Maxaa keena hingada? Waxaa jira muruq
u dhaxeeya caloosha iyo sanbabada,
muraqaan oo ka qeeb qaata
neefsashada loona yaqaan "Diaphragm"
ayaa waxaa dhacaya in marmarka
qaarkood uu giigsamo kaasoo keena inuu qofka hingado waxaana loo
yaqaanaa (Involuntary spasm of the
diaphragm).
Hingadu way istaagtaa daqiiqado
kadib, inkastoo markii ay xad dhaaf
noqoto oo cudur isku badasho ay u baahantahay daawayn. Sida caadiga ah
hingadu waxay dhacdaa markii qof si
dhakhsa ah wax u cuno ama biyo qabow
cabo isagoo cunaya cunto kulul, qosla
ama
ooya si xad dhaaf ah iyo qofkii khamro badan caba. Hingada markii ay jiro
isku badasho cudur waxaa loo yaqaanaa
"Singultus", marka hingadu cudur noqoto
qofka higgo aan kala go' laheen ayuu ku
jirayaa, waxyaabaha keenana waxaa ka
mid ah in cadaadis uu ku yimaado neerfaha quudiyo muruqa
"Diaphragm" neerfahaas oo loo yaqaano
"Phrenic nerve". Hingada caadiga ah
waxaa lagu joojiyaa siyaabo kala duwan
oo ay ka mid tahay in qofku uu cabo biyo
badan sidoo kale cunida mooska aad ka u bisil waxey qeyb ka qaadataa joojinta
hingada. Hingada caruurta 5 ta sano ka
yar waa iska caadi oo inta badan wax
dhibaato caafimaad maleh. Hingada
ragga iyo dumarka waxey ku badan
tahay ragga. Hadii hingadu intaa ku istaagi wayso oo ay gaarto xaalada loo
yaqaano "Singultus" oo ah higgo kala go'
aan laheen maalmo ama usbuucyo
waxay u baahantahay
daaweyn.cudurada sababa in qofka
hingo ku timaado ama ku dhacdo waxaa ka mida.1: cudurka gaaska. Siiba gaaska
ku dhaca muruqa (diapragm) ka.
2: cudurka baabasiirka oo si rasmi ah u
sababi kara cudurro badan oo hingada ka
daran.
3: wal walka iyo murugada badan 4:khal khal iyo hoos u dhac ku yimaada
habka shaqo ee hormoonada jirka
5: isticmaalka maandoori ya yaasha sida
cabidda sigaarka iyo cunista qaadka
aalkolada iyo dhamaan
mukhaadaraadka. 6: gooryaanada.
7: cudurada ku dhaca dheefshiidka
Iyo xaalado kale oo badan.
Ka hortagga in aan hingo kugu dhicin.
Iska ilaali dhamaan mukhaadaraadka.
Cun cuntada waqtiyo go an cun cunto isku dheeli tiran
Iska baar gooyaanada iskana daawee
hadii uu jiro xanuuno aad qabto.
Samee maalin kasta jimicsiga
noocyadiisa kala duwan.
Cun ugu yaraan 2 xabo oo moos ah maalin kasta.
Iska daawee hadii ay jiraan wax kamida
xanuunada keeni kara hingada.
Iska yaree wal walka iyo murugta.
Si wanaagsan ula soco xaaladaada
caafimaad. Sidoo kale wax yaabaha keeni kara
hingada waxaa kamida isticmaalka
xanuun baabi iya yaasha (NSAIDS) ka loo
yaqaano waxaana ka mida kiniiniga
aspirin ka.
Hadii aad isku aragto hingo xad dhaaf ama hinga daadu noqotay cudur ama
hingadu dhibaato kugu heyso ama ay
dhibaato ku heyso qof kamida ehelkaada
asxaabtaada la soo xiriir dhaqaatiirta ka
howl gasha website kan
Daawo muddo kooban oo ku siman 2 bilood oo dhamaan tir tireysa hingada
iyo asbaabaha keena dhamaan waxaa
kuu diyaariyeen dhaqaatiirta website
kan nala soo xiriir si aan wax badan
kaaga caawinno inshaa allaah. Mahad
sanidiin.