Friday, 20 June 2014
QAAB NOOCEE AYAAD ULA DHAQANTAA NADAAFADA IYO QURXINTA JIRKAAGA SIIBA WAJIGA
Sidaynu ognahay wajiga banii aadamka wuu ka jilicsan yahay jirka intiisa kale haba ugu horeeyaan dumarka, waayo wajiga wa jir markasta wax la mariyo siiba dumarka, haddaba waxaa jirta in wajigu qaato jeermiska iyo wasakh da ugu badan kuwaas oo ka soo raaca gacmaha iyo hawada
Tusaale ahaan sida caadada inoo ah Soomaalida siiba dumarku waxay ku meyrtaan wajiga saabuun ama (shower Gel) kadib qofka waxa uu u heystaa in ay intaa kaga dhamaatay meyristii wajiga haddii qofka waqtiga uu qubeysanayo uu na meyrayo jirkiisa oo dhan ee uu ka soo baxayo baafka uu sameeyo si uu u ogaado wasakhada iyo jeermis ka wajigiisa ku harsan waa in uu soo qaato suuf (cotton pads) wuxuu ku shubayaa biyo yar oo milix leh, ama liin dhanaan wuxuuna ku xoqayaa wajiga waxuu arkayaa suufkii oo noqday yeeshay midabka bunniga kana tagay cadaankii waxaasina waa (dead dirty skin cells) oo ay la socdaan wasakh iyo jeermi.
Had iyo jeer waxaa aad u haboon in marka aad wajiga taabaneyso dumar iyo rag ba marka hore waa in aad gacmaha si wanaagsan isaga meyrto oo aad qallajisaa waayo gacmaha waxaa la socda oo ay sitaan jeermiska ugu badan ee aan la qiyaasi Karin, marka waxaa caafimaad ahaan qof kasta u fiican in markasta gacmaha la hor dhaqo intaan wajiga la taaban.
Jeermis (germs) waa noola yaal cayayaan ilma aragto ah inta badana la socda wasakhda kuwaas oo haddii ay jirkaaga qabsadaan taabtaan kugu sababi kara cudurro kala duwan iyo xitaa dhalan rog ku dhaca muuqaalka maqaar kaaga wajigu na kamid yahay.
Tusaale kale oo aad u muhiim ah cilmi baaris lagu sameeyay (mobile phone) ka gacanta ayaa waxa lagu ogaaday inuu ka jeermis badan yahay jeermiska suuliga laga qaado, waayo waxaa soo raaca kuna uruura jeermis aan xad lahayn ama aan la qiyaasi karin jeermigaa oo uu ka helo gacmaha banii aadamka waxaa nasiib darro weyn ah in aad ku aragto dadka qaarkiisa soomaalida na ay ku jirto iyagoo mobile phone ka ay isticmaalaan afka galiya arrin kaas oo sabab u noqon karto in qofka sidaa sameeya ay ku dhacaan cudurro badan. waxaan inshaa allaah mid mid u kala qaadeynaa qeybaha uu ka kooban yahay jirka ama maqaarka banii aadamka si dadkeena soomaalida wax badan uga ogaadaan caafimaadka jirkooda. Waxaana maanta ka hadleynaa inshaa allaah.
1: jirka ama maqaarka iskugu jira labada nooc ee loo yaqaano(combination skin)
2: Iyo Burooyinka ku dhaca Wajiga Iyo Qoorta ee loo yaqaano (blackheads or black dots).
inshaa allaah waxaan ku hormareynaa Burooyinka waxa ay had iyo jeer ku dhacaan jirka saliida badan leh, runtii jirkan ama maqaar kan ayaa caan ku ah waxyaabo badan oo Burooyin ku ka mid yihiin inay ka soo baxaan waa haddii ay daldalooladiisu xirmaan
Burooyinkan waxa ay ku dhacaan ama ka soo baxaan.
1: sanka dushiisa,
2: dhabanada dhinacyada sare,
3: fooda,
4: qoorta
5: dhabarka.
Burooyinkan waxaa ay ka soo dhashaan halka loo yaqaano (hair follicle) oo ah meesha ay timaha xaadu ka soo baxaan, jirka ama maqaarka saliida leh ayaa sii daaya saliid iyo dhidid aad u tiro badan ka dibna jeermis noqda, kuna soo uruura meesha xaadu ka soo baxdo Intaa kadib jirka ama maqaarka hoostiisa meesha loo yaqaan (hair follicle) waa halka ay xaadu ka soo baxdo ayaa midab keedu wuxuu noqdaa madoow, muddo kaddibna waxaa dibada uga soo booda burooyin yar yar, sababta ayaana ah uskagii iyo dhididkii ku uruuray daldaloolada maqaarka oo hawada ka xirmatay.
jirkan ama maqaarka noocan ah iyo guud ahaan ba jirka saliida leh ayaa ah mid markasta u bahan nadiifin iyo qalajin loo isticmaalayo wax yaabo saliidu ku yartahay
Burooyinka noocan ayaa ah kuwo faafa jirku wuxuu intiisa kale is gaarsiiya xilliga habeenkii marka uu qofku hurdo ee uu dhidido.
marka laga soo tago daaweynta rasmiga dhibaatooyin ka uu sababo jirka noocan ah iyo guud ahaan ba jirka saliida leh waxa kaliya ee la iskaga yarayn karo ama lagaga hor tagi karo ayaa ah jirka qofka oo si rasmi ah loo nadiifiyo loona qallajiyo dadka qaar kiisa siiba dumarka ayaa isticmaalo wax yaabaha loo yaqaano(facial scrub, facial cleanser, and toner) dhamaan wax yaabahan iyo kuwo kale oo loo isticmaalo nadiifinta qurxinta jirka iyo daweyntiisa ayaa haba yaraatee jirka banii aadamka ugu jirin isticmaalkooda wax faaiido ah oo u raageysa iska daa faaiido laga helo bal waxaa ay sababaan in uu hoos u dhaco guud ahaan difaaca jirka gaar ahaan difaaca unugyada maqaarka uu leeyahay jilicsanaan saaid ah oo ku timaada maqaarka iyo cudurro kale sida kansarka maqaarka sababtoo ah qofka waxa uu had iyo goor isticmaalayaa (chemicals) kala duwan isla markaana wada socda. in qofka uu baneeyo daldaloolada jirka (pores) ee xirmay ee jeermiska jirka (dead skin cells ) ee maqaarka galay la dagaalamo waxa ay caawineysaa in qofka uu ka badbaado burooyin ka uu keensado maqaarka noocani ee (combination skin) ka loo yaqaano waxaa kale oo fiican inuu qofku gogosha uu ku seexanayo sida go'a barkimada uu iska badalo usbuucii laba jeer, waayo dhididka uu jirku sii daayo ayaa ku dhaga gogosha waxana uu qeyb weyn ka qaataa in qofka maqaarkiisa ay ku sii fidaan burooyin ka, maqaarka burooyinka leh na arrintaa uma fiicna, Nadaafada badan ee jirka iyo dharkaba waxa ay qofka ka caawisaa in uu ka guuleysto Burooyinka uu sababo maqaarka saliida leh.
Burooyinka ayaa ah kuwo si dhib yar u tagaya inshaa allaah haddii si rasmi ah loo qaato daaweynta rasmiga ee ku haboon noocyada kala duwan ee maqaarka u kala sameysan yahay barashada iyo la macaamilka jirka ayaa waxa ay leedahay muhiimad weyn oo xagga caafimaadka ah.
hadii uu jirku maqaarku yahay mid dabiici ah oo aan dhib kale gaarin sida haddii aanan loo isticmaalin wax yaabaha jirka la mariyo ee chemicals ka ka sameysan dhaawac ama cudur ku dhacayna uusan jirin jirka ama maqaarka noocaas ah waa dabiici wuxuu u baahan yahay oo kaliya nadaafad xoog leh lana joogteeyo sida meyrashada qallajinta iyo nadaafada gogosha.
haddii se jirku yahay jir wax la mariyay ama khafiifay oo burooyin ka soo baxeen, jirka dawooyin ka chemicals ka la mariyay uma adkaysan karo xitaa wax kale iska daayee nafaada caadiga ah oo la joogteeyo maxaa yeelay daawooyin ka dhamaan loo isticmaalo qurxinta jirka waxaa ku jiraan maadooyin chemicals ah kuwaas oo dila unugyada maqaarka sameeya marka haddii jirkaaga uu yahay jir chemicals lagu quudiyo isla markaana uu khafiifay marka hore waxaa haboon in aad wax kasta oo jirka la mariyo ka fogaato sababtoo ah maqaar kaaga waa uu sumeysan yahay wax kasta oo sun taas fal gal la sameyn karana waxa uu noqonayaa wax ku dhibaateeyo.
