirka, muddadaas wixii ka dambeeya waxaa hoos u dhac uu ku yimaadaa
ugxanta iyo tarankooda illaa
laga gaarayo sannadka 30-aad
sanadkaan wixii ka dambeeyana waxaa
si xowli leh ku soconaya hoos u dhaca
taranka dumarka illaa laga gaarayo sannadka 45-aad ee haweeneyda, wixii
intaa ka dambeeya haweenka xamliga
qaada way yar yihiin. Caadiyan dumarka
inta badan markii ay gaaraan sannadaha
afartameeyada waxay ka quustaan
dhalmo waxaanan oran karnaa 12.5% dumarku markii ay gaaraan sannadaha u
dhexeeya 30-40 waxay ka quustaan
dhalmada, sidoo kale 25% waxay ka
quustaan dhalmada markay gaaraan
sannadaha u dhexeeya 40-45-ka, halka
50% ay dumarku ka quustaan dhalmada markay gaaraan 45-50-sano, sidoo kale
12.5% waxay ku xisaabtamaan sannadka
50-aad ee cimrigooda. Inta badan
cudurrada ku dhaca xubinta
taranka Haweenka iyo qanjirrada kale ee
howsha xamliga iyo dhalmada kala dhexeyso ayaa la dhihi karaa waa
sababta ugu weyn ee u keenta
haweenka inay noqdaan madhaleysyaal,
sidoo kale waxaa jirta waxyaabo kale oo
loo aaneeyo dhalmo la aanta haweenka,
waxaana waxyaaba haas kamid ah. 1:Tabardarrada la soo darista
haweeneyda.
2. Cudurka Kaadi sokorowga.
3. Kilyo xanuunka muddada dheer soo
jiitamayay.
4: burooyinka makaanka ka soo baxa 5: cudurka baabasiirka oo ah cudurka ugu
badan ee haweenka ku keena dhalmo la
aanta iyo hakad ku yimaada dhalmada
dumarka.
6: cudurada dhaliya infakshanada xun
xun sida jabatada iyo guud ahaan infakshanada ku dhaca xubnaha taranka
dumarka.
7: qaar kamida tuboooyinka riximka oo
xirma fallopian tubes.
8: kansanka aan xumeyn ee ku dhaca
riximka loona yaqaan endometriosis oo ah marka unug yada riximka ee gudaha
ay bilaabaan iney ku koraan ilmo
galeenka dibadiisa.
9: kansarka ku dhaca riximka
10:barar ku yimaada ilmo galeenka
dumarka. 11: makaanka oo gedisma tani waxey
keentaa dhalmo la aan joogta ah.
12:qalliimada riximka lagu sameeyo
iyaguna waxey sababaan dhalmo la aan
ku timaada dumarka. 13: shayaadiinta oo
gasha jirka dumarka ama raad ku yeelata sida sixirka jinka
isha iyguna waxey sababaan dhalmo la
aan ku timaada dumarka.
14: khal khal ku yimaada maadooyinka
kiimikaad ee jirka gaar ahaan kuwa sida
tooska ah ugu shaqada leh riximka oo iguna sabab u noqda dhalmo la aanta
dumarka.
15: daawooyinka uurka la isaga celiyo
ayaa iyaguna keeni kara dhalmo la aan
ku timaada dumarka. 16: dhaawac ama
jug xoog leh oo gaarta riximka ayaa iyaduna sababi kartaa
dhalmo la aanta dumarka.
17: nusqaan ku yimaada vitamins yada
jirku aanu ka maar min ee aasaasiga ah
ayaa iyaduna lug ku yeelata dhalmo la
aanta dumarka. 18: nafaqo dari guud oo ku dhacda
dumarka ayaa iyaduna sababi karta
dhalmo la aanta dumarka.
Inta badan asbaabaha aan kor ku soo
xusnay ayaa iyaguna sababi karaan
dhalmo la aan ku timaada ragga. Dhalmo la aan waxaa jirta ragga u gaar
ah kuna keenta inuu san waxbo dhalin oo
ninku dhamaan isagoo leh buuxinaya
shuruudaha ninka u suura gelisa inuu
wax dhalo ee aan kor ku soo xusnay
haddana aan awoodi karin inuu dhalo sababta ayaana ah iyada oo minadiisa
shahwadiisa ku jirto ( saliid ) saliidaa
ayaana ka joojineysa iney noola yaasha
ku jira shahwada si toos ugu safraan
gudaha riximka haweentiisa. Waxaa
kaloo jirta dhalmo la aan ku timaada qoysaska qaar oo sababtuna
tahay xubinta taranka haweenta farjiga
oo soo saaraya dheecaan acid badan ah
kaasoo sababa in noola yaasha ku jira
shahwada deg deg u dhintaan iyagoona
gaarin gudaha riximka. Sidoo kale waxaa jirta dhalmo la aan ka
timaada haweenta oo xasaasiyad ku ah
shahwada ninkeeda.
Hadii aad ka cabaneyso dhibaato xagga
dhalmada ah ama hakad ku timid
dhalmadaada ama uu jiro xanuun aad tuhmeyso inuu dhalmada kaa joojiey
ama aad isku aragto calaamdaha dhalmo
la aanta ama in badan aad baadi goob
ugu jirtay inaad hesho awlaad ama uu ka
cabanaayo qof kamida ehelkaada
asxaabtaada qaraaba daada la soo xiriir dhaqaatiirta website kan dhaqaatiirta
waxey kuu diyaariyeen daaweyn
dhamaan xanuunada keeni kara dhalmo
la aanta kordhinta tayada tirada awooda
shahwada iyo raganni mada nadiifinta
dib u howl gelinta soo celinta hanaanka shaqo ee xubnaha taranka ragga iyo
dumarka ba soo wac dhaqaatiirta si aad
u hesho daawo wax tarkeeda la hubo
talo
iyo tusaaleyn caawimaad toos ah mahad
sanidiin.

Thursday, 17 November 2011

Qeybaha xanuunada afka

Xanuunada afka ku dhaca waxaa loo kala saaraa 3 qaybood oo kala ah:
1. Xannuunada ku dhaca qaybaha adag ee afka sida Ilkaha iyo Lafaha Afka kuwaas oo loo yaqaan (Hard-tissue Pathology), waxayna kala yihiin:
A- Disorders of development of teeth and related tissue.
B_Dental Caries.
C- Pulpitisapical periodontitis.
D- Gingivitis and periodontitis.
E- Major infections of the mouth, jaws and perioral tissue.
2. Xannuunada ku dhaca Qaybaha Jilicsan ee Afka. (Soft -tissue Disease)
A-Diseases of the oral mucosa : Infective stomatitis.
B-Diseases of the oral mucosa: Non infective stomatitis.
C-Tongue disorders.
D-Benign chronic white mucosal lesions.
E-Oral premalignancy.
F-Oral Cancer.
3. Xannuunada ka yimaada hoos u dhaca Difaaca Jidhka qofka.
The Medically-Compromised Patient.
A-Anaemias and Lukaemias.
B-Haemorrhagic disease.
C-Immunodeficiecy diseases and the acquired immune deaficiecy syndrome.
D-Endocrine disorders and pregnancy.
Dhamaan xanuunadan iyo cuduradaan waxey isugu jiraan kuwo afka kaliya ku dhaca, iyo kuwo xubno kale ee jirka iyo afka ka ku wada dhaca, iyo kuwo afka iyo jirka oo dhan ku dhaca.
Sidoo kale waxaa jirta in xanuuno badan oo afka ku dhaca sida yiridka, umulowga, dumarka ku dhaca af qurmuunka, iyo suuska u gudbi karaan isla markaana wax yeeleyn karaan xubno badan oo muhiim ah sida quumanka tuubada dheer ee hunguriga dhuunta ama cunaha caloosha beerka iyadoona infectionada ka dhasha cudurada afka u gudbi karaan wareega dhiiga markaa oo ay imaaneyso xaalad caafimaad oo ka xoog badan mida afka.
Xiliga dumarka uurka leeyihiin waxaa dhici karta in afka kala soo darsaan dhibaatooyin sida bukashada afka marka vitamin c ga jirka ku jira yaraado kaa soo keena in dumarka uurka leh carabka iyo bishimaha bukadaan taana waxaa ugu wacan dumarka oo inta badan wallaca oo aan si wanaagsan u qaadan cuntada iyo isbedelo xagga hormoonada ah oo ku dhaca dumarka marka ay uur yeeshaan. asbaabaha uurka ee cilladaha afka la soo darsa ma aha kuwo wax yeeladooda badan tahay waxaana suuragal ah in hadii haweeneyda is nafaqeyso waqtiga uurka iyo dhalmada kadib ba iska suulaan cilladaha afka ee uu ku keenay uurka. Sidoo kale wax yaabaha afka ilkaha iyo ciridka dhamaan bur buriya si xuna u baabi iya ka sokow cudurada afka ku dhaca waxaa kamida isticmaalka mukhaadaraadka sida sigaarka qaadka / jaadka aalkolada xashiishka iyo dhamaan daroogada qeybaheeda kala duwan.
Sidoo kale nadaafad xumida afka sida inaan la cadeysanin in lagu rumeysto dhuxul dambas iyo wax yaabaha kale ee alkaliga ah sida oomada cusbada iyo wixii la mida waxey sababaan wax yeelo soo gaarta guud ahaan afka gaar ahaana ilkaha iyo ciridka.
Sidoo kale in la is raaciyo cabitaan qabow ah iyo shaah kuleyl ah tusaale inaad cabto galaas cabitaan ama biyo qabow ah kadibna aad raaciso ka dabo cabto koob shaah oo kuleyl ayaa iyaduna ah wax yeeleyn toos ah oo afka ku dhaceyso waxaana ka dhalan karta arrintaani xanuuno adag oo afka la soo dersa.
Ruugitaanka iyo jejebinta ice ka ama barafka ayaa iyaduna dhaawacda gowsaha iyo ilkaha iyo guud ahaan afka ba iyadoo ay dheer tahay u isticmaalida barafka si xad dhaaf ah in ay keento xanuunada wadnaha sida wadno istaag wadnaha oo shaqada joojiya qofkiina halkaa ku dhinto.
haddaba hadii aad ka cabaneyso xanuun la xiriira afka ilkaha ciridka carabka iyo dhamaan cilladaha afka la soo darsa ha noqoto mid culus ama mid fudud ama uu hayo xanuun afka la xiriira qof ka mida ehelkaada asxaab taada la soo xiriir dhaqaatiirta website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisey daaweyn rasmi ah oo'ku'aadan dhamaan xanuunada afka inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u ogaato dhamaan cilladaha caafimaad ee kula darsay una hesho daaweyn rasmi ah inshaa allaah dhaqaatiirta waxey kuu ballan qaadeysaa inaad hesho daaweyn iyo caawimaad buuxda inshaa allaah mahad sanidiin.

