WAXAAD DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA VIBER +16468272744 WHATSAPP +447441954777

Waxaad dhaqaatiirta kula kulmi kartaa online ka adigoo adeegsanaya telefoonada viber +16468272744 whatsApp +447441954777 emailada kala ah nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com Mahad sanidiin

LA SOO XIRIIR DHAQAATIIRTA WEBSITE KANI

WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KALA SOO XIRIIRI KARTAAN TELEFOON NUMBERADA KALA AH VIBER WHATSAPP +16468272744 AMA KAN KALE EE AH VIBER WHATSAPP +16468272744 +447441954777 TELEFOON KA FIXED KA AH WAA +16314883563 AMA +16468272744 AMA +390918777633 CINWAANADA EMAILKA KALA AH nalasooxiriir@live.com nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com SIDOO KALE WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA WAQTI KAMIDA 24 KII SAAC CINWAAN KU WAA nalasooxiriir@gmail.com MAHAD SANIDIIN.

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD
Xarumaha caafimaad ka website yadan ayaa kuu diyaariyeen daaweyn rasmi ah inshaa allaah dhamaan xarumaha caafimaad ka iyo dhaqaatiir tooda ba waxa heegan buuxa u yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka soomaaliyeed ee xanuun sanaya meel kasta oo ay dunida ka joogaan daawooyin iyo daaweyn rasmi ah waxaa diyaar idiin la ah dhamaan xarumaha caafimaad ka ee website yadan la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho xal caafimaad oo waara inshaa allaah mahad sanidiin.

WE TREAT GOD HEALS

WE TREAT GOD HEALS
inshaa allaah

Wednesday 16 November 2011

Cabeeb / umuloow

Candida ama cabeeb waa infakshan guud
waxaana keena khamiirka loo yaqaan
Candida albicans. Waxay jeceshahay inay
ku korto meelaha diiran oo qoyan sida
afka (oral candida), waxayna ku
dhuumataa maqaarka ku yaalla sarcanta, dabada agagaarkeeda, marmarka
qaarkoodna kilkilada.
Afka gudahiisa, waxay ku samaysaa
meela cad cad oo guduud ku jiro.
Badanaa wareega camanka ayey wax
yeelaysaa , laakiin marmarka qaarkood wuxuu galaa ciridka, dhabxanaga ama
carabka. Candida wuxuu ku dhacaa
badanaa maqaarka meelaha sarcanyuhu
ku yaalliin. Dabadeedna waxay ku fidaan
bawdiyaha ama barida meelaha ka fog
maqaarka kaas oo ay wax yeeshay candida. Midkaani caam ayuu ku yahay
meelaha naabiga lagu xiro halkaas oo
qoyan isla markaana diiran. Meelaha
infakshanku ku dhashay waxay
yeeshaan guduud waxaana dhici kara in
wax fuulaan qarka laymanka yaryar oo ku fidaya meelaha maqaarku ka laaban
yahay. Maxaa dhaliya? Candida waxaa
qaba 20% dadweynaha iyadoo aan
keenin wax dhibaato ah. Haddii ay jiraan
xaalado gaara, sida isticmaalida
antibaayootikis, waxaa dhici kara in candida intii ka sii weynaato. Waxaa
dhici karta cuntada afka lagaga tegay
sida cabitaanada macaan
ama caano, inay qayb ka qaadato
koritaanka infakshanka candida.
Qoyaanka iyo diirimaadka meelaha diiran (meelaha laabma ee maqaarka)
khaasatan meelaha jirada maqaarku ay
ka jirto, ayaa ka dhigi kara candida
infakshan inay noqoto. Haddii cudurkan
afka qalaad lagu yiraahdo candida ku
dhaco meelaha laabma isticmaalida kareemka cortisone iyadoo aan lala
isticmaalayn daawada lagu daaweeyo,
waxaa laga yaabaa in cudurkaani ku sii
xumaado.
Sidee lagu daaweeyaa?
Daawada rasmiga ah ee candida lagu daweeyo waxaa ku jira kareem la
mariyo meelaha naabiga aafeeyey iyo
daawo si toos ah afka looga qaato.
Haddii hooyadu ku yeellato candida ama
cabeeb cambarka ama ibta naasaha
waxay u baahnaan doontaa daawen rasmi ah. Cabiraada guud oo inaka
caawimaysa in laga hortago cudurkaan
waxaa weeye in
la ogaado waxay jeceshahay waana:
Joojinta antibaayootikiska sida ugu
dhaqsaha badan Si taxadaran u qalajinta meelaha
maqaarku ka laabmo qubayska ka dib
Isticmaalida dhar aan kugu dheganayn si
aad isaga ilaaliso inaad kululaato waxaa
waajib ah in si rasmi ah loo daaweeyo
hadii maqaarka jirrado ee uu yeesho furuuraca naabigu keenay.
Sidoo kale cabeebka wuxuu ku dhici
karaa hooyada dhashay iyadoo uuna
kaga dhici karo afka carabka iyo farjiga
ba sidoo kale waxaa jirta in cabeebku isu
bedeli karo xanuuno adag hadii aan si dhaqsa ah la isaga daaweyn waxaana ka
mida wax yaabaha uu sababi karo marka
cabeebku afka aad ugu koro inuu
infakshanka candida raaco tuubada
hunguriga isla markaana wax yeeleeyo
beerka iyo caloosha wuxuuna keeni karaa nabro gaas ah oo caloosha ku
sameysma.
Hadiise cabeebku aad ugu koro gudaha
farjiga iyaduna waxey sababi kartaa in
xanuun badan laga la kulmo galmada
caadada iyo dhibaatooyin badan oo aan la soo koobi karin.
Cudurada sababi kara in candida ku
badato meelaha qoyan ee laabma waxaa
ka mida cudurka baabasiirka oo isagu
hoos u dhiga difaaci jirka ama baabi
iyaba. Sidoo kale dadka isticmaala qaadka iyo
sigaarka ayaana iyaguna ku kori karaa
cabeebka. Umulow waxa ey u taqaano
soomaalida oo inta badan dumarka ka
sheegtaan iyo xanuunkan aan hadda ka
hadleyno ee cabeebka ama candida waa isku mid.
Hadii aad isku aragto xanuunkan ama uu
dhibaato kugu hayo ama uu ku hayo qof
kamida ehelkaada asxaabtaada la soo
xiriir dhaqaatiirta website kan
dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daawo mudo 1 bil ah la qaato dhamaana kaa
sifeyn doonta xanuunka cabeebka
umulowga ama candida hadba sida aad u
taqaano inshaa allaah la soo xiriir
dhaqaatiirta si aad u hesho caawimaad
inshaa allaah mahad sanidiin.