WAXAAD DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA VIBER +16468272744 WHATSAPP +447441954777

Waxaad dhaqaatiirta kula kulmi kartaa online ka adigoo adeegsanaya telefoonada viber +16468272744 whatsApp +447441954777 emailada kala ah nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com Mahad sanidiin

LA SOO XIRIIR DHAQAATIIRTA WEBSITE KANI

WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KALA SOO XIRIIRI KARTAAN TELEFOON NUMBERADA KALA AH VIBER WHATSAPP +16468272744 AMA KAN KALE EE AH VIBER WHATSAPP +16468272744 +447441954777 TELEFOON KA FIXED KA AH WAA +16314883563 AMA +16468272744 AMA +390918777633 CINWAANADA EMAILKA KALA AH nalasooxiriir@live.com nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com SIDOO KALE WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA WAQTI KAMIDA 24 KII SAAC CINWAAN KU WAA nalasooxiriir@gmail.com MAHAD SANIDIIN.

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD
Xarumaha caafimaad ka website yadan ayaa kuu diyaariyeen daaweyn rasmi ah inshaa allaah dhamaan xarumaha caafimaad ka iyo dhaqaatiir tooda ba waxa heegan buuxa u yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka soomaaliyeed ee xanuun sanaya meel kasta oo ay dunida ka joogaan daawooyin iyo daaweyn rasmi ah waxaa diyaar idiin la ah dhamaan xarumaha caafimaad ka ee website yadan la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho xal caafimaad oo waara inshaa allaah mahad sanidiin.