Wednesday, 16 November 2011

Habka cudurada u faafaan

Guud ahaan cudurada waxaa loo
qeybiyaa laba qeybood oo waa
weyn oo kala ah.
1-cudurada faafa (infectious
diseases ama (communicable diseases)
2-cudurada aan faafin (non- infectious diseases (non- communicable
diseases)
Cudurada Faafa Waa cudurada la
isqaadsiiyo ee ka faafa qof buka una
gudba qof kale oo caafimaad qaba ama
ka faafa xayawaan jirran una gudba dadka ,cudurada waxa ay ku
faafaan dhowr hab waxaana loo
yaqaanaa wadada faafida (route of
transmission). Cudurada waxaa keena
ama sababa noola yaal yar-yar oo loo
yaqaan (organisms) sida Bacteria, Virus, Fungus, Protozoa, Iyo
parasites, Sidaa daraadeed dadka qaba
cudurada faafa waa in laga
fogeeyaa dadka caafimad ka qaba.
Habka cudurada u faafaan (The Route of
transmission) Cudurada faafa waxaa la isku qaad siiyaa had ba sida eey u
faafaan,intii isku si u faafta waa
la israac siiyaa waana isku koox
tusaale ahaan (example)
1-Taabasho oo ah (direct contact)
sida galamda,tabashada maqaarka. cudurada habkan ku faafa waxaa kamid
ah jabtada, waraabowga, aidska
isnadaamiska,cambaarta iyo wixii lamid
ah.(labada dambe waxaa ay ku faa faan
tabasho).
2-Neef qaadashada (air borne disease) cudurada habkaan ku faafa waxaa kamid
ah qaaxada ,jadeecada, xiiq dheerta,
hargabka, Gowracatada IWM.
3-Dhiig ku shubis (blood transfusion)
cudurada habkaan u faafa weey
farabadan yihiin waana cudur kasta oo dhiiga ku dhaca ama kujira.
4-Habka saxarada. Saxarada oo afka
gasho (Faecal Route ) habkani waa
cuntada iyo cabitaanka jeerimiska
saxarada qof buka ku jira oo afka u gud
ba. 5-Cudurada noole soo xambaara (vectors
borne disease) sida cudurka duumada.
Tusaale kaneecada waxey soo xambaar
taa cudurka malaria da.
6-habka mandheer gudbinta
transplacental transmission) habkani waa habka hooyo jiran ay
ugu gudbiso jeermiska ilmaha
uurka ku jira.
7-Habka xayawaan gudbinta
(zoonosis) Habkani waa habka
xayawaan ka ugud biyo jeermiska waxaana ka mid ah xayawaanada
rabaayada ah sida kuwa dadku dhaqdo
ee lagu intifaaco iyo kuwa kale sida
mukulaasha iyo eeyaha.
Wadooyinkani waa wadiiqooyinka
cudurada la isugu gudbiyo cudurada waxey leeyihiin qeybo faafa oo la isu
gudbiyo sida qof cudur qaba inuu kuu soo
gudbiyo cudurkii hayey ama xayawaan
jirran inuu kaaga soo gudbo cudur oo
markaa kugu dhaco.
Waxaa kaloo jirta in xayawaanada kaaga soo gudbi karo cuduro xataa iyagoo
caafimaad qaba. Xayawaanada aan
halkan kaga hadleyno waxaa waaye
bahaa imta sida kuwa la dhaqdo ee geela
looda ariga kuwa dad la dhaqadka ah
sida dameeraha bisadaha eeyga iyo kuwo kaloo badan. sida badan
xayawaanada la cuno hilibkooda ayaa
haddii aadan si fiican isaga bisleyn
waxaa dhici karta in uu cudur dhaliye
kaaga soo gudbo sida gooryaanada iyo
bacteria da. Sidoo kale waxaa jiraan cuduro badan oo
ku dhaca xubno gaar ah balse bukuhu
gaarsiin karo qeybo badan oo xubno
jirkiisa ka mida.
Sidoo kale waxaa iyaguna jira cuduro
kale oo aan iyagu faafin kuna faafeynin qaababkii aan kor kaga soo hadalnay ee
ay ku faafaan cudurada faafa ama la is
qabad siiyo iyaguna mar ayaan si gaara
uga hadli doonaa inshaa allaah.
Sidoo kale waxaa jira cuduro iyaguna
aan faafin balse la kala dhaxlo oo waalidku ku dhalo caruurtooda
cuduradaana waa kuwo badan waxaana
ka mida cudurka kaadi macaanka.
Sidoo kale waxaa jirta astaamo iyo ficillo
ilmuhu waalidkoooda ka dhaxli karaan
tusaale ahaan waxaa ka mida dhalmada oo waalidkaaga hadii uu dhaley caruur
badan inaad yeelato astaantaa ayaa
dhici karta ama hadii waalidku dhaley
ilmaha mataanaha ah adiguna waad
dhali kartaa iyadoo ay meesha ku jirto in
aad yeelan karto astaamo uu san waalidkaa lahaan jirin sida inaad awoodi
kari weyso inaad wax dhasho
waalidkaagana dhaley caruur badan
hadana waalidka qofka wuxuu ku yeelan
karaa saameyn badan.
sidaa awgeed waxaan aad u rajeynayaa in aad wax badan ka fahamteen qaabka
xanuunada u gudbaan kuwooda faafa
inshaa allaah waxaan ku dhameystiri
doonaa maqaal kale si aad wax badan
uga ogaataan cudurada iyo sidii aad
isaga ilaalin laheydeen cudurada faafa intii la awoodi karo.
Balse hadii aad leedahay cudur kula
dersay xal fiicana aad u weysay si laguu
caawiyo una hesho daryeel iyo daawaba
inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta ka
howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu ballan qaadeysa daaweyn
rasmi ah muddo kooban iyo in daawada
laguugu soo gaarsiiyo meesha aad ku
nooshahay inshaa allaah la soo xiriir
dhaqaatiirta si wax badan lagaaga
caawiyo inshaa allaah mahad sanidiin.

