WAXAAD DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA VIBER +16468272744 WHATSAPP +447441954777

Waxaad dhaqaatiirta kula kulmi kartaa online ka adigoo adeegsanaya telefoonada viber +16468272744 whatsApp +447441954777 emailada kala ah nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com Mahad sanidiin

LA SOO XIRIIR DHAQAATIIRTA WEBSITE KANI

WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KALA SOO XIRIIRI KARTAAN TELEFOON NUMBERADA KALA AH VIBER WHATSAPP +16468272744 AMA KAN KALE EE AH VIBER WHATSAPP +16468272744 +447441954777 TELEFOON KA FIXED KA AH WAA +16314883563 AMA +16468272744 AMA +390918777633 CINWAANADA EMAILKA KALA AH nalasooxiriir@live.com nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com SIDOO KALE WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA WAQTI KAMIDA 24 KII SAAC CINWAAN KU WAA nalasooxiriir@gmail.com MAHAD SANIDIIN.

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD
Xarumaha caafimaad ka website yadan ayaa kuu diyaariyeen daaweyn rasmi ah inshaa allaah dhamaan xarumaha caafimaad ka iyo dhaqaatiir tooda ba waxa heegan buuxa u yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka soomaaliyeed ee xanuun sanaya meel kasta oo ay dunida ka joogaan daawooyin iyo daaweyn rasmi ah waxaa diyaar idiin la ah dhamaan xarumaha caafimaad ka ee website yadan la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho xal caafimaad oo waara inshaa allaah mahad sanidiin.

WE TREAT GOD HEALS

WE TREAT GOD HEALS
inshaa allaah

Wednesday 11 December 2013

WAA MAXAY CAABUQ AMA INFECTION SIIBA CAABUQYADA AMA INFECTION NADA KU DHACA XUBNAHA TARANKA DUMARKA RAGGA mid kamida cudurada ku dhaca xubinka taranka haweenka isla markaana ah kan ugu weyn ee dumarka dunida gaar ahaan dumarka soomaalida ku keena dhibaatooyin dhinaca caafimaadka oo aad u badan siiba dhibaatooyin ka la xiriira dhinac yada taranka waa dhalmada iyo xagga qashin saarka jirka sida kaadida saxarada iyo caadada sidoo kale isla qodob kaan waxaa soo galaya dhididka oo isaguna kamid ah mid kamida qashin saarada jirka uu leeyahay oo aad u muhiim ah cudurkaan oo isagu ah mid saameynaya dhamaan 3 daas qeybood ee qashin saarada jirka leeyahay ayaa haddana dhibaatadiisa intaa oo kaliya aysan ku koobneyn waayo cudurkaan waa mid saameyn weyn ku yeesha habka taranka guud ahaan banii aadamka rag iyo dumarba gaar ahaan dumarka waxa uu ku leeyahay saameyn aad u badan sidoo kale cudurkaan waxa uu saameeyaa oo uu xumeeyaa macaamilka ka dhaxeeya ninka iyo xaaskiisa isagoo qoyska ka dhex abuura mashaakil hoosaad xagga nolosha iyo gogosha intaba waana cudur qofka marka uu ku dhaco ku keena mashquul dhinaca nafsada ah waana cudur faafa isla markaana aan ku koobnaaneyn qofka uu haleelo oo kaliya waxa uu saameyn karaa labada qof ee isqaba iyo ubadkooda intaba waa cudur qoysaska ku bixiyaan qarashaad fara badan bil kasta sanad kasta. Su'aasha ayaa waxa ay tahay Waa maxay cudurkani?. Cudurkani waxaa lagu magacaabaa caabuq ama (infection) waa maxay caabuq ama (infection) caabuq ama infection waa waxyeeleynta ama ficil waxyeelo loo geysanayo mid ama ka badan unugyada jirka waa hab cudur loogu beerayo unugyada jirka ee caafimaad qaba, caabuq ama infection waa cudureynta xubin ama xubno caafimaad qaba oo jirka kamida oo la waxyeeleynayo cudur iyo bushi lagu beerayo taasi waa taas waxaa iyadana xusid mudan in cudur sababe kasta sida bacteria, da