2: jirka loo yaqaano (combination skin)
jirkan ama maqaarkan ayaa ah mid inta badan dadka somalidu aysan aqoon u lahayn, waxaa kaliya oo aan garaneynaa uun
1: jirka ama maqaarka qalaylka,
2: jirka saliida badan, iyo
3: jirka wax diida,
jirkan ayaa ah mid aan dhib kiisu badneyn oo u dhow jirka caadiga ah hadii si fiican loola dhaqmo.
Jirkan ayaa ah mid had iyo jeer dhabanadu ay noqdaan sida jirka caadiga ah oo kale , ama jirka qalayl ka ah, balse fooda iyo garka waxa ay noqdaan kuwo soo saaro saliid taasoo loo yaqaano (T-zone) waa meelaha saliida soo saarto micna heeduna yahay saliida ku uruurta garka iyo fooda.
Meeshan saliidu fadhiisato oo ah garka inta ugu badan ayaa sababta inuu nooca jirkan qofka lihi uu yeesho finan ka soo baxa garka oo kaliya Jirkan ayaa u baahan daaweyn rasmi ah oo hal mar qofka noloshiisa isticmaalayo si uu jirka noocan ah u helo waxa loo yaqaano (Ph balance) muhiimada laga leeyahay daaweynta rasmiga ayaa ah in la dhaqaajiyo saliida si anay dhib kale ugu keenin wajiga qofka jirkiisu noocan yahay.
Nooca Jirkan ayaa ah mid ay isku macaamil dhawyihiin jirka saliid leh oo loo wada isticmaali karo daaweynta rasmiga ee nooca jirka saliida leh.
marka jirkan maanta aynu ka hadlayno ee ah (combination skin) ayaa ah mid gadhka iyo foodu saliid badan fariisato, sababtaa aw geedna way isku dhawyihiin jirka saliida leh.
noocyada jirka ama maqaarka caadiga ah ee uu banii aadamku leeyahay inta da'diisu yar tahay waa kuwa aan kor ku soo xusnay, jirar kale oo badan ayaa jiro kuwaas oo had iyo jeer la socdaan waqtiga iyo cimriga banii aadamka uu marayo iyo is bed bedelka ku dhaca jirka aadanaha waxaana kamida.
jirka cimiri deg deggu uu ku dhaco , xilliga gabowga xilliga xanuunka , iyo marka cadceedu jirka qofka disho ee aan la daryeelin. Jirarkan oo iyaguna runtiina ay tahay in la barto in si gaara loola dhaqmo waxaa ka mida:
1: Mature skin — oo ah jirka cimri degdegu uu ku dhaco
2: Dehydrated skin — jirka sida aadka ah u qalalay ama jirka haraadan ee ooman
3: Ageing skin — jirka marka la gaboobo
4: Congested skin — jir xumaday oo daldalooladiisuna xirmeen, finan ku sameysmeen gadhka, ama ahaan jiray markiisii hore (oily skin)
inshaa allaah xarumaha caafimaadka iyo dhaqaatiirtooda ayaa markasta diyaar idiin la ah in aad kaga bogataan luuqadda soomaaliga qodob kasta oo caafimaadka bulshada soomaalida quseeya isla markaana wax weyn ka taraya aqoonta iyo caafimaadka bulshada iyo khatarta caafimaad ee markaa soo food saarta sidoo kale xarumaha caafimaadka iyo dhaqaatiirtooda ayaa heegan buuxa waxa ay ugu jiraan sidii dadkooda soomaalida ay uga daaweyn lahaayeen cudurrada xanuunada cilladaha iyo mashaakilka kasta oo xagga caafimaadka quseeya oo ay qabaan xarumaha caafimaadka iyo dhaqaatiirtooda waxaa ka go'an sidii qof kasta oo soomaali ah uu ku heli lahaa aqoon caafimaad oo hagar la'aan ah daryeel caafimaad oo dhameystiran daaweyn iyo daawooyin rasmi ah tayadooda iyo wax tarkooda la hubo meel kasta oo ay dunida kaga noolyihiin dadka soomaalida waxa ay xarumaha caafimaadka iyo dhaqaatiirtooda u diyaariyeen daryeel caafimaad oo dhinac kasta leh sida cilmiyeynta bulshada wacyi galinta bulshada daaweynta cudurrada guud iyo kuwa gaarka ah talasiinta caawinta bulshada dhamaan intaasi iyo ka badan waxaa diyaar idiin la ah xarumaha caafimaadka iyo dhaqaatiirta ka howl gasha website yadan xarumaha caafimaadka bi idni llaah waan sii wadi doonaa qormadan ku saabsan noocyada jirka ama maqaarka banii aadamka u kala baxo iyo hababka kala duwan ee uu u dhaqmo inshaa allaah waxaana ka bixin doonnaa tafaasiil dheeraad ah si dadkeena soomaalida ay u fahmaan u ogaadaan xaalado badan oo jirkooda uu ku sugan yahay qofka soomaaliga ah na uu u noqdo qof yaqaana nooca jirkiisu uu yahay sida uu u dhaqmo iyo siduu isagu kula dhaqmi lahaa bi idni llaah.
xarumaha caafimaadka iyo dhaqaatiirta ka howl gasha ayaa markasta u taagan
daaweynta cudurada guud iyo kuwa
gaarka ah xarumaha caafimaadka dhaqaatiir tooda ba waxa ay xoogga
saaraan daaweynta iyo xal u helida cudurada bulshada soomaalida siiba
cudurada dadka soomaalida ku dhaca
kuwa ay iska dhaxlaan kuwa ay isu
gudbiyaan iyagoo u diyaariyay
daawooyin rasmi ah tayadoodana sareyso
cudurka loogu talagaleyna si rasmi ah u daweynayaan bi idni llaah
Haddaba haddii aad tahay qof xanuun
sanaya xanuun kaaga uu yahay mid in
badan soo jiitamay isla markaana wali
aadan u helin xal daaweyn oo rasmi ah
ama ay jirto cillado xagga caafimaad ka oo kula darsay sida cilladaha xagga
taranka guud ahaan ama ay jirto
dhibaato kasta oo xagga caafimaad ka
kaa soo food saartay ama qofka xanuun
sanaya uu yahay qof ka mida ehel kaaga
asxaab taada la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta
ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah
oo aad ku heleyso waqti kooban wax
tar koodana la hubo inshaa allaah la soo
xiriir dhaqaatiirta iyo xarumaha
caafimaadka si aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawimaad
inshaa allaah mahad sanidiin.
Wednesday, 11 June 2014
WAA MAXAY CHOLESTEROL CUDURRO IYO XANUUNO SE MA KEENI KARAA
Cholesterol waa dufan jirku uu u
baahan yahay inuu ku shaqeeyo magaca cholesterol waxa uu leeyahay oo uu isugu jiraa 3 eray oo isa saaran waxa ayna kala yihiin sidan soo socota.
1: chole, oo ah (bile)
2: stereos, oo ah (solid)
3: ol, oo ah (alcohol) cholesterol waa
hydrocarbon organic molecule.Waxaa lagu sameeyaa beerka waxaana laga helaa cuntada ka timaadda xoolaha, sida hilibka, ukunta, waxyaabaha caanaha laga sameeyo iyo subagga.