Dareen la aanta dumarka

Maxaa sababa tabardarida xaga
galmada (kacsiga) ee soo wajahda
dumarka?
Tabardarida soo wajahda dumarka
xiliga galmada ee afka qalaadna lagu
magacaabo (sexual dysfunction) ayaa waxaa lagu qeexaa dhibaato soo
wajahda xiliga isu taga jinsiga taas oo
alaaba lala xiriiriyo qanaaco la’aan
kadhalata isu taga. Tusaale ahaan
culimada amaba
dhaqaatiirta jinsiga ayaa waxey sheegaan in illaa 4 heer uu maro isu
taga jinsiga kuwaas oo kala ah,
1:dareemid raaxo marka hore,
2: u bislaasho galmo,
3: kacsi,
4: iyo weliba raali ahaansho imaato kadib marka ay dhammaato howsha isu
taga taas oo qof walba 2da lamaane ay
dareemayaan in ay gareen meel ay u
wada hanqal taagayeen oo ah in mid
walba uu qanciyay midka kale. Cilmi
baaris lasameeyay ayaa waxey soo jeedisay 43% dumarka iyo 31% ragga in
ay so wajahaan culeys yo kaheysta
xagga jinsiga, mowducaan ayaa ah mid
inta badan dadka ay nacebyihiin in laga
hadlo lakiin nasiib wanaag kiisaska inta
badan ee cuduradaan ayaa ah mid si fudud loo daaweyn karo sidaas
darteed ayaa waxaa muhim ah in aad
la sameysid wada tashi dhaqaatiirta.
Hadaba maxaa sababa
dhibaatooyinkaan?
Asbaabaha sababa cudurkaan ayaa waxaa la’aminsanyahay in ay yihiin
laba sabab oo kala ah 1- asbaabo ah
fisikaal ( physical causes ) 2- asbaabo ah
wal wal laxiriira saykoloji
(psychological causes). asbaabaha
fisikaalka ah ( physical causes) ayaa ah mid laxiriirta
cafimaadka iyadoo ay jiraan
cuduro si toos ah loo la xiriiriyo in ay
sabab u yihiin in haweyneydu uu
kudhaco cudurkaan tabardarida xagga
galmada iyadoo cuduradaasna ay yihiin sida cudurka kaadi macaanka
amaba sokorowga (diabetes) cudurada
kudhaca wadnaha ( heart diseases),
cudurada kudhaca neerfaha
(neurological diseases), isu dheelitir
la’aanta hormoonada (hormonal imbalances),cudurada karoonikada ah
sida cudurka fashilka kilyaha (kidney
failure), iyo cudurka kale ee fashilka
beerka ( liver failure ), cabida xad
dhaafka ah ee alkolada amaba
khamriga, isticmaalka daroogooyinka iyo weliba dhibaato dhinaceedka ay
leyihiin qaar katirsan dawooyinka sida
(antidepressant drugs) kuwaas oo loo
isticmaalo daweynta dadka qaba
walaaca ama shooga, dhammaan
asbabahaan ayaa waxey dhaliyaan hoos u dhac kuyimaada damaca xagga
galmada. asbaabaha saykolojiga amaba
laxiriira dhimirka ayaa isugu jira asbaabo
laxiriira daalka amaba istareeska walaac
( anxiety), walaac ay kaqabto
haweneydu galmada, dhibaatooyin xagga xiriirka u dhaxeeya labada qof ,
welwelka xad dhaafka ah , dareen ah in
haweyneydu dareento eednaan, amaba
welwel kudhacay haweeneyda isu tag
galma hore oo ay cabsina kaqabto
galmada. Yuu kudhaca dhibaatooyinka tabardarida
galma? Guud ahaan rag iyo dumarba wuu
kudhici karaa wuxuuna kudhacaa
dhamman labada jinsiba da’ kasta
badanaana wuxuu kudhacaa dadka qaan
gaarka ah ee cafimaad ahaana aan aheyn kuwo aad u cafimaad qaba oo
nafaqo ahaana aan aad u nafaqysneen.
Sidee u sameeysa tabardarida galmada
dumarka?
Dhibaatooyinka ugu caansan ee ilaa
hadda la ogyahay ee laxiriira tabardarada galmada dumarka ayaa ah.
awood la’aanta xagga rabida galmada
(inability to sexual desire) arimahaan
ayaa iyagu waxaa lala xiriiriyaa dareen
la’aanta in haweneydu rabitaankeeda
xagga galmada uu hoseeyo oo aysana wax han ah u heynin galmada waxaana
la’aminsanyahay in cunsuro badan ay
taa ugu wacanyihiin sida isbedelka
hormoonada, xaaladaha caafimaadka
iyo daweyn laga soo daweeyay cudurka
kansarka iyadoo doweyntaasna loo maray kiimiko (chemotherapy), sidoo
kale welwelka kaheysta haweeneyda
ficiladeeda ayaa iyana qeyb kaqaata
waxaa kale oo iyana door kuleh habka
isku xiga galmada iyo wareegyada
galmada (sexual routines) tani ayaa iyana waxaa la’aminsanyahay in ay
kaqeyb qaadato rabitaan la’aanta
galmada , iyo ugu danbeynta qaabka
nolosha haweneyda. awood la’aanta in
ay si wanaagsan u dareento amaba u
kacsato (inability to become aroused), dareemid la’aanta haweneyda xiliga
galmada ayaa aalaaba waxaa lala
xiriiriyaa yarida qoyaanka xubinta
tarenkeeda ( vaginal lubrications) sidoo
kale waxaa si toos ah loola xiririya
walaaca iyo weliba in aysan haweneyda aysan u istimtaacin si kufilan,
baarayaasha cudurada galmada
ayaa waxaa kale oo ay ku howlan yihiin
sidii ay u ogaan lahayeen sameynta uu
kuleeyahay qulqulka dhiiga xubinta
taranka dumarka iyo kintirka (clitoris) iyo sida uu uga qeyb qaato
dhibaatooyinka kaheysta haweenka
kacsiga. xanuun ka qabsada xubinta
taranka haweenka xiliga galmad (painful
during intercourse) xanuunadaan dhaca
xiliga galmada ayaa waxaa sababa dhibaatooyin fara badan oo ay kamid
yihiin infakshanka xubinta taranka
haweenka, cufnaanta amaba mugga
berkada xubinta taranka
haweenka ( pelvic mass), cudurada lagu
kala qaado galmada (STD) iyo xaalad lagu magacaabo (viginismus) taas oo ah
xanuun iyo xafaf kasoo wajaha
haweenka murqaha kuxeeran afaafka
hore ee ilinka amaba albaabka hore ee
xubinta taranka haweenka wuxuuna
kudhacaa haweenka badana kabaqda is liska 2 da xubnood ee taranka
dumarka iyo ragga. Side loo baara
tabardarida galmada
dumarka? Si loo baaro taabardarida
galmada dumarka ayaa dhaqtarku
wuxuu bilaaba ugu horeynba in u sameeyo baritaan dhanka jirka ah
( physical exam) isaga oo qimeynaya
astaamaha uu leeyahay cudurkaan ayaa
dhaqtarku wuxuu sidoo kale sameeya
baarida berkeda xubinta taranka ( pelvic
exam) si uu u qimeeyo faya qabida xubnaha taranka isagoo welina sameeya
baritaan dheer oo lagu magacaabo (Pap
Smear) kaas oo ah in labaaro unugyo laga
soo qaaday dhuunta hore ee minka
amaba riximka si looga baaro in
haweeneydu qabto cudurka kansarka ee dhuunta riximka (cervical
cancer),baritaanka noocaan oo kale ahna
waxaa lagu ogaadaa xaaladaha
kahoreeya kansarka kudhaco dhuunta
riximka (precancerous conditions)
hadaba baritaankaan ayaa sidoo kale waxaa lagu ogaadaa isbedelka unugyada
dhuunta riximka , alaaba baritaankaan
wuxuu kasaacidaa dhaqtarka in uu u
sameeyo bukaanka
daawada ugu haboon si loo daaweeyo
mushkiladaha ay dhaliyaan cudurada kudhaco taranka haweenka. Side loo
daweeyaa tabardarida galmada
dumarka? Sida ugu haboon ee loo
daweeyo tabardarida galmada dumarka
ayaa ah dadaal wadareed ay sameeyaan
hawaneyda qabta cudurka, dhaqtarka,iyo qof u tababaran daweynta
