WAXAAD DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA VIBER +16468272744 WHATSAPP +447441954777

Waxaad dhaqaatiirta kula kulmi kartaa online ka adigoo adeegsanaya telefoonada viber +16468272744 whatsApp +447441954777 emailada kala ah nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com Mahad sanidiin

LA SOO XIRIIR DHAQAATIIRTA WEBSITE KANI

WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KALA SOO XIRIIRI KARTAAN TELEFOON NUMBERADA KALA AH VIBER WHATSAPP +16468272744 AMA KAN KALE EE AH VIBER WHATSAPP +16468272744 +447441954777 TELEFOON KA FIXED KA AH WAA +16314883563 AMA +16468272744 AMA +390918777633 CINWAANADA EMAILKA KALA AH nalasooxiriir@live.com nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com SIDOO KALE WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA WAQTI KAMIDA 24 KII SAAC CINWAAN KU WAA nalasooxiriir@gmail.com MAHAD SANIDIIN.

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD
Xarumaha caafimaad ka website yadan ayaa kuu diyaariyeen daaweyn rasmi ah inshaa allaah dhamaan xarumaha caafimaad ka iyo dhaqaatiir tooda ba waxa heegan buuxa u yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka soomaaliyeed ee xanuun sanaya meel kasta oo ay dunida ka joogaan daawooyin iyo daaweyn rasmi ah waxaa diyaar idiin la ah dhamaan xarumaha caafimaad ka ee website yadan la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho xal caafimaad oo waara inshaa allaah mahad sanidiin.