Haddii cholesterol fara badan uu
jirka ku jiro wuxuu noqon karaa mid waxyeelo gaarsiiya jirkaaga wuxuuna kordhin karaa halista aad ugu jirto in ay kugu dhacaan cudurrada wadnaha siiba waxaad
Halis weyn ugu jirtaa in cholesterol ka dhiigaaga ku jira uu sarreeyo
haddii:
1: Jirkaagu uu sameeyo cholesterol fara badan
2: haddii aad cunto cunno uu
dufanka cayriin iyo cholesterol ka ay ku badan yihiin
3: haddii aad qabto cudurka sonkorowga
4: haddii heerka qanjirka dheecaan
ka thyroid ka uu hooseeyo waxaana loo yaqaanaa (hypothyroidism)
5: haddii aad qabto qaar kamida cudurrada kilyaha.
Waxaa jiraan 3 nooc oo dufan ah oo
dhiiggaaga ku jira:
1:Dufanka Cufkiisu Sarreeyo High Density Lipoproteins waxaana loo soo gaabiyaa (HDL) waxaana loo yaqaanaa cholesterol ka wanaagsan
(good cholesterol) faaiidada uu u leeyahay jirkaaga waxa ay tahay wuxuu cholesterol ka dheeraadka ah ee qofka cudurada ku sababa ka qaadaa dhiiggaaga wuxuuna ku celiyaa beerka si markaa jirkaagu uu u awoodo inuu uga takhaluso dufanka dheeraadka ah.
2: Dufanka Cufkiisu Hooseeyo Low Density Lipoproteins waxaa loo soo gaabiyaa (LDL) waxaana loo yaqaana cholesterol ka xun (bad cholesterol)
cholesterol kaan xun marka uu dhiiggaaga ku jiro wuxuu ku
kordhaa oo uu soo dhex galaa marinnada dhiigga ama xidida dhiiga Tani waxa ay sababi
Kartaa ama keeni kartaa in marinnada dhiiggaagu ay ciriiri noqdaan iyadoo caqabad ku noqoneysa socodka dhiigga ama qul qulka dhiiga ee xididada dhexdooda toos u dhax mari lahaa.
3: Triglycerides
Cunidda carbohydrate fara badan
waxay kordhin kartaa ama sabab u noqon kartaa in jirkaaga uu ku kordho heerka triglyceride taas oo sabab u noqon karta in uu sara maro cholesterol ka xun.
Heerarka Dufannada dhiigga waxaa lagu ogaadaa baaritaan dhiigag qofka laga qaado.
Natiijooyinka baaritaan ka waxa ay kuu sheegayaan heerka guud ee cholesterol ka dhiiggaaga sida.
1: qofka caafimaad ka qaba xaddiga cholesterol ka dhiigiisa ku jira total ahaan waxaa laga rabaa wixii ka hooseeya.
200 mg/dl ama wixii ka hooseeya
5.2 mmol/L
Xadiga kama dambeysta ee cholesterol ka qofka caafimaadka qaba dhiigiisa ku jiri kara waa sidatan.
200 ilaa 239 mg/dl ama 5.2 ilaa 6.2 mmol/L.
Xaddiga saaidka ka ah ee cholesterol ka sarreeya dhiiga qofka ku jira waa sidatan.
240 mg/dl ama 6.2 mmol/L iyo wixii ka badan.
Xaddiga qofka caafimaadka qaba ee cholesterol ka wanaagsan (HDL) waxaa laga rabaa sidatan.
70 ilaa 60 mg/dl ama 1.6 ilaa 1.8 mmol/L.
ka badan 70 ma wanaagsana.
Dadka uu jirkooda ku badan yahay cholesterol ka xumi isla markaana qatar weyn ugu jira cudurada wadnaha xaddiga cholesterol ka xun waa sidatan.
Wixii ka hooseeya 70 mg/dl ama 1.8 mmol/L waa dadka qatarta weyn ugu jira cudurada wadnaha waxaa laga rabaa in uu noqdo sidatan.
100 ilaa 129 mg/dl ama 2.6 ilaa 3.3 mmol/L.
Wuxuu xad ka bax noqdaa oo aad u sara maraa marka uu gaaro heerkan.
190 mg/dl ama 4.9 mmol/L iyo wixii ka sareeya.
Cabirka Triglyceres ee qofka caafimaadka qaba waa sidatan.
150 mg/dl ama 1.7 mmol/L iyo wixii ka hooseeya aad ayey u fiican tahay
Xaddiga qofka uu dhiigiisa aad ugu badan yahay dufanka noocan waa sidatan.
500 mg/dl ama 5.6 mmol/L (waa very high)
Baaritaan ka dhiiga ee cholesterol ka waxaa lagu magacaabaa sidatan.
Cholesterol levels
Lipid panel ama
lipid profile
Waxaana loo baaraa qeybahan soo socda.
Total cholesterol
HDL cholesterol
LDL cholesterol
Triglycerides
Triglycerides waa nooc kamida dufanka waxaasi kordhiya siyaadiya wax yaabaha mac macaanka ah iyo cabista alcohol lada ama khamriga.
Sida ugu wanaagsan marka la baarayo cholesterol ka ayaa waxa ay tahay in qofka uusan wax ba cunin 9 saacadood ilaa 12 saacadood wax aanan aheyn biyaha caadiga ma ahee.
Hubinta iyo la socodka heerarka kala duwan ee cholesterol ka jirka banii aadam ka sameeyo ayaa waxa ay tahay gaashaan ama difaac adag oo uu qofka xilli hore kaga gaashaamanayo cudurro badan siiba cudurrada ku dhaca wadnaha iyo xididada oo iyagu maalmahan noqday kuwo aad ugu soo batay caalamka gaar ahaan bulshada soomaalida inshaa allaah waxaana jecelnahay inaan dadkeena soomaalida u iftiimino in qabista ama heysashada cudurka dhiig karka iyo in qofka uu la socdo xaaladaha la xiriira cholesterol ka jirkiisa ay kala gaar tahay sababtoo ah qofka marka uu qabo cudurka dhiig karka taasi macnaheeda ma ahan in qofka uu ka hortagayo in ay ku dhacaan cudurada ku dhaca wadnaha sababtoo ah waxaaba ku dhacay cudurka dhiig karka oo isagu waa qof waqti hore ba loo dhacay oo waxaa ku dhacay mid kamida cudurada ka dhasha kororka cholesterol ka xun sidaa aawgeed waxaa laga doonayaa dadka caafimaadka qaba ee da'dooda ay tahay 30 jirka iyo ka weyn ba in ay waqti hore bilaabaan la socodka cholesterol ka jirkooda ku jira iyo hadba kororka uu mid kasta oo kamida 3 da nooc ee dufanka ah ay sameynayaan.
Haddii qofka lagu sheego in uu leeyahay jirkiisa xaddi aad u badan oo cholesterol ah ama uu jiro sare u kac nooc kamida noocyada dufanka jirka waa cholesterol ka ee waxaa waajib ah in qofka uu si deg deg ah isaga daaweeyo arrintan waxa ay gacan buuxda qofka ka siineysaa in uu waqti hore sameeyo ka hortag ah in ay yimaadaan cuduro badan oo badan kooda asiiba wadnaha kilyaha maqalka iyo aragga.
Xubnaha muhiim ka ah ee wax yeelada uu gaarsiiyo cholesterol ka jirka ku bata waxaa kamida.
1: wadnaha
2: Maskaxda
3: kilyaha
3: sambabada
4:xididada dhiiga
Iyo xubno kale oo aad u fara badan.
Daaweyn rasmi ah oo jirkaaga ka saareysa guud ahaan cholesterol ka siyaadada ku ah jirkaaga isla markaana jirkaaga siineysa tababar uu si dabiici ah ugu kontaroolo xaddiga cholesterol ka ee jirkaaga uu sameynayo daawooyin kan ayaa jirkaaga u suura galinaya in uu hoos u dhaco kororka siyaadada ee guud ahaan ba cholesterol ka jirkaaga uu sameynayo ama uu ka soo nuugayo cuntooyin ka aad isticmaasho sidoo kale daawooyin ka waxa ay kor u qaadayaan cholesterol wanaagsan sidoo kale waxa ay hoos u dhigayaan cholesterol ka xun ee cudurada sababa daaweynta rasmiga ah sidoo kale waxa ay faaiido weyn u leedahay dadka qaba cudurka dhiig karka noocyadiisa kala duwan marka laga reebo nooca loo yaqaano (secondary hypertension) oo isagu ay sababaan xaaladahan soo socda midkooda.