dadka qaba cudurkan badanaana
noocyada cudurkaan kuwa ladaweyn
karo sida kuwa laxiriira dhibaatooyinka
xagga dhimarka (psychological problems)
ayaa si fudud loo daweeya kadib marka la daweeyo ugu horeynba dhibaatada
xaga dhimirka ah taas oo ah mida ku
sababtay dhibanaha in uu helo
cudurkaan tabardarida galmada sida
welwelka (anxiety) shooga iyo wixii
lamid ah. Istiraatijooyinka kale ee lagu daweeyo cudurkaan ayaa ah sida soo
socota:- Qofka oo lasiiyo aqoon kufilan ee
xagga isu taga jinsiga (providing
education) aqoontaas oo ah sida ay u
sameysan yihiin xubnaha jirka banii
aadamka gaar ahaan kuwa laxiriira jinsiga, sida galmadu u shaqeyso iyo
isbedelka caadiga ah ee laxiriira
hor umarida cimriga aadanaha iyo sida
uu ugu leeyahay saameyn dhaqanka
galmada intaa waxaa si dheer
bukaanka oo loo sheego in uu wax kabedelo dhaqanka galmadiisa isagoo
lagula taliyo haddi dhibaatooyin
dhimirka ahna heystaan in uu aado
dhaqtar sameeya tashiga xaga
dhimirka (consuling) si uu uga samata
baxo dhibaatooyinkaas. Dar dar galinta istimtaaca (enhancing
stimulation). Yareynta xanuunka xiliga
galmada
(minimizing penetration pain during
intercourse) tan ayaa iyana ah mid kale
oo ah wax tar si loo daweeyo xanuunkaan waana in looga tagaa
haweneyda xiliga galmada meel qeyb
ahaan yareyn karta xanuunka kasoo
wajaha isliska xubnaha taranka xiliga
ay socoto galmada, waxaa kale oo lagu
taliya si loo yareeyo xanuunka isliska in la’isticmaalo waxyaabo lagu qooyi karo
xubinta taranka haweneyda sida
qooyaha canbarka ee afka qalaadna
loogu yeero ( vaginal lubricant) kaas oo
ah waxyaabo sibix ah oo la mariyo
xubinta taranka kahor galmada si uu u yareeyo suurta galnimada xanuun
kadhasha isliska, sidoo kale waxaa
lasheega in kuqubeysashada
haweneydu ay ku qubeysato biyo kulul
kahor wax yar galmada uu kasaacidi
karo in wa xoogaa qoyaan ah ay kasoo bixi karaan xubinteeda taranka xiliga
galmada. Mala daaweyn kara tabardarida
galmada dumarka? Daaweynta guusha
kudhmaata ee
tabardarida galmada dumarka ayaa uun
waxey kuxirantahay marka hore asbaabaha sababay tusaale ahaan
muqaalka kore ee daaweynta fudud
ayaa ah kuwa sida fudud loo daweyn
karo ee badanaana laxiriira arimaha
dhanka saykolojiyada ee uu dhaliyo
walaaca shooga iyo daalka laga qaado shaqada ( work stress). Sidee saameyn
ugu leeyihiin hormooanda tabardarida
galmada dumarka?
Hormoonada ayaa
waxaala’aminsanyahay in ay door
kuleyihiin qaabeynta shaqada galmada dumarka iyadoo sidoo kalena lasheego in
hoos u dhaca hoormoonka lagu
magacaabo estrogen ee isaga doorka
kaciyaara qaabeynta howsha galmada
dumarka uu leeyahay dhibaato fara
badan hormoonkaan ayaa waxaa si toos ah yaraanshiyahiisa loola xiriiriya
horumarka da’da amaba cimriga
haweneyda iyadoo xiliga ay kusii
dhawaneyso quusta (menopause) uu sii
yaraado, inta badanna dumarka waxey
usoo joogaan isbedalo dhanka galmada marka uu cimrigoodu horay u maro
isbedaladaas oo isugu jira in qoyaanka
xubinta taranka yaraado, iyo dareenka
afka canbarka oo yaraada. Daraasado
dheraad ah oo lasameeyay
dhawanahaana waxey soo jeediyeen in hoos u dhaca kuyimaado hormoonka
ragga ee dhinaca galmada uu isagu
xitaa door kuleyahay kana qeyb qaato
yaraanshiyaha damaca galmada
dumarka, dhaqaatiirta cafimaadka ayaa
weli waxey baritaan kuhayaan faa’iidada hormoonada iyo qaar
katirsan dawooyinka loo isticmaalo
tabaryarida galmada dumarka. Saameyn
ceynkee ah ayuu ku leeyahay
qaliinka lagu magacaabo
(Hysterectomy) tabardarida galmada dumarka?
Haddaba in badan oo katirsan dumarka
ayaa waxaa soo wajaha dhibatooyinka
tabardarida galmada marka lagu
sameeyo qaliinka afka qalaad lagu
magacaabo (Hystrerectomy) kaas oo ah in lagu sameeyo haweyneyda qaliin
amaba jaraaxo lagaga saarayo riximka,
dhibatooyinkaan ayaa waxey isugu
jiraan in ay ku dhacdo haweneyda
damac la’aan amaba Rabitaan xagga
galmada iyo in ay hoos u dhacaan qoyaanada kasoo baxa xubinta
taranka, waxaa kale oo
kudhaca xafaf iyo xanuun badan oo
kasoo wajaha xubinta taranka,
waxaana dhaqaatiirta cudurada jinsiga
ay aaminsan yihiin in ay taa ugu wacan tahay isbedelka xagga
hormoonada ee kudhacaya haweenka
marka laga saaro riximka tiiyo ay sii
dheertahay waxyeelada gareysa
neerfaha xubinta taranka qalinka
dartiis ay yareyn karaan dareenka illaah u siiyay xubinta taranka dumarka
in ay dareento jinsiga kasoo horjeeda
(ragga). Sidee saameyn ugu leedahay
quusta (Menopause) tabardarida galmada
dumarka? Haweenka ayaa marka ay
garaan xiliga quusta amaba marka ay joojiso in ay ku dhacdo caadada waxaa
hoos u dhaca
homoonka lagu magacaabo Estrogen
kaas oo qeyb ahaan qabta shaqada
laxiriirta dhaqanka galmada sidoo kale
dareenka ah in haweneydu ay kusii dhawaaneyso quusta ayaa wuxuu ku
leeyahay saameeyn in wa xooga
haweenka uu yaraado dareenkeeda
xagga galmada dabadeedna ay
adkaato in ay si wax ku ool ah ay u
dareento galmada, waxaana jira xaalado mar mar dhaca oo ah in
haweenka qaar uu dareenkooda xagga
galmada uu saa’ido xiliga ay kusii
dhawaneyso quusta taas oo badana lala
xiriiriyo haweenka aan horay wax u
dhalin kuwaas oo is leh kahor quusta aad wax dhashid. Gormee ayaad u
bahantahay in aad dhaqtar kala xiriirto
dhibaatooyinka tabardarida galmada?
Inta badan haweenka wey las oo
darsaan dhibaatoyinkan tabardarida
galmada waqti uun katirsan noloshooda, si kasta oo ay ahaataba marka ay si
joogta ah u Cabato ayaa waxey ku sababi
karaan haweneyda iyo lamanaheeda
dhibaatooyin xagga qoyska ah kuwaas
oo ku yeelan kara saameyn aan
wanaagsaneyn xiriirka qoyskooda, haddaba haddii aad si joogta uga cabato
dhibaatooyinkan lasoo xiriir dhaqaatiirta
webkani si loo qimeeyo dhibaatada ku
heysata kadibna laguu daweeyo inshaa
allaah.
Waxaa jiraan cuduro iyo xanuuno badan oo sababi kara tabar yarida dumarka iyo
ragguba kala soo derista hamiga
galmada.
Haddaba haddii aad aad ka cabaneyso
dhibaatooyin kaala soo gudboonaada
dareemaha jinsiga rag iyo dumar ba la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha
website kan dhaqaatiirtu waxey kuu
ballan qaadeysaa in si fudud iyo waqti
kooban lagaaga daaweeyo dhamaan
cilladaha jinsiga ah iyo dhamaan
xanuunada ku dhaca xubnaha taranka rag iyo dumarba inshaa allaah. Nala soo xiriir
si aan d u hesho caawimaad inshaa
allaah. Mahad sanidiin.