virus, ka parasite, ka iyo fungi, ga ba kuwaas oo iyagu ah kuwa mas'uul ka ah inta badan in cudur imaado dhamaantood ba waxa ay wax ku waxyeeleyaan oo ay cudur ku keenaan waa caabuq ama infection ay ku beeraan xubnaha caafimaad ka qaba ee ay asiibaan isla markaana ay ku tarmaan iyagoo ka nuugaya qofka wixii nafaqooyin ah ee ay u baahan yihiin si ay u tarmaan si kooban cudur kasta waxa uu ku dagaalamo ee uu wax ku waxyeeleeyo waa caabuq ama infection hadba sidii aad u taqaano cudur dhaliye kasta waxa uu geystaa waxyeelo isagoo adeegsanaya wax yeelana ku geysanaya rasaasta lagu maga caabo caabuq ama infection. Sababta fasiraada dheer aan uga bixinay ereyga caabuq ama infection ayaa waxa ay tahay in dadkeena soomaalida si dhab ah u fahmaan macnaha caafimaad ee ereygaan waayo waxaan in badan aragnay dad badan oo soomaali ah oo leh dhaqtar kasta oo aad u tagto waxa uu ku leeyahay waxaa ku haya infection ama waxaad arkeysaa dadkeena qaar kamida oo u yaqaana infection ka ama caabuqa infection ka ku dhaca kilyaha iyo kaadi mareenka ee loo yaqaano (urinary tract infection) kaliya.waxaa iyadana xusid mudan in ay jiraan xaalado iyo cuduro kale oo kooban kuwaas oo caabuq ama infection la'aan waxyeelo geysan kara isla markaana khatar weyn gelin kara nolosha banii aadamka balse ma aha xaalado iyo cuduro aad u badan iyadoo ay sidaa tahay ayaa haddana xitaa kuwaa iyaga ah marwalbo kama marnaanayo caabuqa oo ugu dambeynta waa mid imaanaya sidoo kale waxaa xusid mudan in dhamaan noola yaasha banii aadam ka uu marti geliyo sida qaar kamida bacteria da iyo fungi ga parasite ka dhamaantood isku mid ma aha oo dhamaantood dadka ma waxyeeleeyaan qaar badan ayaa banii aadamka manaafacaad u leh in ay la noolaadaan balse kuwa waxyeelada iyo caabuqa sababa ayaa waxaa lagu magacaabaa pathogen ama (infectious agent). Qodobka aan dooneyno in aan bulshada soomaaliyeed u iftiimino ayaa waxa uu yahay. Caabuqa ama infection ka ku dhaca xubinka taranka haweenka ee loo yaqaano (vaginal infection) . vaginal infection ama caabuqa ku dhaca xubinka taranka haweenka waa caabuqa ugu badan ee dumarka asiiba waqti kamida noloshooda waana cudur caan ku ah in uu soo noq noqdo waxaana sabab u ah in dumarka cudurkaan saaxiib la noqdo asbaabo badan waxaana kamida. 1: isu gudbin in dumarka marka la guursado cudurkani uga soo gudbo seygeeda sidoo kale gabadha waxa ay u gudbin kartaa seygeeda sidoo kale waxaa xusid mudan in ninkana u sii gudbin karo haddii uu leeyahay xaasas kale. 2: isku dhalid haddii cudurkani ay qabaan labada waalid ilmaha ay dhalayaan waa uu u gudbi karaa haddii aan laga hortagin. 3: aqoon dari la xiriirta xagga macaamilka gogosha ama galmada arrintan oo ah iyadana mid labada is qaba u horseedi karto in uu haleelo noocyo kamida caabuqyada xubnaha taranka. 4: qofka oo qaba xanuuno ama cuduro kale oo sababa in jirka caabuq ku dhasho isla markaana ku fido xubno badan oo jirka kamida xubnaha taranka iyo kilyaha iyo kaadi mareenka ayaa iyagu ah kuwa ugu horeeya ee caabuqyada ku fidaan cuduradaasi waxaa kamida cudurka gaaska iyo bacteria da sababta boogaha gaaska caloosha ee loo yaqaano H.pylori qaar kamida gooryaanada waxyeelada geysta caabuqyada ku dhaca quumanka ee tonsilitis ka loo yaqaano cudurada ku dhaca kilyaha cudurka qaaxada iyo dhamaan ba cudurada sababa hoos u dhaca difaaca jirka banii aadamka. 