WAXAAD DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA VIBER +16468272744 WHATSAPP +447441954777

Waxaad dhaqaatiirta kula kulmi kartaa online ka adigoo adeegsanaya telefoonada viber +16468272744 whatsApp +447441954777 emailada kala ah nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com Mahad sanidiin

LA SOO XIRIIR DHAQAATIIRTA WEBSITE KANI

WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KALA SOO XIRIIRI KARTAAN TELEFOON NUMBERADA KALA AH VIBER WHATSAPP +16468272744 AMA KAN KALE EE AH VIBER WHATSAPP +16468272744 +447441954777 TELEFOON KA FIXED KA AH WAA +16314883563 AMA +16468272744 AMA +390918777633 CINWAANADA EMAILKA KALA AH nalasooxiriir@live.com nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com SIDOO KALE WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA WAQTI KAMIDA 24 KII SAAC CINWAAN KU WAA nalasooxiriir@gmail.com MAHAD SANIDIIN.

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD
Xarumaha caafimaad ka website yadan ayaa kuu diyaariyeen daaweyn rasmi ah inshaa allaah dhamaan xarumaha caafimaad ka iyo dhaqaatiir tooda ba waxa heegan buuxa u yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka soomaaliyeed ee xanuun sanaya meel kasta oo ay dunida ka joogaan daawooyin iyo daaweyn rasmi ah waxaa diyaar idiin la ah dhamaan xarumaha caafimaad ka ee website yadan la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho xal caafimaad oo waara inshaa allaah mahad sanidiin.