1: cudurada kilyaha ku dhaca qaarkood sida dhagxaanta kilyaha
2: cudurada ku dhaca halbow layaasha dhiiga ee wadnaha.
3: cudurada ku dhaca wadnaha qaarkooda.
4: cudurada ku dhaca endocrine system ka.
5: xilliga haweenku uurka leeyihiin
6: cudurka sonkorowga
Iyo xaalado kale oo badan haddii se sababta ama cudurka sabab u ahaa in uu imaado la daaweeyo qofka waa uu ka bogsoodaa isagoon laga daaweyn.
Dhiig karka kale ee isagu ah cudurka dhiig karka ee rasmiga waxaa lagu magacaa baa
Essential hypertension ama
primary hypertension sababaha keena cudurkan waxaa kamida
1: dhaxal in aad ka dhaxasho qoyskaaga sida hooyo iyo aabe awoow iyo ayeeyo iyo wixii lamida (genetics).
2: isu dheeli tir la'aan xagga cuntada qofka oo aanan cunin cunto isu dheeli tiran (poor diet).
3: qofka oo aanan sameyn jimicsi training (lack of exercise).
4: buurnida, iyo qofka oo yeesha culeys miisaan oo badan (obesity).
iyo dhamaan xaaladaha aan kor kaga soo hadalnay oo dhan inshaa allaah waxaad kaga kaaftoomeysaa daaweynta rasmiga ee ay kuu diyaariyeen xarumaha caafimaadka iyo dhaqaatiirta ka howl gasha website yadan daawooyin ka waa kuwo qofka si sahal ah u qaadan karo mana laha wax dhibaato (side effects) ah oo ay leeyihiin bi idni llaah na waa kuwo soo afjaraya dhamaan ba xanuunada la xiriira cholesterol ka dhiig karka xeydha buurnida dadka qaba xanuunada la xiriira wadnaha dadka qaba xanuunada la xiriira halbow la yaasha iyo xididada waxaana kuu diyaariyeen isla markaana kugu dabiibaya dhaqaatiirta xarumaha caafimaadka bi idni llaah.
xarumaha caafimaadka iyo
dhaqaatiirtooda ayaa markasta u taagan
daaweynta cudurada guud iyo kuwa
gaarka ah xarumaha caafimaadka iyo
dhaqaatiirtooda ba waxa ay xoogga saaraan daaweynta iyo xal u helida
cudurada bulshada soomaalida siiba
cudurada dadka soomaalida ku dhaca
kuwa ay iska dhaxlaan kuwa ay isu
gudbiyaan iyagoo u diyaariyay
daawooyin rasmi ah tayadoodana sareyso cudurka loogu talagaleyna si
rasmi ah u daaweynayaan bi idni llaah Haddaba haddii aad tahay qof xanuun
sanaya xanuun kaaga uu yahay mid in
badan soo jiitamay isla markaana wali
aadan u helin xal daaweyn oo rasmi ah ama ay jirto cillado xagga caafimaad ka
oo kula darsay sida cilladaha xagga
taranka guud ahaan ama ay jirto
dhibaato kasta oo xagga caafimaad ka
kaa soo food saartay ama qofka xanuun
sanaya uu yahay qof ka mida ehel kaaga asxaab taada la soo xiriir dhaqaatiirta ka
howl gasha website kan dhaqaatiirta
ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah
oo aad ku heleyso waqti kooban wax
tar koodana la hubo inshaa allaah la soo
xiriir dhaqaatiirta iyo xarumaha caafimaadka si aad u hesho daawo
rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawimaad
inshaa allaah mahad sanidiin.
Sunday, 1 June 2014
WAA MAXAY SUMOOBIDDA DHIIGA EE LOO YAQAANO BLOOD INFECTION AMA ( sepsis)
Blood infection waa caabuqa ku dhaca unugyada dhiiga waxaa kale oo loo yaqaanaa (Sepsis) oo macna heedu yahay dhiigga qofka uu sumoobo kadib markii ay bacteria ka buuxsanto. Sumoobidda dhiigga waxuu ka dhalan karaa bacteria soo weerarto meel kasto oo jirka banii aadamka ka mid ah sida: 1: bacteria da sababta caabuqa mindhicirrada. 2: bacteria da caabuqa Kilyaha iyo kaadi mareenka. 3: bacteria da sababta caabuqa Maskaxda taas oo sababta xaalada lagu magacaabo qoor gooyaha (meningitis). 4: bacteria da sababta caabuqyada Beerka iyo xameetida. 5: bacteria da sababta caabuqyada Sambabada taas oo keento oof wareen (Pneumonia). 6: bacteria da sababta caabuq yada Maqaarka Caruurta. sumoobidda dhiiggu wuxuu ka imaan karaa qaar kamida bacteria da ku dhacdo lafaha. dadka xanuun sanaya qaarkood waxay sumoobidda dhiigga ka qaadi karaan qaar kamida qalabka iyo farsamooyin ka dhaqaatiirta caafimaadku adeeg sadaan sida irbadaha faraha oo iyagu loo adeegsado in badan oo baritaano bukaanada lagu sameynayo . Calaamadaha lagu garto sumoobidda dhiigga waxaa ka mid ah: 1: Cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaca arrintan waxaa ka dhalan karta in qofka uu galo xaalad (shock) ah xubanaha ugu muhiimsan jirka sida kilyaha, beerka, sanbabada iyo maskaxda waxa ay jooji nayaan in ay si habsami leh u shaqeeyaan. Calamadaha guud waxaa ka mid ah: 1: Qandho qarqaryo la socoto 2: Wareer iyo calwasaad 3: Kaadida oo yaraato 4: Qandho siyaado ah ama heer kulka oo aad u hooseeyo. 5: Qofka oo neefsigiisu bato 6: Dhidid maadaama cadaadiska dhiigga uu dhacsanyahay 7: Wadno garaac siyaado ah 8: Faruuruc nabro ah oo oogada sare ee jirka ka soo yaaca. 9: cudurkan waxa uu sababi karaa in ay howl gab noqdaan kilyaha oo ay shaqada ka fariistaan. Cudurkaan waa cudur halis ah dadka badanaana way u dhintaan, haddii si dhakhso ah loo daaweynin ama cudurka la garan waayo. Sumoobidda dhiigga waxaa looga hortagi karaa. 1: in qofka nadaafaddiisa guud uu ilaaliyo, 2: hadduu xanuun iska dareemana in uu la xiriiro dhaqaatiirta si markaa loo ogaado cudurkiisa loona daaweeyo. Cudurkan ayaa isagu ah cudur beryahan dambe dadka soomaalida aad ugu soo batay wixii ka dambeeyay sanadkii 2002 ilaa waqtigan sababta ugu weyn ayaana waxa ay tahay in dadka soomaalida ay yihiin dad xanuun ka la soo darsa aysan hore isaga daaweyn ilaa qofka uu gaaro heer uu wax qabsan waayo sida aan kor ku soo xusnayna cudurkan ayaa qofka ugu dhici kara ama ugu soo gudbi kara qaab sahlan isagoona ah cudur qeybo badan oo jirka banii aadamka kamida dhiiga uga gudbi kara sida. 1: maskaxda. 2: sambabada. 3: kilyaha iyo kaadi mareenka. 4: caloosha iyo guud ahaan ba dheefshiidka. 5: maqaarka. Sidoo kale waxaa iyadana muhiim ah in la fahmo in xubna haasi sida ay u kala duwan yihiin iyaga shaqadooda na u kala duwan tahay in haddana wada shaqeyn iyo wax wada qeybsi weyn uu ka dhaxeeyo sababtoo ah dhamaantood waxa ay ka mideysan yihiin sidii ay uga shaqeyn lahaayeen habsami u socodka iyo bad qabka guud ahaan ba jirka oo dhan sidaa aawgeed haddii markaa ay jirto xubin kamida jirkaaga oo xanuun saneysa isla markaana uu qabsaday dagay cudur markaa waxaa jirta in fursadda xubin taas jiran ay cudurka hayya ama mid kaleba ugu gudbiso unugyada jirka sida dhiiga ay gaari karto 75% marka waxaa muhiim ah in qofka banii aadamka uu dadaalo 3 dan waqti ee kala ah. 1: inta uusan cudurka imaanin qofkana uu caafimaad qabo waa in uu ka hortagaa wax kasta oo caafimaadka qofka wax u dhimi kara. 2: marka cudurka qofka ku dhaco ama uu dareemo in uu xanuun san yahay waa in uu si deg deg ah u ogaadaa cudurkiisa iyo xanuun kiisa waxa uu yahay daaweyn iyo dadaal na uu galo xilli hore inta cudurku uusan fidin ama uusan baabi'inin xubnaha muhiim ka ah. 3: marka cudurka la ogaado loona helo xal daaweyn rasmi ah in qofka uu naftiisa uga faaiideeyo fursadda daaweynta ee waqtigaa uu heysto inta daaweyntu cudurka la dagaalameyso guulna keeneyso haddii se sidaa la yeelin waxaa suura gal ah in cudurka uu adkeysi u yeesho daaweyntu taasi oo keeneysa in daawada cudurka aysan waxba ka qaban cudurkiina waxa uu noqonayaa mid sii jira faafa kuwo kale ay ka dhex dha