Ukumaha dumarka fiixda leh

Ugxansidaha fiixda leh waa xaalad
caafimaad oo loo yaqaanno (Polycystic
Ovary Syndrome) loona soo gaabiyo
(PCOS)
Waa xaalad ku dhacda haweenka taa soo
keenaysa dhowr dhibaato oo ay ka mid tahay:
1: In ay saameyso caadada dumarka
2: in la waayo in ay soo daahdo
3:. in muddo ah in ay iska socoto.
4: Isku dheellitir naan hormoonnada jirka
5: Dhibaatooyin wadnaha iyo xididada dhiigga
6: Madhalaysnimo.
7: Iyo muuqaalka qofka (Qofka oo aad u
cayilo ama qof bararan u ekaado)
8: Fiixyo tiro badan oo ku samaysma
dhinacyada ugxan sidayaasha. immisa dumar ah ayaa Qabto Cudurkaan?
20 kii dumar ba oo ilmo dhalo waxaa
laga helaa hal qof oo qaba cudurkaan
inkastoo u badantahay haweenka
dhalmada gaaray laakiin way dhacdaa in
gabdhaha da'da yar ay ku dhacdo wixii ka billawdo 11 jir.
Maxaa Keeno Cudurkaan?
Sababta keento cudurkaan lama
garanayo laakiin dadka aqoonta u leh
cudurrada ku dhaca hormoonnada waxay
aaminsan yihiin in waxyaabo badan oo isku tag tagay ay ka dhasheen taa soo ay
ka mid yihin:
1: Hiddo wade qofka jirkiisa oo uu ku
dhashay ama uu ka soo jeedo qoys
cudurkaan lagu yaqaanno.
2. Isku dheellitirnaan hormoonnada taasoo hormoonnada haweenka ay
yaraadaan ama hormoonnada ragga ay
haweenka ku bataan taasoo keento in
caadadii wareerto,
3. Finan wajiga ka soo baxa sida fin
doobka 4: xaad badan oo haweentu yeelato.
Waxaa kaloo la arkay in haweenka qabo
cudurkaan uu ku badan yahay
hormoonka Insulinka kaasoo keena inuu
sii badiyo hormoonka ragga ee loo
yaqaanno "Androgen". Waa Maxay Calaamadaha Cudurkaan?
1:Dhalmo la'aan (haweentii oo aan uur
qaadaynin maxaa yeelay ugxan sidihii
ugxan soo saari maayo, cudurkani waa
cudurka ugu badan oo haweenka u keeno
madhalaysnimada). 2: Caadadii oo wareersan
3: Xaad badan "Hirsutism" taasoo ka soo
baxdo wajiga, xabadka, caloosha iyo
suulasha dhabarkooda.
4: Fiixyo badan oo ugxan sidaha ka soo
yaaco 5: Fin doob iyo agool badan oo madaxa
ku samaysmo.
6: Shuluqnimo (Miisaanka oo kordho una
badan dhinacyada caloosha) Tinta oo
meelaha qaar madaxa ka daadato ama
yaraato. 7: Baro baro ku samaysma jirka sida
qoorta, gacmaha, naasaha iyo canjirrada
taasoo
midabkeedu yahay huruud ama madow.
8: Misko xanuun 9: Walwal iyo murugo
10: Naqaska-hurdada (Neefsashada oo istaagto waqti kooban xilliga hurdada)
Sidee Cudurkaan u keenaa
dhalmo la aanta?
Ugxan-sidaha waa meesha dumarka
ugxantooda laga soo saaro, ugxantaas
waxay gashaa Gal si ay ugu korto oo markii ay gaarto heerkii la bacrmin karay
ayaa laga soo sii daayaa taasoo soo
aaddo dhinaca minka si loo bacrimiyo
iyadoo soo marayso tubooyinka. Haddii
haweentu ay qabto cudurkaan, ugxan-
sidaha awood uma lahan inuu kobciyo ama koriyo ugxanta maadaama
hormoonnadii ka qeyb qaadan lahaa
howshaan aysanba jirin. Marka Galkii
ugxanta lagu kobcin lahaa ayaa waxaa
ka buuxsamo biyo taasoo
keensato cudurkaan. Cudurkaan Ma Is badalaa xilliga
dhalmo ka baxa?
waxaa dhici karta inuu is bedelo iyo
inaanu is bedelin. Cudurkaan wuxuu
saameeyaa hab dhisyo
badan oo jirka ah sidaa awgeed calaamado badan way sii jirayaan
inkastoo ugxantii ay hawlgabtay heerkii
hormoonadane ay is badaleen.
Waxaa sii jiri doona in xaaddii iyo
timahii ka soo yaacay haweentii
ay sii badato, iyadoo dhanka kale na timahii madaxa sii baaba ayaan
iyadoona ay dhici karto in haweentu
yeelato (bidaar)
Waxaana halis weyn kaga imaan kartaa
haweenta, wadna xanuun iyo kaadi-
macaan. Haddaba waxaa is weydiin mudan ma
jiraan cuduro sababi kara in ugxan sidaha
dumarka fiix yeelato?
Haa waxaa jira 3 cudur oo dumarka ku
keena fiixda ugxamaha kuwaa soo inta
badan ah xanuuno la iska la socdo oo dadku u heysan xanuuno qatar ah.
Si kastaba ha ahaatee hadii aad ka
cabaneyso dhibaatooyin la xiriira ugxan
sidaha fiixda iyo guud ahaan xanuunada
ku dhaca xubnaha taranka dumarka iyo
ragga ba ama heysto dhibaatadaasi qof kamida ehelkaada asxaab taada la soo
xiriir dhaqaatiirta webkani dhaqaatiirta
waxey kuu diyaariyeen daaweyn rasmi
ah oo ku wajahan dhamaan xanuunada la
sooo dersa xubnaha taranka gaar ahaan
xanuunka aan ka hadleynay ee ukxan sidaha fiixda leh la soo xiriir dhaqaatiirta
si wax badan lagaa caawiyo mahad
sanidiin.

Burooyinka naasaha dumarka

Burada ku beeranta Naaska dumarka,
waa kansarka ugu badan ee ku dhaca
dumarka, sida ay sheegeen
tirakoob yada, la sameeyay, hadii laga
qaado baaritaanka loo yaqaano Biopsy, 5 ilaa 10 dumar inta u dhexeysa mid ka mid ah waxa laga helaa kansarka
naaska. Sheegashada ugu badan ee
dumarka ula xiriiraan takhaatiirta waxa
weeye xanuun ay ka dareemaan naaska
ama dhacaan aan caadi aheyn oo ka
yimaada Ibta naaska. Guud ahaan burada ku beeranta naaska
dumarka waxa loo qeybiyaa kuwo aan
halis aheyn oo dhib badan ka iman, inta
badan ku kooban meesha ay kaga
beeranto naaska, waxana loo yaqaan
(Benign), iyo nooc kale oo halis ah dhib badan ama ugu dambeyn tana dhimasho
keena, waxaana loo yaqaanaa
(malignant) noocan dambe waxey
weerar ku qaadaan marka hore naaska
inta burada ku hareersan, kadib waxey u
gudubtaa qanjirada loo yaqaan (Lymph Nodes). Kuwa hore ee aan halista aheyn
waxa ka mid ah FIBROCYSTIC BREAST
CANCER, Calaamadaha ugu badan ee lagu
arko bukaanka waxa ka mid ah xanuun
naaska laga dareemo usbuuc ka hor inta
aan caadada iman ilaa caadadu ka dhamaato, xanuunka waxa inta badan
laga dareemaa labada naas, waxa kaloo
lagu arkaa barar iyo dhacaan cagaar
xigeen ah oo ka yimaada ibta naaska,
waxa ugu badan oo sababa, waa
dhacaanada loo yaqaan Hormones oo is bedel ku yimaado, waxa lagu arkaa
bukaanka naaska oo buux ay ka
dareemaan, iyo Xanuun marka caadada
usoo dhowdahay, waxa dhici karta in
naaska Ibtiisa dhacaan ka yimaado
dumar qaarkood, waxa lagu hubiyaa in waxa haya bukaanka uu yahay cudurka
noocan ah, marka Cirbad lagu mudo
burada oo laga soo dhuuqo
dhacaan iyada oo la kaashanayo
(Ultrasound) iyo (Mammography). Waxaa
lagu daweeyaa buradan, iskujir labo dawo oo kala ah (Estrogen) tayo yar, iyo
(Progesteron) Tayo badan sida
(Medroxyprogesterone Acetate) 5 ilaa 10
mg maalintii laga bilaabo maalinta
15naad ilaa maalinta 25naad ee bisha,
waxa kaloo marar qaarkood la isticmaalaa marka xanuunka naaska aad
u daran yahay, dawo loo yaqaan
(Danazol) 100 ilaa 400 mg maalintii 3dex
ilaa 6 bilood, waa dawo waxyeelo
dadban (Side Effect) leh isla markaana
qaali ah, waxa kaloo la isticmaalaa dawada loo yaqaan (Tamoxifen) 10 mg
laba goor maalintii 3dex ilaa 6 bilood.
Nooca kale waa FIBROADENOMA, waa
kuwa ugu badan ee loo yaqaan (Solid
Benign Breast Tumors), wuxuu inta badan
ku dhacaa haweenka da'doodu ka yartahay 25 sano, waa nooca ugu badan
ee ku dhaca naaska dumarka kuwa aan
halista aheyn, waa buro aan laheyn
xanuun, aad u kooban, si fudud
dhaqdhaqaaq u sameysa, waxa lagu
daweeyaa (Biopsy). Noocyada halista ah waxa ugu badan ee laga helo naaska
dumarkaa waa midka lagu magcaabo
(Infiltrating Ductal Carcinoma) oo la mid
ah 70 ilaa 80 boqolkiiba, dhamaan
kansarka ku dhaca naaska, arimaha sahla
ama u gogol xaara waxa ka mid ah: 1)- Dumarka ka tirsan qowmiyadaha
midabkoodu cadaanka yahay (White
Race).
2)- Dumarka da'doodu ka sareyso 50
sano. 3)- Hadii cudurku horay ugu dhacay
qof ka mid ah reerkeeda (Hooyo ama gabar Walaal la ah), weliba hadii
kansarka naaska uu saameeyay labada
Naas ama ku dhacay haweeneyda ay
qaraabada la tahay iyada oo da'deedu
aysan gaarin 45 sano.
4)- Hadii horay taaarikh cudur uu u jiray sida (Kansar ku dhacay ilmo galeenka,
ama kansaro nooc kale ah oo naaska ku
dhacay, iyo hadii horay naaska kale
kansar kaga dhacay). 5)- Hadii caadadu
ku dhacday 12 sano inteysan gaarin
(Early Menarche). 6)- Hadii uurkii ugu horeeyay ay ku
qaaday 35 sano ama ka badan.
Kansarada noocan ah waxa lagu
daweeyaa Qaliin la raacsho Radiation
ama Chemotherapy oo ah in la siiyo
bukaanka dawada unugyada kansarka lagu dilo, midaa oo si gaar ah loogu
daweeyo haweenka laga helo qanjiro uu
saameeyay kansarka, buraduna ka
yartahay 4 cm balaca. Waxa kaloo jira
kansaro kale oo ay ka
mid yihiin: Introductal Papilloma, waa buro xajmi yar oo jilicsan inta badan ka
beeranta hoosta ibta, sida badana
dhacaan dhiig ah kasoo dareero ibta
naaska, waxa lagu daweeyaa qaliin
iyada oo la adeegsado Mammogram ama
Ductogram baritaanada loo yaqaan. dhamaan nooc yada burooyinka ee
naasaha dumarka ku dhaca waxaa
intooda badan u sabab ah dhibaato kala
soo derista dumarka habka uu shaqeeeyo
hormoonada jirka iyo in mudooyin badan
lala socdo xanuunada qaarkooda oo iyagu sababa carqalado ku yimaada habka
shaqo ee hormoonada jirka.
Waxaana ka mida xanuunada sababi kara
cudurka baabasiirka cudurka
sonkorowga dhibaatooyinka dumarka
kala soo dersa caadada sida caadada oo wareer ku dhaco caadada oo la waayo
caadada oo yaraata ama badata
arrintaan ah dhibaatada ku timaada
xagga caadada ayaana asbaabaha ugu
weyn ee ku keena dumarka burooyinka
ka soo baxa naasaha. Waxaan jeclahay inaan wax yar ka dhaho
daawooyinka aan kor ku soo sheegnay
waa lagu daaweeyaa burooyinka
naasaha balse daawooyinkaani waxey
leeyihiin waxyeelo aad u fara badan
waxaana kamida iney aad u fududahay iney keenaan cudurka kansarka.
Sidaa aawgeed waxaa haboon in
isticmaalkooda laga la tashado
dhaqaatiirta. waxaana haboon in
dumarku aad ula
socdaan is bedelada ku dhacaayo naasahooda taas oo qeyb weyn ka
qaadaneyso in hore loo ogaado hadii
naasuhu cuduro la soo darsaan waxeyna
fududeyn doontaa dib uga soo kabashada
iyo in cudurka si dhaqsa ah looga
bogsoodo inshaa allaah waayo la socodka isbedelada ku dhacaya naasaha
waxey qeyb libaax leh ka qaadataa in
waqti hore la ogaado burooyinka inta
aaney ku faafin qeybaha kale ee jirka si
fududna loo daaweeyo.
Haddaba hadii aad dareemeyso isbedel ku yimid naasaha ama burooyin ka soo
baxeen naasaha ama ibta naasaha
dheecaan ka soo baxo ama uu ku
xanuunayo midka mida naasaha ama 2
doodaba ama caada daada sax aheyn
La soo xiriir dhaqaatiirta website kan dhaqaatiirta waxey kuu diyaariyeen
daaweyn rasmi ah oo ku saabsan
dhamaan xanuunada ku dhaco naasaha
dumarka iyo raggaba iyo xubnaha ay bah
wadaagta yihiin. Nala soo xiriir si aan
wax badan kaaga caawinno inshaa allaah mahadsanidiin.