5: nadaafad xumo guud oo la xiriirta nadaafada xubnaha taranka siiba dumarka sida in dumarka xirtaan nigisyo hoos gashiyo aan nadiif aheyn ama muddo dheer la sito hal hoos gashi ama hoos gashiyada naylon ka ka sameysan oo xirashadooda caado laga dhigto waayo hoos gashiyada ka sameysan naylon ka waxa ay sababaan noocyo kamida caabuqyada ku dhaca xubnaha taranka dumarka. 6: qodobka aadka isagana muhiim ka u ah waa dumarka qaarkood ayaa isticmaala sameeya in dhowr kii beriba ay dhaqaan xubinka taranka iyagoo isticmaalaya saabuuno iyo shaambooyin iyo wax yaabo udug leh oo markaa loogu talagalay iyagoona dumarka u maleynaya in ay faaiido weyn leedahay qaab nadaafadeed kaas balse waa musiibada ugu weyn ee heysata dumar fara badan (vaginal douching) oo ah dhaqista xubinka taranka haweenka (farjiga) ayaa waxa uu sababaa caabuqyada kala ah (yeast infection) iyo bacterial vaginosis) kuwaas oo dumarka ku keena caqabado iyo xanuuno la xiriira xagga taranka iyo kaadi mareenka sidoo kale waxa uu sababaa in dumarka ay ilmaha uga beermaan meelo ka baxsan gudaha ilmo galeenka ama riximka (ectopic pregnancy) dhaqista xubinka taranka waxa ay sababtaa in labada nooc ee bacteria da ah ee ku nool gudaha farjiga dumarka kuwaas oo kala ah bacteria da fiican ee cudurada ka celisa dadka iyo bacteria da xun ee dadka cudurada ku keenta oo iyagu si siman ugu wada nool gudaha farjiga in qiyaasta ka lunto oo bacteria da fiican dhimato ileyn saabuun biyo shaambo ayaa lagu dhaqayaaye bacteria da xumina kororto ziyaado sidaana ku keento cudurada caabuqa leh ee aan kor ku soo sheegnay sidoo kale waxaa uu sababi karaa falkaan cuduro badan oo dumarka kaga dhaca xubnaha taranka kilyaha iyo kaadi mareenka. Calaamadaha la arko marka xubinka
taranka haweenka cudur hayo waxaa ka mid ah: 1: Xubinka taranka haweenka oo
cuncunta, 2: gubasho xubinka dhexdeeda ah,
3: xanuun iyo dhacaan ka yimaado xubinka taranka haweenka, waana sababaha ugu badan ee haweenka u raadiyaan in ay la tacaalaan xubinka taranka, waana arrinta inta badan keenta cuduro ku dhaca xubinka taranka haweenka iyo caabuqyada keena xanuunadaas. Haweenka jooga da’da uurka lagu qaado ama xiliga ugu horeyso ee uu ku dhaco dhiiga caadada, waxaa inta badan u keenaa dhibatadan nooca caabuq dhaliye ee loo yaqaano (bacterial infection) calaamada ugu caansan waxaa kamida . 1: dhacaan urta kalluunka oo kale leh oo ka yimaada farjiga laakin haweenka qaarkood ayaan laheyn. 2: dhabar xanuun 3: xanuun xiliga galmada iyo kadib. 4: cun cun iyo gubasho xubinka taranka gudihiisa 5: dhacaan mar mar uu qasan dhiig ka hor iyo kadib xiliga caadada. Hadaba waxaa looga baahan yahay
dumarka in ay ku dadaalaan nadafaada xubinka taranka si ay uga badbaadaan cudura daas
kuwaas oo u keeni kara dumarka in ay xitaa dhib kala kulmaan in ay uur yeeshaan ama dhicis ku yimaado.
Sidoo kale dumarka waxaa looga baahan yahay in ay isticmaalaan hoos gashi ama kastuumooyin kasmeysan dun oo aysan isticmaalin kastuumoyinka ka sameysan Nylon-ka ama polyester-ka kuwaasi waxay xadidaan hawadii fareeshka aheyd ee gali laheed meeshaas iyo tii ka soo
bixi laheed waxayna inta badan keenaan huur iyo cun cun badan taas oo sahasho inuu meeshaas ka dhasho fungus oo horseed u noqdo inuu dumarka ku dhaco caabuq ama infection. Hadaba waa maxay calaamadaha ay dumarka isku arkaan markuu jiro caabuq ama infection. 1: Cun cun xubinka taranka ah 2: Kaadida oo gubta dumarka marka ay kaadi nayaan.