WE TREAT GOD HEALS

WE TREAT GOD HEALS
inshaa allaah

Wednesday 16 November 2011

Dareen la aanta dumarka

Maxaa sababa tabardarida xaga
galmada (kacsiga) ee soo wajahda
dumarka?
Tabardarida soo wajahda dumarka
xiliga galmada ee afka qalaadna lagu
magacaabo (sexual dysfunction) ayaa waxaa lagu qeexaa dhibaato soo
wajahda xiliga isu taga jinsiga taas oo
alaaba lala xiriiriyo qanaaco la’aan
kadhalata isu taga. Tusaale ahaan
culimada amaba
dhaqaatiirta jinsiga ayaa waxey sheegaan in illaa 4 heer uu maro isu
taga jinsiga kuwaas oo kala ah,
1:dareemid raaxo marka hore,
2: u bislaasho galmo,
3: kacsi,
4: iyo weliba raali ahaansho imaato kadib marka ay dhammaato howsha isu
taga taas oo qof walba 2da lamaane ay
dareemayaan in ay gareen meel ay u
wada hanqal taagayeen oo ah in mid
walba uu qanciyay midka kale. Cilmi
baaris lasameeyay ayaa waxey soo jeedisay 43% dumarka iyo 31% ragga in
ay so wajahaan culeys yo kaheysta
xagga jinsiga, mowducaan ayaa ah mid
inta badan dadka ay nacebyihiin in laga
hadlo lakiin nasiib wanaag kiisaska inta
badan ee cuduradaan ayaa ah mid si fudud loo daaweyn karo sidaas
darteed ayaa waxaa muhim ah in aad
la sameysid wada tashi dhaqaatiirta.
Hadaba maxaa sababa
dhibaatooyinkaan?
Asbaabaha sababa cudurkaan ayaa waxaa la’aminsanyahay in ay yihiin
laba sabab oo kala ah 1- asbaabo ah
fisikaal ( physical causes ) 2- asbaabo ah
wal wal laxiriira saykoloji
(psychological causes). asbaabaha
fisikaalka ah ( physical causes) ayaa ah mid laxiriirta
cafimaadka iyadoo ay jiraan
cuduro si toos ah loo la xiriiriyo in ay
sabab u yihiin in haweyneydu uu
kudhaco cudurkaan tabardarida xagga
galmada iyadoo cuduradaasna ay yihiin sida cudurka kaadi macaanka
amaba sokorowga (diabetes) cudurada
kudhaca wadnaha ( heart diseases),
cudurada kudhaca neerfaha
(neurological diseases), isu dheelitir
la’aanta hormoonada (hormonal imbalances),cudurada karoonikada ah
sida cudurka fashilka kilyaha (kidney
failure), iyo cudurka kale ee fashilka
beerka ( liver failure ), cabida xad
dhaafka ah ee alkolada amaba
khamriga, isticmaalka daroogooyinka iyo weliba dhibaato dhinaceedka ay
leyihiin qaar katirsan dawooyinka sida
(antidepressant drugs) kuwaas oo loo
isticmaalo daweynta dadka qaba
walaaca ama shooga, dhammaan
asbabahaan ayaa waxey dhaliyaan hoos u dhac kuyimaada damaca xagga
galmada. asbaabaha saykolojiga amaba
laxiriira dhimirka ayaa isugu jira asbaabo
laxiriira daalka amaba istareeska walaac
( anxiety), walaac ay kaqabto
haweneydu galmada, dhibaatooyin xagga xiriirka u dhaxeeya labada qof ,
welwelka xad dhaafka ah , dareen ah in
haweyneydu dareento eednaan, amaba
welwel kudhacay haweeneyda isu tag
galma hore oo ay cabsina kaqabto
galmada. Yuu kudhaca dhibaatooyinka tabardarida
galma? Guud ahaan rag iyo dumarba wuu
kudhici karaa wuxuuna kudhacaa
dhamman labada jinsiba da’ kasta
badanaana wuxuu kudhacaa dadka qaan
gaarka ah ee cafimaad ahaana aan aheyn kuwo aad u cafimaad qaba oo
nafaqo ahaana aan aad u nafaqysneen.
Sidee u sameeysa tabardarida galmada
dumarka?
Dhibaatooyinka ugu caansan ee ilaa
hadda la ogyahay ee laxiriira tabardarada galmada dumarka ayaa ah.
awood la’aanta xagga rabida galmada
(inability to sexual desire) arimahaan
ayaa iyagu waxaa lala xiriiriyaa dareen
la’aanta in haweneydu rabitaankeeda
xagga galmada uu hoseeyo oo aysana wax han ah u heynin galmada waxaana
la’aminsanyahay in cunsuro badan ay
taa ugu wacanyihiin sida isbedelka
hormoonada, xaaladaha caafimaadka
iyo daweyn laga soo daweeyay cudurka
kansarka iyadoo doweyntaasna loo maray kiimiko (chemotherapy), sidoo
kale welwelka kaheysta haweeneyda
ficiladeeda ayaa iyana qeyb kaqaata
waxaa kale oo iyana door kuleh habka
isku xiga galmada iyo wareegyada
galmada (sexual routines) tani ayaa iyana waxaa la’aminsanyahay in ay
kaqeyb qaadato rabitaan la’aanta
galmada , iyo ugu danbeynta qaabka
nolosha haweneyda. awood la’aanta in
ay si wanaagsan u dareento amaba u
kacsato (inability to become aroused), dareemid la’aanta haweneyda xiliga
galmada ayaa aalaaba waxaa lala
xiriiriyaa yarida qoyaanka xubinta
tarenkeeda ( vaginal lubrications) sidoo
kale waxaa si toos ah loola xiririya
