WAXAAD DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA VIBER +16468272744 WHATSAPP +447441954777

Waxaad dhaqaatiirta kula kulmi kartaa online ka adigoo adeegsanaya telefoonada viber +16468272744 whatsApp +447441954777 emailada kala ah nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com Mahad sanidiin

LA SOO XIRIIR DHAQAATIIRTA WEBSITE KANI

WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KALA SOO XIRIIRI KARTAAN TELEFOON NUMBERADA KALA AH VIBER WHATSAPP +16468272744 AMA KAN KALE EE AH VIBER WHATSAPP +16468272744 +447441954777 TELEFOON KA FIXED KA AH WAA +16314883563 AMA +16468272744 AMA +390918777633 CINWAANADA EMAILKA KALA AH nalasooxiriir@live.com nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com SIDOO KALE WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA WAQTI KAMIDA 24 KII SAAC CINWAAN KU WAA nalasooxiriir@gmail.com MAHAD SANIDIIN.

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD
Xarumaha caafimaad ka website yadan ayaa kuu diyaariyeen daaweyn rasmi ah inshaa allaah dhamaan xarumaha caafimaad ka iyo dhaqaatiir tooda ba waxa heegan buuxa u yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka soomaaliyeed ee xanuun sanaya meel kasta oo ay dunida ka joogaan daawooyin iyo daaweyn rasmi ah waxaa diyaar idiin la ah dhamaan xarumaha caafimaad ka ee website yadan la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho xal caafimaad oo waara inshaa allaah mahad sanidiin.

WE TREAT GOD HEALS

WE TREAT GOD HEALS
inshaa allaah

Wednesday 16 November 2011

Habka cudurada u faafaan

Guud ahaan cudurada waxaa loo
qeybiyaa laba qeybood oo waa
weyn oo kala ah.
1-cudurada faafa (infectious
diseases ama (communicable diseases)
2-cudurada aan faafin (non- infectious diseases (non- communicable
diseases)
Cudurada Faafa Waa cudurada la
isqaadsiiyo ee ka faafa qof buka una
gudba qof kale oo caafimaad qaba ama
ka faafa xayawaan jirran una gudba dadka ,cudurada waxa ay ku
faafaan dhowr hab waxaana loo
yaqaanaa wadada faafida (route of
transmission). Cudurada waxaa keena
ama sababa noola yaal yar-yar oo loo
yaqaan (organisms) sida Bacteria, Virus, Fungus, Protozoa, Iyo
parasites, Sidaa daraadeed dadka qaba
cudurada faafa waa in laga
fogeeyaa dadka caafimad ka qaba.
Habka cudurada u faafaan (The Route of
transmission) Cudurada faafa waxaa la isku qaad siiyaa had ba sida eey u
faafaan,intii isku si u faafta waa
la israac siiyaa waana isku koox
tusaale ahaan (example)
1-Taabasho oo ah (direct contact)
sida galamda,tabashada maqaarka. cudurada habkan ku faafa waxaa kamid
ah jabtada, waraabowga, aidska
isnadaamiska,cambaarta iyo wixii lamid
ah.(labada dambe waxaa ay ku faa faan
tabasho).
2-Neef qaadashada (air borne disease) cudurada habkaan ku faafa waxaa kamid
ah qaaxada ,jadeecada, xiiq dheerta,
hargabka, Gowracatada IWM.
3-Dhiig ku shubis (blood transfusion)
cudurada habkaan u faafa weey
farabadan yihiin waana cudur kasta oo dhiiga ku dhaca ama kujira.
4-Habka saxarada. Saxarada oo afka
gasho (Faecal Route ) habkani waa
cuntada iyo cabitaanka jeerimiska
saxarada qof buka ku jira oo afka u gud
ba. 5-Cudurada noole soo xambaara (vectors
borne disease) sida cudurka duumada.
Tusaale kaneecada waxey soo xambaar
taa cudurka malaria da.
6-habka mandheer gudbinta
transplacental transmission) habkani waa habka hooyo jiran ay
ugu gudbiso jeermiska ilmaha
uurka ku jira.
7-Habka xayawaan gudbinta
(zoonosis) Habkani waa habka
xayawaan ka ugud biyo jeermiska waxaana ka mid ah xayawaanada
rabaayada ah sida kuwa dadku dhaqdo
ee lagu intifaaco iyo kuwa kale sida
mukulaasha iyo eeyaha.
Wadooyinkani waa wadiiqooyinka
cudurada la isugu gudbiyo cudurada waxey leeyihiin qeybo faafa oo la isu
gudbiyo sida qof cudur qaba inuu kuu soo
gudbiyo cudurkii hayey ama xayawaan
jirran inuu kaaga soo gudbo cudur oo
markaa kugu dhaco.
Waxaa kaloo jirta in xayawaanada kaaga soo gudbi karo cuduro xataa iyagoo
caafimaad qaba. Xayawaanada aan
halkan kaga hadleyno waxaa waaye
bahaa imta sida kuwa la dhaqdo ee geela
looda ariga kuwa dad la dhaqadka ah
sida dameeraha bisadaha eeyga iyo kuwo kaloo badan. sida badan
xayawaanada la cuno hilibkooda ayaa
haddii aadan si fiican isaga bisleyn
waxaa dhici karta in uu cudur dhaliye
kaaga soo gudbo sida gooryaanada iyo
bacteria da. Sidoo kale waxaa jiraan cuduro badan oo
ku dhaca xubno gaar ah balse bukuhu
gaarsiin karo qeybo badan oo xubno
jirkiisa ka mida.
Sidoo kale waxaa iyaguna jira cuduro
kale oo aan iyagu faafin kuna faafeynin qaababkii aan kor kaga soo hadalnay ee
ay ku faafaan cudurada faafa ama la is
qabad siiyo iyaguna mar ayaan si gaara
uga hadli doonaa inshaa allaah.
Sidoo kale waxaa jira cuduro iyaguna
aan faafin balse la kala dhaxlo oo waalidku ku dhalo caruurtooda
cuduradaana waa kuwo badan waxaana
ka mida cudurka kaadi macaanka.
Sidoo kale waxaa jirta astaamo iyo ficillo
ilmuhu waalidkoooda ka dhaxli karaan
tusaale ahaan waxaa ka mida dhalmada oo waalidkaaga hadii uu dhaley caruur
badan inaad yeelato astaantaa ayaa
dhici karta ama hadii waalidku dhaley
ilmaha mataanaha ah adiguna waad
dhali kartaa iyadoo ay meesha ku jirto in
aad yeelan karto astaamo uu san waalidkaa lahaan jirin sida inaad awoodi
kari weyso inaad wax dhasho
waalidkaagana dhaley caruur badan
hadana waalidka qofka wuxuu ku yeelan
karaa saameyn badan.
sidaa awgeed waxaan aad u rajeynayaa in aad wax badan ka fahamteen qaabka
xanuunada u gudbaan kuwooda faafa
inshaa allaah waxaan ku dhameystiri
doonaa maqaal kale si aad wax badan
uga ogaataan cudurada iyo sidii aad
isaga ilaalin laheydeen cudurada faafa intii la awoodi karo.
Balse hadii aad leedahay cudur kula
dersay xal fiicana aad u weysay si laguu
caawiyo una hesho daryeel iyo daawaba
inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta ka
howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu ballan qaadeysa daaweyn
rasmi ah muddo kooban iyo in daawada
laguugu soo gaarsiiyo meesha aad ku
nooshahay inshaa allaah la soo xiriir
dhaqaatiirta si wax badan lagaaga
caawiyo inshaa allaah mahad sanidiin.