3: Galmada oo dhib iyo xanuun lagala kulmo. 4: ur Xubinka taranka ah 
5: Xanuun dhinaca gumaarka ah ilaa qaarka hoose ee dhabarka 6: Caajis badan. xarumaha caafimaadka iyo dhaqaatiir tooda ayaa markasta u taagan daaweynta cudurada guud iyo kuwa gaarka ah ba daawooyin rasmi ah tayadoodana sareyso: Haddaba haddii aad tahay qof xanuun sanaya xanuun kaaga uu yahay mid in badan soo jiitamay isla markaana wali aadan u helin xal daaweyn oo rasmi ah ama ay jirto cillado xagga caafimaad ka oo kula darsay sida cilladaha xagga taranka guud ahaan ama ay jirto dhibaato kasta oo xagga caafimaad ka kaa soo food saartay ama qofka xanuun sanaya uu yahay qof ka mida ehel kaaga asxaab taada la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta iyo xarumaha caafimaadka si aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawi maad inshaa allaah mahad sanidiin.

Monday 9 December 2013

MA OGTAHAY WAX TARKA VITAMINS YADA U LEEYIHIIN JIRKA? Inshaa allaah walaalayaal waxaan mar kale sii wadeynaa hanaanka iyo doorka ay vitamins yadu ku leeyihiin jirka banii aadamka iyo jiritaan kiisa intaba waxaana inshaa allaah ku bileynaa qaar kamida vitamins yada aasaasiga u ah nolosha banii aadamka annagoo ku dadaali doona inshaa allaah in dadkeena soomaaliyeed si qoto dheer u fahmaan. Vitamiin A. Waxa uu u fiican yahay ama uu ziyaadiyaa Aragga, ama aragtida korriimada caruurta , dhadhanka in qofka si rasmi ah wax u dhadhamiyo dareenka dhadhanka ayuu kor u qaadaa waxa uu qofka u furaa cuntada (appetite ka) Calaamadaha lagu garto qof ka uu jirkiisa ku yaryahay vitamin A Waxaa kamida. 1: Aragtida habeenka oo xumaata qofka oo aan habeenkii si fiican aan wax u arki karin. 2: caabuqyo ama infections joogta ah oo qofka ka asiiba neef mareen ka siiba caruurta (respiratory infections) 3: gaas ama boog calooleed oo qofka kaga sameysanto caloosha (gastroentiritis) 4: daahitaan ama dib u dhac ku yimaado koriimada cauurta iyo koriimada lafaha. 5: khal khal ku yimaado hanaanka taranka qofka rag iyo dumar ba. 6: dumarka waxa uu ku keeni karaa haddii jirkooda uu ku yar yahay vitamin A dhicis joogta ah. Inta qofku maalintii u baahan yahay waa 800 micrograms (mcg) Cuntooyin ka laga helo vitamin A waxaa kamid ah. 1: Beerka, 2: karootada, 3: khudaarta caleenta cagaaran, 4: ukunta qeybta huruuda ama jaalaha ah, 5: caanaha iyo wixii laga sameeyo, 6: khudaarta huruuda ama jaalaha ah. Haweenka uurka leh ama qorsheynaya in ay uur yeeshaan waa in aysan isticmaalin vitamin A wuxuu dhib gaarsiin karaa ilmaha uurka ku jira. vitamiin B6 (pyridoxine) waxa uu u fiican yahay Maqaarka, neerfayaasha, dheefshiidka. Calaamadaha lagu garto qofka uu ku yar yahay jirkiisa waxaa kamida. 1: Cudurada maqaarka. 2: cudurada dhiiga ku dhaca qaarkood waxaa kamida anemia da loo yaqaano (megaloblastic anemia) 3: wuxuu sababi karaa noocyo kamida waalida. 4: gaas ama bog calooleed. Inta qofku maalintii u baahan yahay waa 2 (mg ) dumarka qaata daawooyin ka xakameynta uurka waxa ay u baahan yihiin ka badan 2 mg. Cutnooyinka laga helo vitamin b6 waxaa kamida. 