walaaca iyo weliba in aysan haweneyda aysan u istimtaacin si kufilan,
baarayaasha cudurada galmada
ayaa waxaa kale oo ay ku howlan yihiin
sidii ay u ogaan lahayeen sameynta uu
kuleeyahay qulqulka dhiiga xubinta
taranka dumarka iyo kintirka (clitoris) iyo sida uu uga qeyb qaato
dhibaatooyinka kaheysta haweenka
kacsiga. xanuun ka qabsada xubinta
taranka haweenka xiliga galmad (painful
during intercourse) xanuunadaan dhaca
xiliga galmada ayaa waxaa sababa dhibaatooyin fara badan oo ay kamid
yihiin infakshanka xubinta taranka
haweenka, cufnaanta amaba mugga
berkada xubinta taranka
haweenka ( pelvic mass), cudurada lagu
kala qaado galmada (STD) iyo xaalad lagu magacaabo (viginismus) taas oo ah
xanuun iyo xafaf kasoo wajaha
haweenka murqaha kuxeeran afaafka
hore ee ilinka amaba albaabka hore ee
xubinta taranka haweenka wuxuuna
kudhacaa haweenka badana kabaqda is liska 2 da xubnood ee taranka
dumarka iyo ragga. Side loo baara
tabardarida galmada
dumarka? Si loo baaro taabardarida
galmada dumarka ayaa dhaqtarku
wuxuu bilaaba ugu horeynba in u sameeyo baritaan dhanka jirka ah
( physical exam) isaga oo qimeynaya
astaamaha uu leeyahay cudurkaan ayaa
dhaqtarku wuxuu sidoo kale sameeya
baarida berkeda xubinta taranka ( pelvic
exam) si uu u qimeeyo faya qabida xubnaha taranka isagoo welina sameeya
baritaan dheer oo lagu magacaabo (Pap
Smear) kaas oo ah in labaaro unugyo laga
soo qaaday dhuunta hore ee minka
amaba riximka si looga baaro in
haweeneydu qabto cudurka kansarka ee dhuunta riximka (cervical
cancer),baritaanka noocaan oo kale ahna
waxaa lagu ogaadaa xaaladaha
kahoreeya kansarka kudhaco dhuunta
riximka (precancerous conditions)
hadaba baritaankaan ayaa sidoo kale waxaa lagu ogaadaa isbedelka unugyada
dhuunta riximka , alaaba baritaankaan
wuxuu kasaacidaa dhaqtarka in uu u
sameeyo bukaanka
daawada ugu haboon si loo daaweeyo
mushkiladaha ay dhaliyaan cudurada kudhaco taranka haweenka. Side loo
daweeyaa tabardarida galmada
dumarka? Sida ugu haboon ee loo
daweeyo tabardarida galmada dumarka
ayaa ah dadaal wadareed ay sameeyaan
hawaneyda qabta cudurka, dhaqtarka,iyo qof u tababaran daweynta
dadka qaba cudurkan badanaana
noocyada cudurkaan kuwa ladaweyn
karo sida kuwa laxiriira dhibaatooyinka
xagga dhimarka (psychological problems)
ayaa si fudud loo daweeya kadib marka la daweeyo ugu horeynba dhibaatada
xaga dhimirka ah taas oo ah mida ku
sababtay dhibanaha in uu helo
cudurkaan tabardarida galmada sida
welwelka (anxiety) shooga iyo wixii
lamid ah. Istiraatijooyinka kale ee lagu daweeyo cudurkaan ayaa ah sida soo
socota:- Qofka oo lasiiyo aqoon kufilan ee
xagga isu taga jinsiga (providing
education) aqoontaas oo ah sida ay u
sameysan yihiin xubnaha jirka banii
aadamka gaar ahaan kuwa laxiriira jinsiga, sida galmadu u shaqeyso iyo
isbedelka caadiga ah ee laxiriira
hor umarida cimriga aadanaha iyo sida
uu ugu leeyahay saameyn dhaqanka
galmada intaa waxaa si dheer
bukaanka oo loo sheego in uu wax kabedelo dhaqanka galmadiisa isagoo
lagula taliyo haddi dhibaatooyin
dhimirka ahna heystaan in uu aado
dhaqtar sameeya tashiga xaga
dhimirka (consuling) si uu uga samata
baxo dhibaatooyinkaas. Dar dar galinta istimtaaca (enhancing
stimulation). Yareynta xanuunka xiliga
galmada
(minimizing penetration pain during
intercourse) tan ayaa iyana ah mid kale
oo ah wax tar si loo daweeyo xanuunkaan waana in looga tagaa
haweneyda xiliga galmada meel qeyb
ahaan yareyn karta xanuunka kasoo
wajaha isliska xubnaha taranka xiliga
ay socoto galmada, waxaa kale oo lagu
taliya si loo yareeyo xanuunka isliska in la’isticmaalo waxyaabo lagu qooyi karo
xubinta taranka haweneyda sida
qooyaha canbarka ee afka qalaadna
loogu yeero ( vaginal lubricant) kaas oo
ah waxyaabo sibix ah oo la mariyo
xubinta taranka kahor galmada si uu u yareeyo suurta galnimada xanuun
kadhasha isliska, sidoo kale waxaa
lasheega in kuqubeysashada
haweneydu ay ku qubeysato biyo kulul
kahor wax yar galmada uu kasaacidi
karo in wa xoogaa qoyaan ah ay kasoo bixi karaan xubinteeda taranka xiliga
galmada. Mala daaweyn kara tabardarida
galmada dumarka? Daaweynta guusha
kudhmaata ee
tabardarida galmada dumarka ayaa uun
waxey kuxirantahay marka hore asbaabaha sababay tusaale ahaan