Wednesday, 11 December 2013
WAA MAXAY CAABUQ AMA INFECTION SIIBA CAABUQYADA AMA INFECTION NADA KU DHACA XUBNAHA TARANKA DUMARKA RAGGA
mid kamida cudurada ku dhaca xubinka taranka haweenka isla markaana ah kan ugu weyn ee dumarka dunida gaar ahaan dumarka soomaalida ku keena dhibaatooyin dhinaca caafimaadka oo aad u badan siiba dhibaatooyin ka la xiriira dhinac yada taranka waa dhalmada iyo xagga qashin saarka jirka sida kaadida saxarada iyo caadada sidoo kale isla qodob kaan waxaa soo galaya dhididka oo isaguna kamid ah mid kamida qashin saarada jirka uu leeyahay oo aad u muhiim ah cudurkaan oo isagu ah mid saameynaya dhamaan 3 daas qeybood ee qashin saarada jirka leeyahay ayaa haddana dhibaatadiisa intaa oo kaliya aysan ku koobneyn waayo cudurkaan waa mid saameyn weyn ku yeesha habka taranka guud ahaan banii aadamka rag iyo dumarba gaar ahaan dumarka waxa uu ku leeyahay saameyn aad u badan sidoo kale cudurkaan waxa uu saameeyaa oo uu xumeeyaa macaamilka ka dhaxeeya ninka iyo xaaskiisa isagoo qoyska ka dhex abuura mashaakil hoosaad xagga nolosha iyo gogosha intaba waana cudur qofka marka uu ku dhaco ku keena mashquul dhinaca nafsada ah waana cudur faafa isla markaana aan ku koobnaaneyn qofka uu haleelo oo kaliya waxa uu saameyn karaa labada qof ee isqaba iyo ubadkooda intaba waa cudur qoysaska ku bixiyaan qarashaad fara badan bil kasta sanad kasta.
Su'aasha ayaa waxa ay tahay Waa maxay cudurkani?.
Cudurkani waxaa lagu magacaabaa caabuq ama (infection) waa maxay caabuq ama (infection)
caabuq ama infection waa waxyeeleynta ama ficil waxyeelo loo geysanayo mid ama ka badan unugyada jirka waa hab cudur loogu beerayo unugyada jirka ee caafimaad qaba, caabuq ama infection waa cudureynta xubin ama xubno caafimaad qaba oo jirka kamida oo la waxyeeleynayo cudur iyo bushi lagu beerayo taasi waa taas waxaa iyadana xusid mudan in cudur sababe kasta sida bacteria, da virus, ka parasite, ka iyo fungi, ga ba kuwaas oo iyagu ah kuwa mas'uul ka ah inta badan in cudur imaado dhamaantood ba waxa ay wax ku waxyeeleyaan oo ay cudur ku keenaan waa caabuq ama infection ay ku beeraan xubnaha caafimaad ka qaba ee ay asiibaan isla markaana ay ku tarmaan iyagoo ka nuugaya qofka wixii nafaqooyin ah ee ay u baahan yihiin si ay u tarmaan si kooban cudur kasta waxa uu ku dagaalamo ee uu wax ku waxyeeleeyo waa caabuq ama infection hadba sidii aad u taqaano cudur dhaliye kasta waxa uu geystaa waxyeelo isagoo adeegsanaya wax yeelana ku geysanaya rasaasta lagu maga caabo caabuq ama infection.
Sababta fasiraada dheer aan uga bixinay ereyga caabuq ama infection ayaa waxa ay tahay in dadkeena soomaalida si dhab ah u fahmaan macnaha caafimaad ee ereygaan waayo waxaan in badan aragnay dad badan oo soomaali ah oo leh dhaqtar kasta oo aad u tagto waxa uu ku leeyahay waxaa ku haya infection ama waxaad arkeysaa dadkeena qaar kamida oo u yaqaana infection ka ama caabuqa infection ka ku dhaca kilyaha iyo kaadi mareenka ee loo yaqaano (urinary tract infection) kaliya.waxaa iyadana xusid mudan in ay jiraan xaalado iyo cuduro kale oo kooban kuwaas oo caabuq ama infection la'aan waxyeelo geysan kara isla markaana khatar weyn gelin kara nolosha banii aadamka balse ma aha xaalado iyo cuduro aad u badan iyadoo ay sidaa tahay ayaa haddana xitaa kuwaa iyaga ah marwalbo kama marnaanayo caabuqa oo ugu dambeynta waa mid imaanaya sidoo kale waxaa xusid mudan in dhamaan noola yaasha banii aadam ka uu marti geliyo sida qaar kamida bacteria da iyo fungi ga parasite ka dhamaantood isku mid ma aha oo dhamaantood dadka ma waxyeeleeyaan qaar badan ayaa banii aadamka manaafacaad u leh in ay la noolaadaan balse kuwa waxyeelada iyo caabuqa sababa ayaa waxaa lagu magacaabaa pathogen ama (infectious agent).
Qodobka aan dooneyno in aan bulshada soomaaliyeed u iftiimino ayaa waxa uu yahay.
Caabuqa ama infection ka ku dhaca xubinka taranka haweenka ee loo yaqaano (vaginal infection) .
vaginal infection ama caabuqa ku dhaca xubinka taranka haweenka waa caabuqa ugu badan ee dumarka asiiba waqti kamida noloshooda waana cudur caan ku ah in uu soo noq noqdo waxaana sabab u ah in dumarka cudurkaan saaxiib la noqdo asbaabo badan waxaana kamida.
1: isu gudbin in dumarka marka la guursado cudurkani uga soo gudbo seygeeda sidoo kale gabadha waxa ay u gudbin kartaa seygeeda sidoo kale waxaa xusid mudan in ninkana u sii gudbin karo haddii uu leeyahay xaasas kale.
2: isku dhalid haddii cudurkani ay qabaan labada waalid ilmaha ay dhalayaan waa uu u gudbi karaa haddii aan laga hortagin.
3: aqoon dari la xiriirta xagga macaamilka gogosha ama galmada arrintan oo ah iyadana mid labada is qaba u horseedi karto in uu haleelo noocyo kamida caabuqyada xubnaha taranka.
4: qofka oo qaba xanuuno ama cuduro kale oo sababa in jirka caabuq ku dhasho isla markaana ku fido xubno badan oo jirka kamida xubnaha taranka iyo kilyaha iyo kaadi mareenka ayaa iyagu ah kuwa ugu horeeya ee caabuqyada ku fidaan cuduradaasi waxaa kamida cudurka gaaska iyo bacteria da sababta boogaha gaaska caloosha ee loo yaqaano H.pylori qaar kamida gooryaanada waxyeelada geysta caabuqyada ku dhaca quumanka ee tonsilitis ka loo yaqaano cudurada ku dhaca kilyaha cudurka qaaxada iyo dhamaan ba cudurada sababa hoos u dhaca difaaca jirka banii aadamka.
5: nadaafad xumo guud oo la xiriirta nadaafada xubnaha taranka siiba dumarka sida in dumarka xirtaan nigisyo hoos gashiyo aan nadiif aheyn ama muddo dheer la sito hal hoos gashi ama hoos gashiyada naylon ka ka sameysan oo xirashadooda caado laga dhigto waayo hoos gashiyada ka sameysan naylon ka waxa ay sababaan noocyo kamida caabuqyada ku dhaca xubnaha taranka dumarka.