Cudurka qabsin soo boodka

Cudurada ku dhaca waaxda Hunguri-
mareenka Aadamiga aad iyo aad bay u
fara badan yihiin una kala duwan yihiin,
waxaa loo qeybiyaa kuwo raaga
(Chronic)
iyo kuwo soobood leh (Acute), qeybtan dambe waxa ka mid ah cudurka Qabsinka
loo yaqaan oo ay Takhaatiirta ugu magac
dareen “Isu Ekeeyaha Weyn” , sharaftan
iyo qadarintan weyn wuxuu cudurkan ku
mutay, inuu isu ekeysiiyo cuduro badan
oo qaarkood halis yihiin hadaan si deg- deg ah wax looga qaban ama dhimasho
iyo dhaawac daran sabab u noqda.
Asbaabo badan baa keeni kara cudurkan
oo ay ka mid tahay: Shey la laqay
(Foreign Body) oo gufa ama xira afka
Appendix-Ka, Gooryaanka nooca loo yaqaan (Pinwarms), Saxaro Adag oo xirta
afka appendix-ka (Fecaliths), Cudurada
ay ka mid yihiin Carcinoids, Kansarka,
Villous Adenomas, Diverticula, Ulcerative
colitis, Ileocolitis of Chron’s disease. Si loo
garto oo loo ogaado cudurkan waa in marka hore takhtarku ku fekero oo
madaxa ku hayo had iyo goor, hadii
takhtarku uusan ka fekerin jiritaanka
cudurka waxa dhici karta iney ka hoos
baxdo oo loo qaato wax kale maadaama
dadka da’da weyn, dhalaanka iyo caruurta da’doodu yartahay aysan kasoo
shaac bixin calaamadaha u gaarka ah ee
lagu yaqaan cudurkan, sidoo kale
haweenka Uurka leh laguma arko
tilmaanta u gaarka ah ee lagu yaqaan
Qabsinka kuwaa oo lagu arko bukaanka wax ka yar 50 boqolkiiba. Calaamadaha
iyo astaanta lagu garto
cudurkan waxa ka mid ah: Calool xanuun
ku aadan bartamaha Uur ku’jirta iyo
agagaarka Xudunta oo marka bilowga ah
aan sidaa u darneyn, kadib xanuunka caloosha wuxuu u dhaadhacaa dhanka
midigta ah qeybta hoose ee calooshaa
(RLQ), intaa waxa weheliya Lalabo iyo
Hunqaaco, cunada oo uu diido bukaanka
(Anorexia), qandho aan sidaa u darneyn,
waxa dhici karta marar badan in (Appendix-ka) Allah ku abuuray dhanka
dambe ee Xiidmaha balaaran sidaa
darteed bukaanka waxa lagu arkaa
calaamado kale oo ay ka mid yihiin:
xanuun aan darneyn oo ku baahsan
caloosha, bukaanku uusan garaneyn inuu tilmaamo barta xanuunka ku aadan,
Lalabo iyo Hunqaaco aan darneyn,
Shuban aan badneyn, Kaadi fara badan
oo joogta ah, iyo dhiig soo raaca kaadida.
Si loo garto cudurka waxey adeegsadaan
takhaatiirta sheybarka ay ka mid yihiin: CBC ama sawirka dhiiga oo lagu arko in
Unugyada Cad-Cad ee dhiiga ay gaaraan
ilaa 15000/mm3 oo boqolkiiba 75% ay
yihiin nooca loo yaqaan Neutrophils,
baaritaan Kaadida, saddex sawir X-ray
oo caloosha laga qaado, Ultrasound, iyo CT Scan. Marka la xaqiijiyo in bukaanka
waxa haya ay tahay Qabsin soo bood ah,
si deg-deg ah waa in qalitaan loo
sameeyo si looga gooyo bukaanka
Appendix-ka hurgunku galay inta aysan
ku dilaacin oo dhib fara badan aysan uga dhalan, marka qalitaanka la sameeyo isla
marka xanuunku bilowdo dhaawaca iyo
dhimashada ka iman kara cudurkan aad
iyo aad bay u yartahay, sida badan
marka ay ku bilaabato bukaanka
xanuunka iyo marka ay qaraxdo Appendix-ka uma dhexeyso wakhti
badan qiyaas ahaan wax ka yar 24 saac
gudohood, dhibaatada ka dhalan karta
markaan si dhakhsi ah loo garan ama
wax looga qaban cudurkan waxa ka mid
ah: Boogta oo hurgun galo (Wound infection), Muruqa kala qeybsha Wax-ku-
jirka Feeraha iyo Uur-kujirta dhanka
midig oo Malax ay gasho (Subphrenic
Abscess), Uur-ku-jirka oo Malax yeelato
(Pelvic Abscess), midaa oo ay ka dhalan
karto Xiidmaha oo isku dhega (Adhesions) iyo dumarka oo dhalmada
gaba (Infertility), Appendix-ka oo Malax
yeelata. Waxa had iyo goor loo baahan
yahay in madaxa uu ku hayo takhtarka in
cuduro kale ay noqon karaan sababta
calaamadaha lagu arko bukaanka kuwaa oo ay ka mid yihiin: Boogta caloosha oo
qaraxday ama dilaacday (Perforated
Peptic Ulcer), Hurgunka Xameetida ee
ba’an (Acute gangrenous Cholecystitis),
Xiidmaha oo Xirma (Intestinal
Obstruction), gaar ahaan dumarka waa in laga baaro Burada Ovariga (Ovarian Cyst),
waa burada ka soo baxda ukamaha
dumarka. Hurgun mareenka Ukunta
(Salpingitis), iyo ilmaha oo ku beerma
meel ka duwan
booskoodii caadiga ahaa (Ectopic Pregnancy), waa uurka ku beerma meel
aan aheyn gudaha ilmo galeenka.
si gaar ah waa in loo baaro marka
qalitaan la sameenayo wax ku dhow
2 mitir xiidmaha yar (Small intestine)
inuusan jirin cudurada loo yaqaan Meckel’s Diverticulum, Ileitis iyo Yersenia
enteritis oo dhamaantood ku hoos
dhuuman kara cudurka Qabsinka soo
booda. Marar aan badneyn waxa dhici
kara in hurgunku ku fido agagaarka
Appendix-ka sidaa darteed waxa loo baahdaa in laga gooyo bukaanka inta ku
hareersan appendixka ee dhaawucu ku
fiday (Appendix Plus Messentery iyo Rt
Colon), si looga hortago dhibaato kale oo
ka dhalata. Qaliinka marka la go’aansho
waxa la adeegsan karaa labo farsamo oo kala
duwan kuwaa oo kala ah: Laparoscopy
iyo Laparatomy, mida hore oo beryahan
adeegsideeda aad uusoo kordhayo taa oo
ay sabab u tahay iney uga waxyeelo
yartahay bukaanka nooca dambe oo horay aad loo adeegsan jiray, farsamada
qaliinka oo sanadahaan dambe qalabka
la adeegsado ay sahashay in bukaanka
laga dhowro in calooshiisa qaliin weyn
lagu sameeyo hadii laga maarmi karo.
Haddaba inta aan kor ku soo sheegnay waa marka cudurka qabsin sooboodku
gaaro heerka qatarta ah laguna
baraarugo xanuunka daran ee uu
leeyahay iyo marka laga baqayo halis ah
in appendix ku qarxo.
Balse maxaa sabab u noqon kara cudurka qabsin sooboodka. Waxaa sababi karaan
cuduro dhowr ah kadib marka aan si
rasmi ah la isaga daaweyn.
Muddo dheerna la la socdo. Waxaana ka
mida cudurka baabasiirka cudurka
gaaska gooryaanada cudurada keena dheef shiid xumida iyo xaalado kale oo
aad u badan.
Haddaba hadii aad dareemayso wax
kamida calaama daha cudurka qabsin
sooboodka ama aad leedahay xanuun la
xiriira hunguri mareenka ama uu hayo qof kamida ehelkaada asxaabtaada la
soo xiriir dhaqaatiirta website kan
dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daawo
kaa baajineysa qaliinka cudurka qabsin
soo boodka inshaa allaah la soo xiriir
dhaqaatiirta si wax badan lagaaga caawiyo inshaa allaah mahad sanidiin.

