WAXAAD DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA VIBER +16468272744 WHATSAPP +447441954777

Waxaad dhaqaatiirta kula kulmi kartaa online ka adigoo adeegsanaya telefoonada viber +16468272744 whatsApp +447441954777 emailada kala ah nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com Mahad sanidiin

LA SOO XIRIIR DHAQAATIIRTA WEBSITE KANI

WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KALA SOO XIRIIRI KARTAAN TELEFOON NUMBERADA KALA AH VIBER WHATSAPP +16468272744 AMA KAN KALE EE AH VIBER WHATSAPP +16468272744 +447441954777 TELEFOON KA FIXED KA AH WAA +16314883563 AMA +16468272744 AMA +390918777633 CINWAANADA EMAILKA KALA AH nalasooxiriir@live.com nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com SIDOO KALE WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA WAQTI KAMIDA 24 KII SAAC CINWAAN KU WAA nalasooxiriir@gmail.com MAHAD SANIDIIN.

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD
Xarumaha caafimaad ka website yadan ayaa kuu diyaariyeen daaweyn rasmi ah inshaa allaah dhamaan xarumaha caafimaad ka iyo dhaqaatiir tooda ba waxa heegan buuxa u yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka soomaaliyeed ee xanuun sanaya meel kasta oo ay dunida ka joogaan daawooyin iyo daaweyn rasmi ah waxaa diyaar idiin la ah dhamaan xarumaha caafimaad ka ee website yadan la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho xal caafimaad oo waara inshaa allaah mahad sanidiin.