WE TREAT GOD HEALS

WE TREAT GOD HEALS
inshaa allaah

Cudurka jabtada

Cudurka jabtada waxa uu ka mid yahay
cudarada la daaweyn karo ee Galmada
lagu kala qaado (Curable sexually
transmitted disease), cudurkan waxaa
sababa bakteeriyada loo yaqaano
Neisseria gonorrhoeae, bakteeriyadan ayaa awood u leh in ay qabsato kuna
taranto xuubka gudaha kaga dahaaran
habdhiska taranka ee labka iyo dhediga
(mucasal surface of genital tract) gaar
ahaan dakarka ragga iyo farjiga dumarka
ka dib marka uu qofku la sameeyo galmo buke qaba cudurka jabtada qabsashada
iyo taranka bakteeriyadan ee gudaha
habdhiska taranka ee labka iyo dhediga
ayaa sababa caabuq (Inflammation) iyo
hurgun (Infection) ku yimaada gudaha
dakarka raga iyo farjiga dumarka. Caabuqan iyo hurgunka ayaan hadii aan
durbaba lala gaadhin daaweynta ku
haboon ku faafa xubnaha kale ee
habdhiska taranka sida Riximka (uterus),
ugxan sidayaasha (fallopian tubes), iyo
gudaha saabka (endocervix) ee dumarka, sababana jirada loo yaqaan Pelvic
inflammatory disease (PID) oo ah caabuq
ku dhaca xubnaha aan soo sheegnay ee
habdhiska taranka haweenka, kaasoo
inta badana u keena dhalmo la’aan
(madhaleysnimo) boqolkiiba toban ( 10%) dumarka caabuqan oo kale qaba.
Inta badan caabuqa (inflammation) iyo
hurgunka (Infection) raga ku dhaca ayaa
ah mid ku eg kaadi mareenka ( gudaha
dakarka). Mararka qaar ayaa waxaa
dhacda in ay bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae ka
talaabto xuubka ku dahaaran habdhiska
taranka oo ay raacdo dhiiga
(bacteremia), calaamadaha lagu arko
bukaha xalaadan oo kale gaara ayaa
waxaa ka mid ah 1: Qandho (fever)
2:xanuun badan oo guurguura lagana
dareemo kala goysyada (migratory
polyarthalgia)
3:dhibco cas-cas (petechal)
4:iyo nabaro yar yar oo maqaarka ka soo yaaca ( Mucula papular or pustular rash),
hurgunka noocan oo
kale ee bakteeriyadu raacdo dhiiga ayaa
waxaa loo yaqaan Disseminated Gonoccal
Infection (DGI). Waxaa la arkaa in aad is
weydiiso cudurka jabtaddu dhibaato ma u keeni
karaa ilmaha ay dhasho hooyo cudurkan
qabtaa? jawaabtu waa haa, maxaa
yeelay hooyada cudurka jabtada qabtaa
waxa ay u gudbin kartaa ilmaheeda
bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae xiliga dhalmada taas oo u keeni karta
ilmaha indho la’aan (ophthalmia
neonatorium), hurgun kalagoysyada
ilmaha kaga dhaca ( joint infection), iyo
bacteeriyadan oo dhiiga ilmaha raacda
sababtana inta badan dhimasho ( life- threating blood infection).
Inta badan faafida cudurka jabtada
waxaa ka qeyb qaata dumarka marka la
barbar dhigo raga , maxaa yeelay konton
boqolkiiba (50%) oo dumarka cudurkan
qaba ma muujiyaan wax calaamado cudur ah (Asymptomatic patient) balse si
fiican ayay ugu gudbin karaan qofkii
galmo la sameya, meesha ay 95% ragu
ay muujiyaan calaamado cudur.
Sidoo kale waxaa cudurkani ku badan
yahay dadka isugu galmooda qababka sharciga iyo dhaqanka wanaagsan ka fog
(oral and rectal intercourse). Su’aasha
kale ee is weydiinta mudan
ayaa waxay tahay hurgunka (infection)
ka ay keento bakteeriyada Neisseria
gonorrhoeae ma mid ku eg baa habdhiska taranka iyo meelaha kale ee
dadka falfalka xumi isaga tagaan oo
keliya? jawaabtu waa maya maxaa
yeelay bakteeriyadan ayaa caabuq iyo
hungur ba ku keeni karta xubno badan oo
jirka ka mid ah hadii ay taabato, qabsato kuna taranto, tusaale ahaan hadii bukaha
cudurka jabtada qabaa uu caado ka
dhigto in uu gacmaha ku taa taabto
xubanaha habdhiska taranka jirkiisa ee
hurgunka la il daran oo uusan isticmaalin
wax detergent ah (saabuun, alkohool ama dhitool) waxaa dhacda in
bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae ay
hurgun ku keento gacmihiisa iyo waliba
xubnaha kale ee jirkiisa e uu gacantiisa
wasakheysan ku taabtay sida indhaha,
afka IWM. Sidoo kale waxaa la mid ah qofka u isticmaala farahiisa (fareeya)
haweenay qabta cudurka Jabtada.
Calaamadaha:
Calaamadaha u horeya ee lagu arko
bukaha cudurka jabtada qaba ayaa ah
kuwa dhex dhexaad ah , inta badana calaamadahaasi waxa ay soo muuqdaan
labo ilaa toban casho gudahood ka dib
marka uu qofku galmo la sameeyo buke
cudurka qaba. Calaamadaha Dumarka iyo
kuwa raga
lagu arko ayaa dhab ahaantii kala duwan. Calaamadaha Dumarka:
1: xanuun ama gubasho la dareemo
xiliyada kaadida (pain or burning when
urinating)
2: dheecaan ka yimaado farjiga kaas oo
ah cagaar marmarna u eg dhiig-dhiig. 3: dhiig yimaada xiliyada caadada
dhexdooda ( bleeding between menstrual
period)
4: xanuun la dareemo xiliyada Galmada 5:
qaarka danbe oo xanuuna ( lower
abdominal pain) Calaamadaha Raga:
1: cuncun iyo xanuun laga dareemo
gudaha dekarka.
2: kaadida oo lagu dhibtoodo (difficult
Urinnation)
3: malax leh xanuun oo ka timaada dekarka.
4: madax xanuun iyo qandho la dareemo
marmar.
ka hortgga faafidda cudurka
jabtada:Cudurkan waxaa looga hortigi
karaa oo keliya qofka oo ku ekaada gogoshiisa
(xaaskiisa) aanan sameyn wax gogol
dhaaf ah (sino), halkaas waxaad ka
garan kartaa macanaha balaaran ee ay
xanbaar santahay xaaraanti meynta ay
diinta Islaamka ee sharafta badani xaaraantimeysay sinada, waxyaabo
badan oo waxaa jira ay gaaladu
sheegaan in looga hortagi karo cudurka
jabtadda balse waa wax ay iyaguba ka
caalwaayeen oo in aan sheegnaa aysan
waxba nagala maqneyn, si kastaba ha ahaatee xalka keliya ee looga hortegi
karo faafida cudurkan waa KU EKOW
GOGOSHAADA KANA FOGOW SINADA.
BAARISTA CUDURKA JABTADDA:- Si loo
xaqiijiyo cudurka bukaha hayaa in
uu yahay cudurka jabtada iyo in kale ayay xarumaha baarista cuduradu u
adeegsadaan sadex dariiqo midood
baarista cudurka jabtadda.
1: In si toos ah loo adgeesado sheybaare
(microscopy) iyada oo la adeegsanayo
dheecaan aan badneyn oo bukaha laga soo qaaday, slides (quraarado yar yar oo
loo adeegsado sheybaaraha), ranjiyo iyo
midabo (stain and dyes) ku haboon , taas
oo fududeynaysa in si fudud loo arko
muqaalka iyo qaabka bakteeriyada
Neisseria gonorrhoeae . 2: In laga baaro hiddaha (DNA)
bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae
kaadida bukaha, taas oo u baahan in la
isticmaalo qalab casri ah sida midka loo
yaqaan polymerase chain reaction (PCR).
3)- In la abuuro (culture) bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae iyada oo la
isticmaalayo dheecaan laga soo qaaday
bukaga cudurka qaba si loo helo xadi
bakteeriyadan ah oo si fudud loo baari
karo, abuuristan oo u baahan in loo
dhameystiro nafaqooyinka iyo macdanaha (nutrients and minerals) ku
haboon koritaanka bakteeriyada
Neisseria gonorrhoeae.
Hadii aad isku aragto calaamadaha
cudurka jabtada ama aad qabto
xanuunkan ama uu hayo qof ehelkaada asxaabtaada ka mida la soo xiriir
dhaqaatiirta website kan si aad u hesho
daaweeyn wax tar leh kaana bixineysa
cudurkaan muddo yar talo iyo tusaaleyn
iyo caawimaad buuxda mahad sanidiin.