1: Kaluunka, 2: mooska, 3: digaaga vitamiin B12 (cobalamin) waxa uu u fiican yahay Samaysanka dhiiga iyo neerfa yaasha. Calaamadaha lagu garto qofka uu jirkiisa ku yar yahay 1: Daal 2: caajis, 3: xato-xato 4: kabuubyo gacanta ama cagaha ah, 5: xasuusta oo lunta hilmaan badan 6: dhiig la’aan. Inta qofku maalintii u baahan yahay waa 1 (mcg ) Cuntooyinka laga helo waxaa kamida 1: hilibka, 2: ukunta, 3:digaaga, 4: beerka, 5: kaluunka shellfish, 6: caanaha. Fitamiin C (ascorbic acid) waxa uu u fiican yahay Difaaca jirka, la dagaalan ka cudur sababa yaasha bacteria da virus ka, bogsiinta boogaha nabaraha iyo dhaawac yada , la dagaalanka dufanka dhiiga (cholesterol ka) oo hoos u dhacda wuxuuna aad u xoojiyaa hanaanka difaaca jirka iyo shaqooyin kiisa waxa uu na ka qeyb qaataa bogsiinta cuduro fara badan. Calaamadaha lagu garto qofka uu jirkiisa ku yar yahay vitamin c waxaa kamida. 1: Daal, 2: dhiig ka yimaada ciridka 3:bogsashada nabaraha & dhaawac yada oo daaha. Inta qofku maalintii u baahan yahay 60 mg. Cuntooyinka laga helo Liinta, yaanyada, bataatiga, khudaarta caleenta cagaaran. vitamiin D waxa uu u fiican yahay Lafaha iyo ilkaha koriimada lafaha iyo dhismahooda. Calaamadaha lagu garto qofka uu ku yar yahay 1: Lafaha oo daciif noqda 2: ilko aan caafimaad qabin. Inta qofku maalintii u baahan yahay 5 mcg. Cuntooyinka laga helo 1: Qoraxda, 2: kaluunka sardiin ka loo yaqaano, Iyo kan kale ee salmoonka, nooca kale ee tuunada, 3: caanaha iyo wax yaabaha caanaha laga sameeyo. vitamiin E (tocopherol) waxa uu u fiican yahay La dagaalanka sumaha ama sun yaasha iyo qashinka jirku soo daayo. Calaamadaha lagu garto qofka uu jirkiisa ku yar yahay 1: Murqo daciif murqaha oo daciif noqda. 2: dhibaatooyin badan oo la xiriira xagga dhalmada weynta vitamin kaan waxa ay sababi karyaa Ma dhalaysnimo. Inta qofku maalintii u baahan yahay 10mg. Cutnooyinka laga helo 1: Saliida dhirta laga sameeyo, 2:ukunta, 3: khudaarta ay ka mid ka yihiin broccoli, 4: spinach cuntooyinka laga sameeyay badarka buunshadooda wata. Folic Acid (Folic acid) waxa uu u fiican yahay Samaysanka dhiiga cas. Waa lama huraan in ay dumarka qaataan sadexda bilood ee ugu horaysa uurka si looga hortago in jirka cunugu si qaldan u koro isla markaana ku dhasho cuduro. Calaamadaha lagu garto qofka jirkiisa uu ku yar yahay (folic acid) 1:anemia dhiig la'aan. 2: daal fara badan. Inta qofku maalintii u baahan yahay 200 mcg. Haweenka uurka leh waa in ay qaataan 400mcg maalintii ba, ilaa 12 isbuuc. Cuntooyinka laga helo folic acid waxaa ka mida 1:Karootada, 2: beerka, 3: ukunta qeybta huruuda ama jaalaha ah, 4: melon ka, 5: digirta 6: khudaarta caleenta cagaaran. Kaalsiyam (Calcium) waxa ay u fiican tahay Lafaha iyo ilkaha neerfa yaasha, murqaha iyo xinjiraha joojiya dhiig baxa Calaamadaha lagu garto qofka ay jirkiisa ku yartahay, 1: Ilko xanuun iyo bur bur ilkaha ku dhaca lafaha oo daciif noqda. Inta qofku maalintii u baahan yahay 800 (mg) Cuntooyinka laga helo calcium waxaa ka mida. 1: Caanaha iyo wixii laga sameeyo, 2: khudaarta caleenta cagaaran Feerada ama (Iron) ta waxa ay u fiican tahay Dhiiga cas iyo kan cad intaba, shaqada murqaha iyo difaaca jirka guud ahaan Calaamadaha lagu garto qofka jirkiisa ay ku yartahay (iron) ta waxaa kamida. 