6: qodobka aadka isagana muhiim ka u ah waa dumarka qaarkood ayaa isticmaala sameeya in dhowr kii beriba ay dhaqaan xubinka taranka iyagoo isticmaalaya saabuuno iyo shaambooyin iyo wax yaabo udug leh oo markaa loogu talagalay iyagoona dumarka u maleynaya in ay faaiido weyn leedahay qaab nadaafadeed kaas balse waa musiibada ugu weyn ee heysata dumar fara badan (vaginal douching) oo ah dhaqista xubinka taranka haweenka (farjiga) ayaa waxa uu sababaa caabuqyada kala ah (yeast infection) iyo bacterial vaginosis) kuwaas oo dumarka ku keena caqabado iyo xanuuno la xiriira xagga taranka iyo kaadi mareenka sidoo kale waxa uu sababaa in dumarka ay ilmaha uga beermaan meelo ka baxsan gudaha ilmo galeenka ama riximka (ectopic pregnancy) dhaqista xubinka taranka waxa ay sababtaa in labada nooc ee bacteria da ah ee ku nool gudaha farjiga dumarka kuwaas oo kala ah bacteria da fiican ee cudurada ka celisa dadka iyo bacteria da xun ee dadka cudurada ku keenta oo iyagu si siman ugu wada nool gudaha farjiga in qiyaasta ka lunto oo bacteria da fiican dhimato ileyn saabuun biyo shaambo ayaa lagu dhaqayaaye bacteria da xumina kororto ziyaado sidaana ku keento cudurada caabuqa leh ee aan kor ku soo sheegnay sidoo kale waxaa uu sababi karaa falkaan cuduro badan oo dumarka kaga dhaca xubnaha taranka kilyaha iyo kaadi mareenka.
Calaamadaha la arko marka xubinka
taranka haweenka cudur hayo waxaa ka mid ah:
1: Xubinka taranka haweenka oo
cuncunta,
2: gubasho xubinka dhexdeeda ah,
3: xanuun iyo dhacaan ka yimaado xubinka taranka haweenka, waana sababaha ugu badan ee haweenka u raadiyaan in ay la tacaalaan xubinka taranka, waana arrinta inta badan keenta cuduro ku dhaca xubinka taranka haweenka iyo caabuqyada keena xanuunadaas.
Haweenka jooga da’da uurka lagu qaado ama xiliga ugu horeyso ee uu ku dhaco dhiiga caadada, waxaa inta badan u keenaa dhibatadan nooca caabuq dhaliye ee loo yaqaano (bacterial infection) calaamada ugu caansan waxaa kamida .
1: dhacaan urta kalluunka oo kale leh oo ka yimaada farjiga laakin haweenka qaarkood ayaan laheyn.
2: dhabar xanuun
3: xanuun xiliga galmada iyo kadib.
4: cun cun iyo gubasho xubinka taranka gudihiisa
5: dhacaan mar mar uu qasan dhiig ka hor iyo kadib xiliga caadada.
Hadaba waxaa looga baahan yahay
dumarka in ay ku dadaalaan nadafaada xubinka taranka si ay uga badbaadaan cudura daas
kuwaas oo u keeni kara dumarka in ay xitaa dhib kala kulmaan in ay uur yeeshaan ama dhicis ku yimaado.
Sidoo kale dumarka waxaa looga baahan yahay in ay isticmaalaan hoos gashi ama kastuumooyin kasmeysan dun oo aysan
isticmaalin kastuumoyinka ka sameysan Nylon-ka ama polyester-ka kuwaasi waxay xadidaan hawadii fareeshka aheyd ee gali laheed meeshaas iyo tii ka soo
bixi laheed waxayna inta badan keenaan huur iyo cun cun badan taas oo sahasho inuu meeshaas ka dhasho fungus oo horseed u noqdo inuu dumarka ku dhaco caabuq ama infection.
Hadaba waa maxay calaamadaha ay dumarka isku arkaan markuu jiro caabuq ama infection.
1: Cun cun xubinka taranka ah
2: Kaadida oo gubta dumarka marka ay kaadi nayaan.
3: Galmada oo dhib iyo xanuun lagala kulmo.
4: ur Xubinka taranka ah
5: Xanuun dhinaca gumaarka ah ilaa
qaarka hoose ee dhabarka
6: Caajis badan.
xarumaha caafimaadka iyo dhaqaatiir tooda ayaa markasta u taagan daaweynta cudurada guud iyo kuwa gaarka ah ba daawooyin rasmi ah tayadoodana sareyso: Haddaba haddii aad tahay qof xanuun sanaya xanuun kaaga uu yahay mid in badan soo jiitamay isla markaana wali aadan u helin xal daaweyn oo rasmi ah ama ay jirto cillado xagga caafimaad ka oo kula darsay sida cilladaha xagga taranka guud ahaan ama ay jirto dhibaato kasta oo xagga caafimaad ka kaa soo food saartay ama qofka xanuun sanaya uu yahay qof ka mida ehel kaaga asxaab taada la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta iyo xarumaha caafimaadka si aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawi maad inshaa allaah mahad sanidiin.
Monday, 9 December 2013
MA OGTAHAY WAX TARKA VITAMINS YADA U LEEYIHIIN JIRKA?
Inshaa allaah walaalayaal waxaan mar kale sii wadeynaa hanaanka iyo doorka ay vitamins yadu ku leeyihiin jirka banii aadamka iyo jiritaan kiisa intaba waxaana inshaa allaah ku bileynaa qaar kamida vitamins yada aasaasiga u ah nolosha banii aadamka annagoo ku dadaali doona inshaa allaah in dadkeena soomaaliyeed si qoto dheer u fahmaan.
Vitamiin A.
Waxa uu u fiican yahay ama uu ziyaadiyaa Aragga, ama aragtida korriimada caruurta , dhadhanka in qofka si rasmi ah wax u dhadhamiyo dareenka dhadhanka ayuu kor u qaadaa waxa uu qofka u furaa cuntada (appetite ka)
Calaamadaha lagu garto qof ka uu jirkiisa ku yaryahay vitamin A
Waxaa kamida.
1: Aragtida habeenka oo xumaata qofka oo aan habeenkii si fiican aan wax u arki karin.
2: caabuqyo ama infections joogta ah oo qofka ka asiiba neef mareen ka siiba caruurta (respiratory infections)
3: gaas ama boog calooleed oo qofka kaga sameysanto caloosha (gastroentiritis)
4: daahitaan ama dib u dhac ku yimaado koriimada cauurta iyo koriimada lafaha.
5: khal khal ku yimaado hanaanka taranka qofka rag iyo dumar ba.
6: dumarka waxa uu ku keeni karaa haddii jirkooda uu ku yar yahay vitamin A dhicis joogta ah.
Inta qofku maalintii u baahan yahay waa 800 micrograms (mcg) Cuntooyin ka laga helo vitamin A waxaa kamid ah.
1: Beerka,
2: karootada,
3: khudaarta caleenta
cagaaran,
4: ukunta qeybta huruuda ama
jaalaha ah,
5: caanaha iyo wixii laga
sameeyo,
6: khudaarta huruuda ama
jaalaha ah.
Haweenka uurka leh ama qorsheynaya in ay uur yeeshaan waa in aysan isticmaalin vitamin A wuxuu dhib gaarsiin karaa ilmaha uurka ku jira.
vitamiin B6 (pyridoxine) waxa uu u fiican yahay Maqaarka, neerfayaasha, dheefshiidka. Calaamadaha lagu garto qofka uu ku yar yahay jirkiisa waxaa kamida.
1: Cudurada maqaarka.
2: cudurada dhiiga ku dhaca qaarkood waxaa kamida anemia da loo yaqaano (megaloblastic anemia) 3: wuxuu sababi karaa noocyo kamida waalida.
4: gaas ama bog calooleed.
Inta qofku maalintii u baahan yahay waa 2 (mg )
dumarka qaata daawooyin ka xakameynta uurka waxa ay u baahan yihiin ka badan 2 mg. Cutnooyinka laga helo vitamin b6 waxaa kamida.