muqaalka kore ee daaweynta fudud
ayaa ah kuwa sida fudud loo daweyn
karo ee badanaana laxiriira arimaha
dhanka saykolojiyada ee uu dhaliyo
walaaca shooga iyo daalka laga qaado shaqada ( work stress). Sidee saameyn
ugu leeyihiin hormooanda tabardarida
galmada dumarka?
Hormoonada ayaa
waxaala’aminsanyahay in ay door
kuleyihiin qaabeynta shaqada galmada dumarka iyadoo sidoo kalena lasheego in
hoos u dhaca hoormoonka lagu
magacaabo estrogen ee isaga doorka
kaciyaara qaabeynta howsha galmada
dumarka uu leeyahay dhibaato fara
badan hormoonkaan ayaa waxaa si toos ah yaraanshiyahiisa loola xiriiriya
horumarka da’da amaba cimriga
haweneyda iyadoo xiliga ay kusii
dhawaneyso quusta (menopause) uu sii
yaraado, inta badanna dumarka waxey
usoo joogaan isbedalo dhanka galmada marka uu cimrigoodu horay u maro
isbedaladaas oo isugu jira in qoyaanka
xubinta taranka yaraado, iyo dareenka
afka canbarka oo yaraada. Daraasado
dheraad ah oo lasameeyay
dhawanahaana waxey soo jeediyeen in hoos u dhaca kuyimaado hormoonka
ragga ee dhinaca galmada uu isagu
xitaa door kuleyahay kana qeyb qaato
yaraanshiyaha damaca galmada
dumarka, dhaqaatiirta cafimaadka ayaa
weli waxey baritaan kuhayaan faa’iidada hormoonada iyo qaar
katirsan dawooyinka loo isticmaalo
tabaryarida galmada dumarka. Saameyn
ceynkee ah ayuu ku leeyahay
qaliinka lagu magacaabo
(Hysterectomy) tabardarida galmada dumarka?
Haddaba in badan oo katirsan dumarka
ayaa waxaa soo wajaha dhibatooyinka
tabardarida galmada marka lagu
sameeyo qaliinka afka qalaad lagu
magacaabo (Hystrerectomy) kaas oo ah in lagu sameeyo haweyneyda qaliin
amaba jaraaxo lagaga saarayo riximka,
dhibatooyinkaan ayaa waxey isugu
jiraan in ay ku dhacdo haweneyda
damac la’aan amaba Rabitaan xagga
galmada iyo in ay hoos u dhacaan qoyaanada kasoo baxa xubinta
taranka, waxaa kale oo
kudhaca xafaf iyo xanuun badan oo
kasoo wajaha xubinta taranka,
waxaana dhaqaatiirta cudurada jinsiga
ay aaminsan yihiin in ay taa ugu wacan tahay isbedelka xagga
hormoonada ee kudhacaya haweenka
marka laga saaro riximka tiiyo ay sii
dheertahay waxyeelada gareysa
neerfaha xubinta taranka qalinka
dartiis ay yareyn karaan dareenka illaah u siiyay xubinta taranka dumarka
in ay dareento jinsiga kasoo horjeeda
(ragga). Sidee saameyn ugu leedahay
quusta (Menopause) tabardarida galmada
dumarka? Haweenka ayaa marka ay
garaan xiliga quusta amaba marka ay joojiso in ay ku dhacdo caadada waxaa
hoos u dhaca
homoonka lagu magacaabo Estrogen
kaas oo qeyb ahaan qabta shaqada
laxiriirta dhaqanka galmada sidoo kale
dareenka ah in haweneydu ay kusii dhawaaneyso quusta ayaa wuxuu ku
leeyahay saameeyn in wa xooga
haweenka uu yaraado dareenkeeda
xagga galmada dabadeedna ay
adkaato in ay si wax ku ool ah ay u
dareento galmada, waxaana jira xaalado mar mar dhaca oo ah in
haweenka qaar uu dareenkooda xagga
galmada uu saa’ido xiliga ay kusii
dhawaneyso quusta taas oo badana lala
xiriiriyo haweenka aan horay wax u
dhalin kuwaas oo is leh kahor quusta aad wax dhashid. Gormee ayaad u
bahantahay in aad dhaqtar kala xiriirto
dhibaatooyinka tabardarida galmada?
Inta badan haweenka wey las oo
darsaan dhibaatoyinkan tabardarida
galmada waqti uun katirsan noloshooda, si kasta oo ay ahaataba marka ay si
joogta ah u Cabato ayaa waxey ku sababi
karaan haweneyda iyo lamanaheeda
dhibaatooyin xagga qoyska ah kuwaas
oo ku yeelan kara saameyn aan
wanaagsaneyn xiriirka qoyskooda, haddaba haddii aad si joogta uga cabato
dhibaatooyinkan lasoo xiriir dhaqaatiirta
webkani si loo qimeeyo dhibaatada ku
heysata kadibna laguu daweeyo inshaa
allaah.
Waxaa jiraan cuduro iyo xanuuno badan oo sababi kara tabar yarida dumarka iyo
ragguba kala soo derista hamiga
galmada.
Haddaba haddii aad aad ka cabaneyso
dhibaatooyin kaala soo gudboonaada
dareemaha jinsiga rag iyo dumar ba la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha
website kan dhaqaatiirtu waxey kuu
ballan qaadeysaa in si fudud iyo waqti
kooban lagaaga daaweeyo dhamaan
cilladaha jinsiga ah iyo dhamaan
xanuunada ku dhaca xubnaha taranka rag iyo dumarba inshaa allaah. Nala soo xiriir
si aan d u hesho caawimaad inshaa
allaah. Mahad sanidiin.