WE TREAT GOD HEALS

WE TREAT GOD HEALS
inshaa allaah

Wednesday 16 November 2011

Burooyinka naasaha dumarka

Burada ku beeranta Naaska dumarka,
waa kansarka ugu badan ee ku dhaca
dumarka, sida ay sheegeen
tirakoob yada, la sameeyay, hadii laga
qaado baaritaanka loo yaqaano Biopsy, 5 ilaa 10 dumar inta u dhexeysa mid ka mid ah waxa laga helaa kansarka
naaska. Sheegashada ugu badan ee
dumarka ula xiriiraan takhaatiirta waxa
weeye xanuun ay ka dareemaan naaska
ama dhacaan aan caadi aheyn oo ka
yimaada Ibta naaska. Guud ahaan burada ku beeranta naaska
dumarka waxa loo qeybiyaa kuwo aan
halis aheyn oo dhib badan ka iman, inta
badan ku kooban meesha ay kaga
beeranto naaska, waxana loo yaqaan
(Benign), iyo nooc kale oo halis ah dhib badan ama ugu dambeyn tana dhimasho
keena, waxaana loo yaqaanaa
(malignant) noocan dambe waxey
weerar ku qaadaan marka hore naaska
inta burada ku hareersan, kadib waxey u
gudubtaa qanjirada loo yaqaan (Lymph Nodes). Kuwa hore ee aan halista aheyn
waxa ka mid ah FIBROCYSTIC BREAST
CANCER, Calaamadaha ugu badan ee lagu
arko bukaanka waxa ka mid ah xanuun
naaska laga dareemo usbuuc ka hor inta
aan caadada iman ilaa caadadu ka dhamaato, xanuunka waxa inta badan
laga dareemaa labada naas, waxa kaloo
lagu arkaa barar iyo dhacaan cagaar
xigeen ah oo ka yimaada ibta naaska,
waxa ugu badan oo sababa, waa
dhacaanada loo yaqaan Hormones oo is bedel ku yimaado, waxa lagu arkaa
bukaanka naaska oo buux ay ka
dareemaan, iyo Xanuun marka caadada
usoo dhowdahay, waxa dhici karta in
naaska Ibtiisa dhacaan ka yimaado
dumar qaarkood, waxa lagu hubiyaa in waxa haya bukaanka uu yahay cudurka
noocan ah, marka Cirbad lagu mudo
burada oo laga soo dhuuqo
dhacaan iyada oo la kaashanayo
(Ultrasound) iyo (Mammography). Waxaa
lagu daweeyaa buradan, iskujir labo dawo oo kala ah (Estrogen) tayo yar, iyo
(Progesteron) Tayo badan sida
(Medroxyprogesterone Acetate) 5 ilaa 10
mg maalintii laga bilaabo maalinta
15naad ilaa maalinta 25naad ee bisha,
waxa kaloo marar qaarkood la isticmaalaa marka xanuunka naaska aad
u daran yahay, dawo loo yaqaan
(Danazol) 100 ilaa 400 mg maalintii 3dex
ilaa 6 bilood, waa dawo waxyeelo
dadban (Side Effect) leh isla markaana
qaali ah, waxa kaloo la isticmaalaa dawada loo yaqaan (Tamoxifen) 10 mg
laba goor maalintii 3dex ilaa 6 bilood.
Nooca kale waa FIBROADENOMA, waa
kuwa ugu badan ee loo yaqaan (Solid
Benign Breast Tumors), wuxuu inta badan
ku dhacaa haweenka da'doodu ka yartahay 25 sano, waa nooca ugu badan
ee ku dhaca naaska dumarka kuwa aan
halista aheyn, waa buro aan laheyn
xanuun, aad u kooban, si fudud
dhaqdhaqaaq u sameysa, waxa lagu
daweeyaa (Biopsy). Noocyada halista ah waxa ugu badan ee laga helo naaska
dumarkaa waa midka lagu magcaabo
(Infiltrating Ductal Carcinoma) oo la mid
ah 70 ilaa 80 boqolkiiba, dhamaan
kansarka ku dhaca naaska, arimaha sahla
ama u gogol xaara waxa ka mid ah: 1)- Dumarka ka tirsan qowmiyadaha
midabkoodu cadaanka yahay (White
Race).
2)- Dumarka da'doodu ka sareyso 50
sano. 3)- Hadii cudurku horay ugu dhacay
qof ka mid ah reerkeeda (Hooyo ama gabar Walaal la ah), weliba hadii
kansarka naaska uu saameeyay labada
Naas ama ku dhacay haweeneyda ay
qaraabada la tahay iyada oo da'deedu
aysan gaarin 45 sano.
4)- Hadii horay taaarikh cudur uu u jiray sida (Kansar ku dhacay ilmo galeenka,
ama kansaro nooc kale ah oo naaska ku
dhacay, iyo hadii horay naaska kale
kansar kaga dhacay). 5)- Hadii caadadu
ku dhacday 12 sano inteysan gaarin
(Early Menarche). 6)- Hadii uurkii ugu horeeyay ay ku
qaaday 35 sano ama ka badan.
Kansarada noocan ah waxa lagu
daweeyaa Qaliin la raacsho Radiation
ama Chemotherapy oo ah in la siiyo
bukaanka dawada unugyada kansarka lagu dilo, midaa oo si gaar ah loogu
daweeyo haweenka laga helo qanjiro uu
saameeyay kansarka, buraduna ka
yartahay 4 cm balaca. Waxa kaloo jira
kansaro kale oo ay ka
mid yihiin: Introductal Papilloma, waa buro xajmi yar oo jilicsan inta badan ka
beeranta hoosta ibta, sida badana
dhacaan dhiig ah kasoo dareero ibta
naaska, waxa lagu daweeyaa qaliin
iyada oo la adeegsado Mammogram ama
Ductogram baritaanada loo yaqaan. dhamaan nooc yada burooyinka ee
naasaha dumarka ku dhaca waxaa
intooda badan u sabab ah dhibaato kala
soo derista dumarka habka uu shaqeeeyo
hormoonada jirka iyo in mudooyin badan
lala socdo xanuunada qaarkooda oo iyagu sababa carqalado ku yimaada habka
shaqo ee hormoonada jirka.
Waxaana ka mida xanuunada sababi kara
cudurka baabasiirka cudurka
sonkorowga dhibaatooyinka dumarka
kala soo dersa caadada sida caadada oo wareer ku dhaco caadada oo la waayo
caadada oo yaraata ama badata
arrintaan ah dhibaatada ku timaada
xagga caadada ayaana asbaabaha ugu
weyn ee ku keena dumarka burooyinka
ka soo baxa naasaha. Waxaan jeclahay inaan wax yar ka dhaho
daawooyinka aan kor ku soo sheegnay
waa lagu daaweeyaa burooyinka
naasaha balse daawooyinkaani waxey
leeyihiin waxyeelo aad u fara badan
waxaana kamida iney aad u fududahay iney keenaan cudurka kansarka.
Sidaa aawgeed waxaa haboon in
isticmaalkooda laga la tashado
dhaqaatiirta. waxaana haboon in
dumarku aad ula
socdaan is bedelada ku dhacaayo naasahooda taas oo qeyb weyn ka
qaadaneyso in hore loo ogaado hadii
naasuhu cuduro la soo darsaan waxeyna
fududeyn doontaa dib uga soo kabashada
iyo in cudurka si dhaqsa ah looga
bogsoodo inshaa allaah waayo la socodka isbedelada ku dhacaya naasaha
waxey qeyb libaax leh ka qaadataa in
waqti hore la ogaado burooyinka inta
aaney ku faafin qeybaha kale ee jirka si
fududna loo daaweeyo.
Haddaba hadii aad dareemeyso isbedel ku yimid naasaha ama burooyin ka soo
baxeen naasaha ama ibta naasaha
dheecaan ka soo baxo ama uu ku
xanuunayo midka mida naasaha ama 2
doodaba ama caada daada sax aheyn
La soo xiriir dhaqaatiirta website kan dhaqaatiirta waxey kuu diyaariyeen
daaweyn rasmi ah oo ku saabsan
dhamaan xanuunada ku dhaco naasaha
dumarka iyo raggaba iyo xubnaha ay bah
wadaagta yihiin. Nala soo xiriir si aan
wax badan kaaga caawinno inshaa allaah mahadsanidiin.