1: Daal iyo si fudud u xanaaqid 2: feejignaan la’aan dareenka feejig naanta oo hoos u dhac ku yimaado. Inta qofku maalintii u baahan yahay 14 (mg). Cuntooyinka laga helo 1: Hilibka cas ama kuduudan, 2: kaluunka saliida leh, 3: ukunta qeybta huruuda ama jaalaha ah, 4: khudaarta caleemaha cagaaran Magnesium Waxa uu u fiican yahay ka qayb-qaadashada samaysanka energy ga ama tamarta jirku u baahan yahay iyo dayac tirka unugyada jirka, dhisida lafaha, ilkaha iyo murqo awood leh iyo wiliba nidaaminta heer kulka jirka. Calaamadaha lagu garto qofka uu jirkiisa ku yar yahay 1: murqaha oo kuduuta, 2: wadno xanuun, 3: cudurka sonkorowga , 4: cudurka dhiig karka 5: lafaha oo daciif noqda. Inta qofku maalintii u baahan yahay 300 (mg ) Cuntooyinka laga helo 1: Khudaarta caleemaha cagaaran. Zinc Waxa uu u fiican yahay Difaaca jirka iyo dheef shiidka nafaqada jirku u baahan yahay. Calaamadaha lagu garto qofka uu ku yar yahay jirkiisa. 1: Nabaro saameeya maqaarka, indhaha iyo dhuunta, 2: lumida dareenka dhadhanka iyo urka, 3: timaha oo goo go’ sameeya, 4:shuban, 5: dhaawaca oo daaha inuu biskoodo 6: iyo dhibaatooyin koriinka caruurta la xiriira. Inta qofku maalintii u baahan yahay 15mg. Cuntooyinka laga helo 1: Hilibka, 2: kaluunka shellfish, 3: caanaha. Isticmaalka vitamins yada ayaa marka loo eego caafimaad ahaan waxa ay nolosha banii aadamka kaga jiraan kaalin weyn oo aad u muhiim waxaad na arkeysaa in ay saameyn badan ku leeyihiin hanaanka shaqo ee jirka banii aadamka sida koriimada jirka difaaca jirka bogsiinta dhaawacyada iyo taranka iyo dhalmada inta ba balse su'aasha ayaa ah walaala yaal qaabka ugu haboon ee dadkeena soomaaliyeed uga faaideysan karaan wax tarka weyn ee vitamins yadu u leeyihiin nolosha banii aadamka iyo halista weyn ee dhinac taala oo ah haddii vitamins yada iyo macaadinta aan kor kaga soo hadalnay iyo guud ahaan ba vitamins yada iyo macaadinta jirka qofka ku bataan oo uu isticmaalo xadi aad u badan waxaa imaaneysa halis ka badan tii markii hore jirtay taas oo ilaa xad gaarsiin karta qofka banii aadamka geeri waxaa haboon mar kasta in dadkeena ay ku dadaalaan sidii ay caafimaad kooda u xaqiijin lahaayeen inta aysan imaanin xiliyada aan banii aadamka waxba loo qaban karin. xarumaha caafimaadka iyo
 dhaqaatiirtooda ayaa markasta u taagan
 daaweynta cudurada guud iyo kuwa 
gaarka ah ba daawooyin rasmi ah tayadoodana sareyso: Haddaba haddii
 aad tahay qof xanuun sanaya xanuun
kaaga uu yahay mid in badan soo
jiitamay isla markaana wali aadan u 
helin xal daaweyn oo rasmi ah ama ay 
jirto cillado xagga caafimaad ka oo kula darsay sida cilladaha xagga taranka guud 
ahaan ama ay jirto dhibaato kasta oo 
xagga caafimaad ka kaa soo food saartay
 ama qofka xanuun sanaya uu yahay qof
ka mida ehel kaaga asxaab taada la soo
xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay
 daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta iyo xarumaha
 caafimaadka si aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawimaad inshaa allaah mahad
sanidiin.