1: Kaluunka,
2: mooska,
3: digaaga
vitamiin B12 (cobalamin) waxa uu u fiican yahay Samaysanka dhiiga iyo neerfa yaasha.
Calaamadaha lagu garto qofka uu jirkiisa ku yar yahay
1: Daal
2: caajis,
3: xato-xato
4: kabuubyo gacanta ama cagaha ah,
5: xasuusta oo lunta hilmaan badan
6: dhiig la’aan.
Inta qofku maalintii u baahan yahay waa 1 (mcg )
Cuntooyinka laga helo waxaa kamida
1: hilibka,
2: ukunta,
3:digaaga,
4: beerka,
5: kaluunka shellfish,
6: caanaha.
Fitamiin C (ascorbic acid) waxa uu u fiican yahay Difaaca jirka, la dagaalan ka cudur sababa yaasha bacteria da virus ka, bogsiinta boogaha nabaraha iyo dhaawac yada , la dagaalanka dufanka
dhiiga (cholesterol ka) oo hoos u
dhacda wuxuuna aad u xoojiyaa hanaanka difaaca jirka iyo shaqooyin kiisa waxa uu na ka qeyb qaataa bogsiinta cuduro fara badan. Calaamadaha lagu garto qofka uu jirkiisa ku yar yahay vitamin c waxaa kamida.
1: Daal,
2: dhiig ka yimaada ciridka
3:bogsashada nabaraha & dhaawac yada oo daaha.
Inta qofku maalintii u baahan
yahay 60 mg.
Cuntooyinka laga helo Liinta, yaanyada, bataatiga,
khudaarta caleenta cagaaran. vitamiin D waxa uu u fiican yahay Lafaha iyo ilkaha koriimada lafaha iyo dhismahooda.
Calaamadaha lagu garto qofka uu ku yar yahay
1: Lafaha oo daciif noqda
2: ilko aan caafimaad
qabin.
Inta qofku maalintii u
baahan yahay 5 mcg.
Cuntooyinka laga helo
1: Qoraxda,
2: kaluunka sardiin ka loo yaqaano,
Iyo kan kale ee salmoonka, nooca kale ee tuunada,
3: caanaha iyo wax yaabaha caanaha laga sameeyo.
vitamiin E (tocopherol) waxa uu u fiican yahay La dagaalanka sumaha ama sun yaasha iyo qashinka jirku
soo daayo.
Calaamadaha lagu garto qofka uu jirkiisa ku yar yahay
1: Murqo daciif murqaha oo daciif noqda.
2: dhibaatooyin badan oo la xiriira xagga dhalmada weynta vitamin kaan waxa ay sababi karyaa
Ma dhalaysnimo.
Inta qofku maalintii u baahan
yahay 10mg.
Cutnooyinka laga helo
1: Saliida dhirta laga sameeyo,
2:ukunta,
3: khudaarta ay ka mid ka yihiin broccoli,
4: spinach
cuntooyinka laga sameeyay badarka
buunshadooda wata.
Folic Acid (Folic acid) waxa uu u fiican yahay Samaysanka dhiiga cas. Waa lama huraan in ay dumarka qaataan sadexda bilood ee ugu horaysa uurka si looga hortago in jirka cunugu si qaldan u
koro isla markaana ku dhasho cuduro.
Calaamadaha lagu garto qofka jirkiisa uu ku yar yahay (folic acid)
1:anemia dhiig la'aan.
2: daal fara badan.
Inta qofku maalintii u baahan
yahay 200 mcg.
Haweenka uurka leh waa in ay qaataan 400mcg maalintii ba, ilaa 12 isbuuc. Cuntooyinka laga
helo folic acid waxaa ka mida
1:Karootada,
2: beerka,
3: ukunta qeybta huruuda ama jaalaha ah,
4: melon ka,
5: digirta
6: khudaarta caleenta cagaaran. Kaalsiyam (Calcium) waxa ay u fiican tahay Lafaha iyo ilkaha neerfa yaasha, murqaha iyo xinjiraha joojiya dhiig baxa
Calaamadaha lagu garto qofka ay jirkiisa ku yartahay,
1: Ilko xanuun iyo bur bur ilkaha ku dhaca lafaha oo daciif noqda.
Inta qofku maalintii u baahan
yahay 800 (mg)
Cuntooyinka laga helo calcium waxaa ka mida.
1: Caanaha iyo wixii laga sameeyo,
2: khudaarta caleenta cagaaran
Feerada ama (Iron) ta waxa ay u fiican tahay Dhiiga cas iyo kan cad intaba, shaqada murqaha iyo difaaca jirka guud ahaan Calaamadaha lagu garto qofka jirkiisa ay ku yartahay (iron) ta waxaa kamida.
1: Daal iyo si fudud u xanaaqid
2: feejignaan la’aan dareenka feejig naanta oo hoos u dhac ku yimaado. Inta qofku maalintii u baahan yahay 14 (mg).
Cuntooyinka laga helo
1: Hilibka cas ama kuduudan,
2: kaluunka saliida leh,
3: ukunta qeybta huruuda ama jaalaha ah,
4: khudaarta caleemaha cagaaran Magnesium
Waxa uu u fiican yahay ka qayb-qaadashada samaysanka energy ga ama tamarta jirku u baahan yahay iyo dayac tirka unugyada jirka, dhisida lafaha, ilkaha iyo murqo awood leh iyo wiliba nidaaminta heer kulka jirka.
Calaamadaha lagu garto qofka uu jirkiisa ku yar yahay
1: murqaha oo kuduuta,
2: wadno xanuun,
3: cudurka sonkorowga ,
4: cudurka dhiig karka
5: lafaha oo daciif noqda.
Inta qofku maalintii u baahan yahay 300 (mg )
Cuntooyinka laga helo
1: Khudaarta caleemaha cagaaran. Zinc
Waxa uu u fiican yahay Difaaca jirka iyo dheef shiidka nafaqada jirku u baahan yahay.
Calaamadaha lagu garto qofka uu
ku yar yahay jirkiisa.
1: Nabaro saameeya maqaarka, indhaha iyo dhuunta,
2: lumida dareenka dhadhanka iyo urka,
3: timaha oo goo go’ sameeya,
4:shuban,
5: dhaawaca oo daaha inuu biskoodo
6: iyo dhibaatooyin koriinka caruurta la xiriira.
Inta qofku maalintii u baahan yahay 15mg.
Cuntooyinka laga helo
1: Hilibka,
2: kaluunka shellfish,
3: caanaha.
Isticmaalka vitamins yada ayaa marka loo eego caafimaad ahaan waxa ay nolosha banii aadamka kaga jiraan kaalin weyn oo aad u muhiim waxaad na arkeysaa in ay saameyn badan ku leeyihiin hanaanka shaqo ee jirka banii aadamka sida koriimada jirka difaaca jirka bogsiinta dhaawacyada iyo taranka iyo dhalmada inta ba balse su'aasha ayaa ah walaala yaal qaabka ugu haboon ee dadkeena soomaaliyeed uga faaideysan karaan wax tarka weyn ee vitamins yadu u leeyihiin nolosha banii aadamka iyo halista weyn ee dhinac taala oo ah haddii vitamins yada iyo macaadinta aan kor kaga soo hadalnay iyo guud ahaan ba vitamins yada iyo macaadinta jirka qofka ku bataan oo uu isticmaalo xadi aad u badan waxaa imaaneysa halis ka badan tii markii hore jirtay taas oo ilaa xad gaarsiin karta qofka banii aadamka geeri waxaa haboon mar kasta in dadkeena ay ku dadaalaan sidii ay caafimaad kooda u xaqiijin lahaayeen inta aysan imaanin xiliyada aan banii aadamka waxba loo qaban karin.
xarumaha caafimaadka iyo
dhaqaatiirtooda ayaa markasta u taagan
daaweynta cudurada guud iyo kuwa
gaarka ah ba daawooyin rasmi ah tayadoodana sareyso: Haddaba haddii
aad tahay qof xanuun sanaya xanuun
kaaga uu yahay mid in badan soo
jiitamay isla markaana wali aadan u
helin xal daaweyn oo rasmi ah ama ay
jirto cillado xagga caafimaad ka oo kula darsay sida cilladaha xagga taranka guud
ahaan ama ay jirto dhibaato kasta oo
xagga caafimaad ka kaa soo food saartay
ama qofka xanuun sanaya uu yahay qof
ka mida ehel kaaga asxaab taada la soo
xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay
daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta iyo xarumaha
caafimaadka si aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawimaad inshaa allaah mahad
sanidiin.