WE TREAT GOD HEALS

WE TREAT GOD HEALS
inshaa allaah

Wednesday 16 November 2011

Cudurka qabsin soo boodka

Cudurada ku dhaca waaxda Hunguri-
mareenka Aadamiga aad iyo aad bay u
fara badan yihiin una kala duwan yihiin,
waxaa loo qeybiyaa kuwo raaga
(Chronic)
iyo kuwo soobood leh (Acute), qeybtan dambe waxa ka mid ah cudurka Qabsinka
loo yaqaan oo ay Takhaatiirta ugu magac
dareen “Isu Ekeeyaha Weyn” , sharaftan
iyo qadarintan weyn wuxuu cudurkan ku
mutay, inuu isu ekeysiiyo cuduro badan
oo qaarkood halis yihiin hadaan si deg- deg ah wax looga qaban ama dhimasho
iyo dhaawac daran sabab u noqda.
Asbaabo badan baa keeni kara cudurkan
oo ay ka mid tahay: Shey la laqay
(Foreign Body) oo gufa ama xira afka
Appendix-Ka, Gooryaanka nooca loo yaqaan (Pinwarms), Saxaro Adag oo xirta
afka appendix-ka (Fecaliths), Cudurada
ay ka mid yihiin Carcinoids, Kansarka,
Villous Adenomas, Diverticula, Ulcerative
colitis, Ileocolitis of Chron’s disease. Si loo
garto oo loo ogaado cudurkan waa in marka hore takhtarku ku fekero oo
madaxa ku hayo had iyo goor, hadii
takhtarku uusan ka fekerin jiritaanka
cudurka waxa dhici karta iney ka hoos
baxdo oo loo qaato wax kale maadaama
dadka da’da weyn, dhalaanka iyo caruurta da’doodu yartahay aysan kasoo
shaac bixin calaamadaha u gaarka ah ee
lagu yaqaan cudurkan, sidoo kale
haweenka Uurka leh laguma arko
tilmaanta u gaarka ah ee lagu yaqaan
Qabsinka kuwaa oo lagu arko bukaanka wax ka yar 50 boqolkiiba. Calaamadaha
iyo astaanta lagu garto
cudurkan waxa ka mid ah: Calool xanuun
ku aadan bartamaha Uur ku’jirta iyo
agagaarka Xudunta oo marka bilowga ah
aan sidaa u darneyn, kadib xanuunka caloosha wuxuu u dhaadhacaa dhanka
midigta ah qeybta hoose ee calooshaa
(RLQ), intaa waxa weheliya Lalabo iyo
Hunqaaco, cunada oo uu diido bukaanka
(Anorexia), qandho aan sidaa u darneyn,
waxa dhici karta marar badan in (Appendix-ka) Allah ku abuuray dhanka
dambe ee Xiidmaha balaaran sidaa
darteed bukaanka waxa lagu arkaa
calaamado kale oo ay ka mid yihiin:
xanuun aan darneyn oo ku baahsan
caloosha, bukaanku uusan garaneyn inuu tilmaamo barta xanuunka ku aadan,
Lalabo iyo Hunqaaco aan darneyn,
Shuban aan badneyn, Kaadi fara badan
oo joogta ah, iyo dhiig soo raaca kaadida.
Si loo garto cudurka waxey adeegsadaan
takhaatiirta sheybarka ay ka mid yihiin: CBC ama sawirka dhiiga oo lagu arko in
Unugyada Cad-Cad ee dhiiga ay gaaraan
ilaa 15000/mm3 oo boqolkiiba 75% ay
yihiin nooca loo yaqaan Neutrophils,
baaritaan Kaadida, saddex sawir X-ray
oo caloosha laga qaado, Ultrasound, iyo CT Scan. Marka la xaqiijiyo in bukaanka
waxa haya ay tahay Qabsin soo bood ah,
si deg-deg ah waa in qalitaan loo
sameeyo si looga gooyo bukaanka
Appendix-ka hurgunku galay inta aysan
ku dilaacin oo dhib fara badan aysan uga dhalan, marka qalitaanka la sameeyo isla
marka xanuunku bilowdo dhaawaca iyo
dhimashada ka iman kara cudurkan aad
iyo aad bay u yartahay, sida badan
marka ay ku bilaabato bukaanka
xanuunka iyo marka ay qaraxdo Appendix-ka uma dhexeyso wakhti
badan qiyaas ahaan wax ka yar 24 saac
gudohood, dhibaatada ka dhalan karta
markaan si dhakhsi ah loo garan ama
wax looga qaban cudurkan waxa ka mid
ah: Boogta oo hurgun galo (Wound infection), Muruqa kala qeybsha Wax-ku-
jirka Feeraha iyo Uur-kujirta dhanka
midig oo Malax ay gasho (Subphrenic
Abscess), Uur-ku-jirka oo Malax yeelato
(Pelvic Abscess), midaa oo ay ka dhalan
karto Xiidmaha oo isku dhega (Adhesions) iyo dumarka oo dhalmada
gaba (Infertility), Appendix-ka oo Malax
yeelata. Waxa had iyo goor loo baahan
yahay in madaxa uu ku hayo takhtarka in
cuduro kale ay noqon karaan sababta
calaamadaha lagu arko bukaanka kuwaa oo ay ka mid yihiin: Boogta caloosha oo
qaraxday ama dilaacday (Perforated
Peptic Ulcer), Hurgunka Xameetida ee
ba’an (Acute gangrenous Cholecystitis),
Xiidmaha oo Xirma (Intestinal
Obstruction), gaar ahaan dumarka waa in laga baaro Burada Ovariga (Ovarian Cyst),
waa burada ka soo baxda ukamaha
dumarka. Hurgun mareenka Ukunta
(Salpingitis), iyo ilmaha oo ku beerma
meel ka duwan
booskoodii caadiga ahaa (Ectopic Pregnancy), waa uurka ku beerma meel
aan aheyn gudaha ilmo galeenka.
si gaar ah waa in loo baaro marka
qalitaan la sameenayo wax ku dhow
2 mitir xiidmaha yar (Small intestine)
inuusan jirin cudurada loo yaqaan Meckel’s Diverticulum, Ileitis iyo Yersenia
enteritis oo dhamaantood ku hoos
dhuuman kara cudurka Qabsinka soo
booda. Marar aan badneyn waxa dhici
kara in hurgunku ku fido agagaarka
Appendix-ka sidaa darteed waxa loo baahdaa in laga gooyo bukaanka inta ku
hareersan appendixka ee dhaawucu ku
fiday (Appendix Plus Messentery iyo Rt
Colon), si looga hortago dhibaato kale oo
ka dhalata. Qaliinka marka la go’aansho
waxa la adeegsan karaa labo farsamo oo kala
duwan kuwaa oo kala ah: Laparoscopy
iyo Laparatomy, mida hore oo beryahan
adeegsideeda aad uusoo kordhayo taa oo
ay sabab u tahay iney uga waxyeelo
yartahay bukaanka nooca dambe oo horay aad loo adeegsan jiray, farsamada
qaliinka oo sanadahaan dambe qalabka
la adeegsado ay sahashay in bukaanka
laga dhowro in calooshiisa qaliin weyn
lagu sameeyo hadii laga maarmi karo.
Haddaba inta aan kor ku soo sheegnay waa marka cudurka qabsin sooboodku
gaaro heerka qatarta ah laguna
baraarugo xanuunka daran ee uu
leeyahay iyo marka laga baqayo halis ah
in appendix ku qarxo.
Balse maxaa sabab u noqon kara cudurka qabsin sooboodka. Waxaa sababi karaan
cuduro dhowr ah kadib marka aan si
rasmi ah la isaga daaweyn.
Muddo dheerna la la socdo. Waxaana ka
mida cudurka baabasiirka cudurka
gaaska gooryaanada cudurada keena dheef shiid xumida iyo xaalado kale oo
aad u badan.
Haddaba hadii aad dareemayso wax
kamida calaama daha cudurka qabsin
sooboodka ama aad leedahay xanuun la
xiriira hunguri mareenka ama uu hayo qof kamida ehelkaada asxaabtaada la
soo xiriir dhaqaatiirta website kan
dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daawo
kaa baajineysa qaliinka cudurka qabsin
soo boodka inshaa allaah la soo xiriir
dhaqaatiirta si wax badan lagaaga caawiyo inshaa allaah mahad sanidiin.