Wadno gariir

Wadno gariir waxaa loo yaqaanaa (Atrial
Fibrillation ama A-fib ama atrial fib).
Kani waa wadno garaac aan caadi
ahayn.
Garaaca wadnaha waxaa suga isla
markaana koontaroola signallo koronto ah oo wadnuhu leeyahay.
Guntinta Dalqada wadnaha ku taalla
ayaa u dirta signallo koronto ah inta kale
ee wadnaha (SA Node). Signalladaasi
waa
kuwa sameeya in wadnuhu isku noqdo oo kala baxo haddana si uu dhiigga usoo
tuuro. Sida caadiga ah wadnuhu isaga
ayaa marna kala baxa marna isku noqda
si uu u habeeyo inta loo baahan yahay ee
dhiig ah ee jirka kale la gaarsiinayo.
Wadno gariirku markuu yimaaddo guntinta dalqada wadnaha ku talla-
ayaan bilaabin inay dirto signals ka,
sidaa darteed signallada ayaa kasoo
bilaabma qaybaha sare midig ama bidix.
Taasina waxay keentaa in wadnuhu u
garaacmo si qayrul caadi ah, oo mararka qaarkood uu aad u gariiro. Calaamadaha
wadne-gariirka (Atrial Fib) waxaa ka
mida.
1: Wadnaha oo si aan caadi ahayn u
garaacma.
2: Dareen garaac xoog ah oo laabta gudeheeda laga dareemo.
3: Hawada neefsiga oo kugu yaraata.
4: In aad si fudud ugu daasho
dhaqdhaqaaqa .
5: inaad dareento itaal darro.
6: (wareer), Hadii aad u baahan tahay baaritaano
Waxaa la sameyn karaa mid ka mid ah
baaritaanadan:
1: Electrocardiogram (ECG or EKG)
2:in la duubo garaaca dhaq dhaqaaqa
korontada ee wadnahaaga. 3: Fiirsashada Holter-in la duubo heerka
garaaca wadnahaaga ee 24-48
saacadood Baaritaanno kale oo xanuunka
wadnaha
la xiriira ayaa iyaguna jira.
Waxaa kaloo jira xanuuno iyo asbaabo badan oo iyaguna keena wadno gariirka
Waxaana kamida cabista sigaarka iyo
cunista qaadka cabida aalkolada iyo
dhamaan mukhaadaraad ka.
Cudurada keeni kara wadno gariirka iyo
wadno xanuunka waxaa ugu weyn cudurka baabasiirka sidoo kale wadno
gariirka waxaa iyaduna sababi karto
cudurka malaria da buurnida zaaidka
ayaa iyaduna sababi kartaa wadno
gariirka iyo wadno xanuunka ba.
Waxaa jira xanuuno badan oo iyagu carqaladeeya hanaanka shaqo iyo
caafimaad ee wadnaha.
Hadii aad isku aragto ama aad qabto
wadno gariir ama garaaca wadnaha oo
zaaid kugu ah ama wadno xanuun ba
ama uu ka cabanaayo qof kamida ehelkaada asxaabtaada la soo xiriir
dhaqaatiirta website kan dhaqaatiirta
waxey kuu diyaarisay daawo guud
ahaan baabi isa dhamaan xanuunada ku
dhaca wadnaha lana isticmaalayo mudo
kooban inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si wax badan lagaaga
caawiyo mahad sanidiin.

Cabeeb / umuloow

Candida ama cabeeb waa infakshan guud
waxaana keena khamiirka loo yaqaan
Candida albicans. Waxay jeceshahay inay
ku korto meelaha diiran oo qoyan sida
afka (oral candida), waxayna ku
dhuumataa maqaarka ku yaalla sarcanta, dabada agagaarkeeda, marmarka
qaarkoodna kilkilada.
Afka gudahiisa, waxay ku samaysaa
meela cad cad oo guduud ku jiro.
Badanaa wareega camanka ayey wax
yeelaysaa , laakiin marmarka qaarkood wuxuu galaa ciridka, dhabxanaga ama
carabka. Candida wuxuu ku dhacaa
badanaa maqaarka meelaha sarcanyuhu
ku yaalliin. Dabadeedna waxay ku fidaan
bawdiyaha ama barida meelaha ka fog
maqaarka kaas oo ay wax yeeshay candida. Midkaani caam ayuu ku yahay
meelaha naabiga lagu xiro halkaas oo
qoyan isla markaana diiran. Meelaha
infakshanku ku dhashay waxay
yeeshaan guduud waxaana dhici kara in
wax fuulaan qarka laymanka yaryar oo ku fidaya meelaha maqaarku ka laaban
yahay. Maxaa dhaliya? Candida waxaa
qaba 20% dadweynaha iyadoo aan
keenin wax dhibaato ah. Haddii ay jiraan
xaalado gaara, sida isticmaalida
antibaayootikis, waxaa dhici kara in candida intii ka sii weynaato. Waxaa
dhici karta cuntada afka lagaga tegay
sida cabitaanada macaan
ama caano, inay qayb ka qaadato
koritaanka infakshanka candida.
Qoyaanka iyo diirimaadka meelaha diiran (meelaha laabma ee maqaarka)
khaasatan meelaha jirada maqaarku ay
ka jirto, ayaa ka dhigi kara candida
infakshan inay noqoto. Haddii cudurkan
afka qalaad lagu yiraahdo candida ku
dhaco meelaha laabma isticmaalida kareemka cortisone iyadoo aan lala
isticmaalayn daawada lagu daaweeyo,
waxaa laga yaabaa in cudurkaani ku sii
xumaado.
Sidee lagu daaweeyaa?
Daawada rasmiga ah ee candida lagu daweeyo waxaa ku jira kareem la
mariyo meelaha naabiga aafeeyey iyo
daawo si toos ah afka looga qaato.
Haddii hooyadu ku yeellato candida ama
cabeeb cambarka ama ibta naasaha
waxay u baahnaan doontaa daawen rasmi ah. Cabiraada guud oo inaka
caawimaysa in laga hortago cudurkaan
waxaa weeye in
la ogaado waxay jeceshahay waana:
Joojinta antibaayootikiska sida ugu
dhaqsaha badan Si taxadaran u qalajinta meelaha
maqaarku ka laabmo qubayska ka dib
Isticmaalida dhar aan kugu dheganayn si
aad isaga ilaaliso inaad kululaato waxaa
waajib ah in si rasmi ah loo daaweeyo
hadii maqaarka jirrado ee uu yeesho furuuraca naabigu keenay.
Sidoo kale cabeebka wuxuu ku dhici
karaa hooyada dhashay iyadoo uuna
kaga dhici karo afka carabka iyo farjiga
ba sidoo kale waxaa jirta in cabeebku isu
bedeli karo xanuuno adag hadii aan si dhaqsa ah la isaga daaweyn waxaana ka
mida wax yaabaha uu sababi karo marka
cabeebku afka aad ugu koro inuu
infakshanka candida raaco tuubada
hunguriga isla markaana wax yeeleeyo
beerka iyo caloosha wuxuuna keeni karaa nabro gaas ah oo caloosha ku
sameysma.
Hadiise cabeebku aad ugu koro gudaha
farjiga iyaduna waxey sababi kartaa in
xanuun badan laga la kulmo galmada
caadada iyo dhibaatooyin badan oo aan la soo koobi karin.
Cudurada sababi kara in candida ku
badato meelaha qoyan ee laabma waxaa
ka mida cudurka baabasiirka oo isagu
hoos u dhiga difaaci jirka ama baabi
iyaba. Sidoo kale dadka isticmaala qaadka iyo
sigaarka ayaana iyaguna ku kori karaa
cabeebka. Umulow waxa ey u taqaano
soomaalida oo inta badan dumarka ka
sheegtaan iyo xanuunkan aan hadda ka
hadleyno ee cabeebka ama candida waa isku mid.
Hadii aad isku aragto xanuunkan ama uu
dhibaato kugu hayo ama uu ku hayo qof
kamida ehelkaada asxaabtaada la soo
xiriir dhaqaatiirta website kan
dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daawo mudo 1 bil ah la qaato dhamaana kaa
sifeyn doonta xanuunka cabeebka
umulowga ama candida hadba sida aad u
taqaano inshaa allaah la soo xiriir
dhaqaatiirta si aad u hesho caawimaad
inshaa allaah mahad sanidiin.

