DHIIG YARAAN (ANEMIA) Waa marka
unugyada cas cas ee dhiigu kaa
yaraadaan ama xadiga hemoglabiinta ku
jirta unugyada cas cas kaa yaraato.
Hemoglabiintu waa maado ay ku jirto
macdanta birtu (Iron) oo dhiigga u yeesha midabka cas waxaana ay
qabataa Ogsijiinta oo ay ka soo qaado
sambabada gaadhsiisana unugyada
jidhka. Dhiig yaraantu waxay keentaa in
aanu jidhku helin Ogsijiin ku filan. Maxaa
keena aneemiyada 1: Macdanta birta oo kugu yar oo ay
sabab u tahay dhiig bax kugu dhaca ama
adigoon cunin cunto dheeli tiran oo
nafaqo leh.
2: vitmin yaraan sida vitmin B12.
3: Yaraanta hormoomka cariya samaysanka unugyada dhiigga taas oo
ay sababto cudur ku dhaca kalyaha ama
cudurka kansarka.
4: Unugyada cas cas oo sidooda u burbura
(Hemolytic).
5: Ku dhalasho cudur waxyeela unugyada cas cas.
6: Cuduro faafa oo kugu dhaca kaas oo
sababa dhiig yaraan.
7: Cudur ku dhaca dhuuxa dhiigga
sameeya cudurkaas oo noqon kara
kansarka dhiigga ku dhaca. 8: Dhiig badan oo xilliga caadada ka baxa
ruuxa dumarka ah.
Astaamaha lagu garto
1: Daal iyo bilaa awood
2: Wareer
3: Naqaska oo ku xirma am neefta oo ku qabata
4:Wadno garaac
5: Madax xanuun
Waxaa jirta sidoo kale cudurro badan oo
sababa in ay ku gu dhacdo aneemiya
waxaana ka mida. 1: Cudurka baabasiirka
2: goor yaanada
3: cudurka roomaatiisamada lafaha
4: cudurka kansarka
5: infakshanada raagey
6: hool gab ku yimaadaha kilyaha Sababaha keena aneemiya da waxaaa
iyada na ka mida uurka xilliga dumarka
uurka leeyihiin qaarkood waxaa ku
timaada aneemiya
Sidoo kale waxaa aneemiyada keeni
kara dhamaan cudurada sababa difaaca jirka oo bur bura.
Asbaabaha dadka caafimaad kooda
wanaag san yahay ee haddana lagu arko
aneemiya da ayaa waxey intooda badani
salka ku heysaa cudurka baabasiirka iyo
gooryaanada iyadoo xanuunadaani keeni karaan aneemiyo waxey na safka hore
kaga jiraan xanuunada keena
aneemiyada waayo cudurka baabasiirku
wuxuu wax yeelo gaarsiiyaa xubno
badan oo jirka ah walibana muhiim sida
kilyaha dheefshiidka kaadi mareenka xubnaha taranka neef mareenka lafaha
iyo murqaha sidoo kale wuxuu
cudurkaani kamid yahay xanuunada
keena bur burka difaaca jirka sidoo kale
gooryaanda ayaa iyagana caan ku ah
iney keenaan aneemiyada. Waxaa jirta noocyo kale oo anemia ah
kuwaa soo ay sababaan cudurada
kansarka aidska kansarka lafaha iyo
chronic inflammatory disease balse
aragtida noocyadan dambe ayaa ah
kuwo aad u yar. Aneemiyada hadii aan la daaweeyn
waxey keeni kartaa in aneemiyada
noqoto mid joogta ah ama waxey
sababtaa geeri deg deg ah oo ku timaada
qofka.
Hadaba hadii aad isku aragto calaamadaha anemia da ama ay ku
heyso anemia ama qof ehel kaada
asxaabtaada ay heyso la soo xiriir
dhaqaatiirta website kan waxaan
hubineynaa asbaabta rasmiga ah ee
keentay anemia da kadib na waxaad kaga daawoobi inshaa allaah muddo 45
maal mood oo aad daawadeeda qaadan
doonto la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u
hesho caawimaad daaweeyn talo iyo
tusaaleyn inshaa allaah mahad sanidiin.