Cudurka sanboorka

Saaxiibada qaaliga ahow maanta
waxaan wax ka tilmaameynaa cudurka
sanboorka. Cudurka sanboorka ayaa
noqday beryahan mid aad u badan
waxaana u sababa kororka cudurkaan ee
bulshada dhexdeeda dhow arrimood waxaana ka mida isticmaalka wax
yaabaha kiimikaal ka laga farsameeyo
ee aan dabiiciga aheyn oo aad u kordhay
iyo dadka intiisa badan gaar ahaan
soomaalida oo ka hayaantey dhulkoodii
hooyo isbedelkaa xagga hawada iyo jawiga ba waxey ka qeyb qaadan karaan
kororka cudurka sanboorka.
sanboorka calaamadihiisa waxaa ka
mid ah -
1: Diif badan oo aan caadi aheen
2: Indhaha oo ku cuncuna 3:Cabur fara badan.
4: hindhiso fara badan
5: hargab kugu dhaca marka sanboorku
ku qabto.
6: xanuun xabadka mar mar
7: xasaasiyad aad ka dareento neef mareenada.
8: madax xanuun mar mar ah.
9: indhaha oo ku guduuta
Waxaan oo dhan inta badan waxay
yimaadaan xiliyo gaar ah ama haddii
qofku uu la kulmo waxa uu jirkiisa diidayo.
Sanboorku caafimaad ahaan macnihiisa
waxaa weeye jirkaaga ayaa la kulmay
wax uusan dooneen.
Maadaama inta badan sanka laga
neefsado, jirka waxuu kala kulmaa waxyaabo badan oo uusan jirku dooneen
sanka. marka diifka iyo waxyaabaha la
midka ah waxaa keenaya jirka oo la
dagaala maya waxii uusan jirka rabin.
sidoo kale caburka iyo hindhisada iyo
dhamaan xaaladaha uu keenayo sanboorka marka uu ku kaco qofka ayaa
waxey ka dhigan tahay jirkaaga oo la
dagaalamaya wax uusan rabin sida busta
kiimiko aad u dhawaatey daawa aad
cuntey ama cunno aad cuntayba haku
jiraane. Sidoo kale waxaa jirta cuduro iyo
asbaabo badan oo keenaya in qofka ku
dhaco sanboor waxaana ka mida.
Isticmaalka mukhaadaraadka sida
sigaarka qaadka iyo waxyaabaha kaa sii
weyn ee dadka qaarkii isticmaalaan waxey sahli karaan in uu sanboor kugu
dhaco si dhaqsa ah.
Sidoo kale waxyaabaha sababa in
sanboor kugu dhaco waxaa kamida inaad
ka shaqeyso meelaha kiimikooyinka
yaalaan ama lagu farsameeyo sida warshadaha oo kale.
Cudurada keena sanboorka waxaa ugu
weyn cudurka baabasiirka sidoo kale
cudurada ku dhaca neef mareenka sida
pneumonia yada burunkiitada tb da
sanbabada ku dhacda iyo cudurka macaanka oo isaguna sababi kara
xanuuno badan oo sanboorku ka mid
yahay.
sanboorka hadii aan la iska daaweyn
wuxuu dhaxal siin karaa qofka qaba
xasaasiyad ku weynaata gudaha sanbabada iyadoona wadiiqo sahasha u
noqon karta iney kugu dhacdo neef.
ka hortagga cudurka sanboorka waa mid
u baahan dadaal dheeri ah.
Iska ilaali wax yaabaha qatarta ku ah
caafimaadkaada guud ahaan gaar ahaan wax yaabaha aan kor ku soo sheegnay.
Hadii uu dhib kugu hayo ama aad qabto
cudurka sanboorka ama uu dhib ku hayo
qof kamida ehelkaada asxaabtaada la
soo xiriir dhaqaatiirta website
kani.dhaqaatiirta waxey hubin doonaan waxa sababey sanboorka. daawada
sanboorka waxaa la qaataa muddo 1 bil
ah inshaa allaah daawo kaa cirib tirta
cudurka sanboorka soo weeydii
dhaqaatiirta website kan si aan wax
badan kaaga caawinno la soo xiriir dhaqaatiirta inshaa allaah waxaan
diyaar u nahay inaan wax badan ku
caawinno mahad sanidiin

Kilyo xanuunka

Kilyo xanuunku waa xaalad caafimaad
darro oo la derista banii aadamka qaarkii
isla markaana ku keena qofka xaalad
xanuun iyo jiro iyadoo marka dambena
dhici karaan xanuuno kale oo ka dhalan
kara kilya xanuunka. Killi xanuunku badanaa wuxuu bilowdaa
kadib marka uu ku dhaco caabuq
infakshan ah kilyaha iyo kaadi mareenka
infakshan kaasoo sababi kara in
dhaawac uu gaaro xuubka ku dahaaran
kilyaha. Sidoo kale waxaa jira in kilyaha
dhexdooda ku sameysmaan dhagxaan
yar yar ama waaweyn kuwaa soo keeni
kara xanuun kilyeed waxaa kaloo dhagax
yadaasi sababi karaan in qofka ku dhaco
cudurka dhiig karka. Kilyo xanuunku waxaa kaloo sababi
karaa xanuunada galmada lagu kala
qaado sida jabtada, chlamydia, iyo
xanuunka kale ee loo yaqaano pelvic
inflammatory disease ( PID ) dumarka
ayuuna ku dhacaa. Wax yaabaha keena kili xanuunka waxaa ka mida
dhibaatooyinka dumarka kala soo dersa
xagga caadada.
Wax yaabaha sababi kara kili xanuunka
waxaa kamida cabitaanka biyaha oo
qofka aad ugu yaraada sidoo kale kilyo xanuunka waxaa keeni kara isticmaalka
maandooriya yaasha sida jaadka
sigaarka iyo wixii kaba sii weyn waxaa
sidoo kale sababi kara kili xanuunka
isticmaalka daawooyinka qaar
daawooyinka qallajinta oo aad loo isticmaalo waxey sababi kartaa xanuun
kilyeed.
Dhibaatooyinka dumarka ka la soo dersa
xagga makaanka dhibaatooyin kala
dersa xilliga dhalmada sidoo kale kilyo
xanuunka waxaa sababi karaa qalliinada qaarkood ee lagu sameeyo xubnaha
kilyaha kaadi mareenka iyo xubnaha
taranka rag iyo dumarba wax yaabaha
dumarka kilyo xanuunka ka dhaxli
karaan waxaa ka mida gudniinka
fircooniga ah. Sidoo kale galmada badan waxaa laga
dhaxlaa xanuuno kilyeed oo dhib badan.
Cudurada si rasmi ah u keena kilya
xanuunka waxaa kamida.
1: cudurka baabasiirka
2: cudurka sonkorowga 3: cudurka dhiig karka
4: gooryaanada
5:kansarka ku dhaca guud ahaan Kilyaha
iyo kaadi mareenka.
Haddaba dadkeena soomaalida rag iyo
dumar ba waxaa ku badan kilyo xanuunka markii aan wax badan eegnay
bukaano badan oo ka cabanaya kilyo
xanuunka waxaan ogaaney in asbaabta
ugu weyn ee bukaanada soomaalida ee
qaba kilya xanuunka iney tahay cudurka
baabasiirka cudurkaan oo ah cudurka ugu xoogga badan cudurada keena kilya
xanuunka kilyaha oo ku dhashaan
dhagxyo iyo cudurka dhiig kar ka ba.
Hadii aad ka cabaneyso kilya xanuun
ama uu ka cabanaayo qof kamida ehel
kaada asxaab taada la soo xiriir dhaqaatiirta website kan dhaqaatiirta si
aad u qoto dheer ayey u baarayaan
cilladaha keenaya kilya xanuunka kadib
dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarineysa
daawada ugu haboon uguna safe san ee
aad u qaadaneyso kilya xanuunka. Daawada kilya xanuunka waxaaa la
qaataa muddo 1 bil ah oo xiriirta.
La soo xiriir dhaqaatiirta si wax badan
lagaaga caawiyo mahad sanidiin.