Tuesday, 15 October 2013
Waa maxay xaalada lagu magacaabo (Semen Leakage)
Semen leakage waa xaalad keenta in qofka shahwadiisa dareerto iska imaato iyadoo aysan jirin dareen ama kacsi jinsi oo buuxa macnaha qofka oo aan jirkiisa wax dareen galmo ah dareemeynin haddana shahwadiisii iska soo baxdo daadato.
Sababta arrintaan keenta ayaa waxa ay ka dhalataa in
dabac sanaan ama shaqo yari ku timaado neerfaha lagu magacaabo
(Parasympathetic).
Neerfahaan ayaa u xilsaaran in haniyaha biyo baxa uu xiro inta dareen ka kacsiga uu jiro si
aysan shahwadu u soo dareerin ama dhaqsaba u imaanin laakin
haddii neerfaha uu sidii laga rabay u
shaqeyn waayo waxaa dabcayya haniyahii taa soo keeneysa in biyuhu soo baxaan isagoo qofka jirkiisa uusan laheyn wax dareen galmo ah.
Wax yaabaha sababa cilladaani in ay ku dhacdo qofka waxaa kamida. 1: siigeysiga ama (siigada)
2: dhawac gaara neerfaha (Parasympathetic).
3: asbaabo cudur gaar ahaan cudurada wax yeeleeya neerfaha.
4:hoos u dhaca qaar kaimda vitamins yada jirka iyo macdanta jirka.
5: galmada faraha badan isla markaana joogtada ah.
calaamadaha la isku arko ee cilladaan waxaa kamida.
1: kacsi la'aan
2:biyo baxa deg dega
3: dhabar xanuun
4: qooro xanuun
Daaweyn ma leeyahay cudurkaan?
Haa inshaa allaah daaweyn rasmi ayuu leeyahay cudurkaan bi idni llaah waxa uu kamid yahay cudurada xarumaha caafimaadka si buuxda loogu daaweeyo
Si kastaba ha ahaatee xarumaha caafimaadka iyo dhaqaatiirtooda ayaa markasta u taagan daaweynta cudurada guud iyo kuwa gaarka ah ahba daawooyin rasmi ah tayadoodana sareyso:
Haddaba haddii aad tahay qof xanuun sanaya xanuun kaaga uu yahay mid in badan soo jiitamay isla markaana wali aadan u helin xal daaweyn oo rasmi ah ama ay jirto cillado xagga caafimaad ka oo kula darsay sida cilladaha xagga taranka guud ahaan ama ay jirto dhibaato kasta oo xagga caafimaadka kaa soo food saartay ama qofka xanuun sanaya uu yahay qof kamida ehel kaaga asxaab taada la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta iyo xarumaha caafimaadka si aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawimaad mahad sanidiin.
Asc wr wb ciid wanaagsan dhamaan
maamulka dhaqaatiirta iyo howl
wadeenada xarumaha caafimaadka iyo
website yadooda waxaan salaan iyo
hambalyo ku aadan munaasabada ciidu al
adxaa u direynaa dhamaan ummadaha muslimiinta gaar ahaan ummada
soomaaliyeed ee muslimiinta ah
waxaana leenahay ciidan ciideeda allaha
nagu gaarsiiyo caafimaad barwaaqo
nabad gelyo iyo amni buuxa meel walbo
oo dadka soomaaliyeed ku noolyihiin waxaan alle ka baryeynaa in uu noo
islaaxiyo wadan keenii soomaaliya nabad
iyo barwaaqana allaha nooga dhigo
waxaan alle ka baryeynaa in uu siiyo
caafimaad taam ah dhamaan muslimiinta
gaar ahaan waxaan allaah ka baryeynaa in uu caafiyo dadkeena xanuun sanaya ee
la il daran xanuunada iyo cudurada
waxaan allaah uga baryeynaa dadka
soomaalida ah ee xanuun sanaya in
allaah cudurada ka dulqaado ugu
bedelana caafimaad saxiix oo deg deg ah inshaa allaah waxaan alle ka baryeynaa
in dadka muslimiinta ee xajiyay xajkoodii
u aqbalo kuwa aan nasiibka u yeelana in
allaah sanadka soo socda uu nasiib noogu
daro waxaan allaah ka baryeynaa in uu
dambigeena iyo kuwii waalidkeena ba dhaafo waxaan allaah ka baryeynaa in uu
na siiyo cafi iyo caafimaad waxaan allaah
ka baryeynaa in uu na siiyo naxariis tiisa
dadka muslimiinta ee dhintay waxaan
allaah uga baryeynaa in uu dambigooda
dhaafo jannadiisa na uu na siiyo dhamaanteen waxaan allaah ka
baryeynaa in daawooyinka iyo qalabka
caafimaadka ee ay xarumahan
caafimaadka dadkooda ku dabiibaan uu
ka siiyo bukaanada xanuun sanaya
caafimaad saliim ah oo waara waxaan allaah ka baryeynaa dadka guursaday
muddo badana wada noolaa ee aan ubad
kala helin in allaah ubad kheir qaba kala
siiyo kuwa allaah uu ku irsaaqay ubadna
uu kaga dhigo kuwo aduun iyo aakhiraba
ay ku intifaacaan aamiin aamiin aamiin. naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha
ahaato nabigeena muxammad (S.C.W)
Allaha ka raali noqdo dhamaan asxaabtii
rasuulka (SCW) taabiciintii iyo intii
wanaaga ku raacday ilaa qiyaamaha
aamiin. Walaala yaal waan idiin salaameynaa dadkeena soomaaliyeed
dhamaantiin maamulka iyo dhaqaatiirta
xarumaha caafimaadka mar walbo
inshaa allaah waa kuwo u taagan wax u
qabadka dadkooda haddii ay ahaan
laheyd xagga aqoonta iyo wacyi gelinta bulshada iyo xaggii daaweynta iyo
dabiibka cudurada loo maaro waayay
daaweyntooda iyo kala saaristooda
intaba dadaalka xarumaha caafimaadka
ee daaweynta rasmiga ee dhamaan
cudurada guud iyo kuwa gaarka ahba isla markaana qof kasta oo soomaali ah lagu
gaarsiinayo daawooyinka iyo qalabka
caafimaadka ba halka uu kaga noolyahay
dunida ayaa ah kuwo sii socon doona
inshaa allaah. Walaala yaal xarumaha
caafimaadka waxaa idiin kugu diyaarsan dhaqaatiir nooc kasta qalab casri ah iyo
daaweyn rasmi ah sida aad hore uga
barateeen walaalayaal xarumaha
caafimaadka iyo website yadooda ayaa
waxa ay yihiin kuwo u taagan in ay
bulshada soomaaliyeed noqdaan kuwo ka bad qaba cudurada u jeedada loo
aasaasay na 13 sano ka hor xarumahan
caafimaadka ayaa waxa ay tahay ka
badbaadi dadkaada cudur kana dhig
bulsha daada bulsho qiimo leh in kastoo
labadan qodob ee halku dhigga xarumaha caafimaadka ay yihiin kuwo allaah
subxaanahu watacaalaa uu xaqiijin karo
haddana walaaala yaal dadaalka ah in
bulshadeena aan wax u qabanno ayaa ah
mid laga gaarayo faaiido weyn oo miro
dhal ah haddii aan tusaale u soo qaadano walaala yaal maqaalka ah biya baxa deg
dega asbaabta ugu weyn ee sababta 80%
ayaa waxa ay tahay waxa loo yaqaano
(siigeysiga) oo ah biyaha shahwada ragga
oo gacanta la isaga keeno markii maqaal
kaas iyo asbaabta keeneysa iyo dhibaatooyinka ka dhashaan lagu
daabacay website yada xarumaha
caafimaadka waxaa falkaas foosha xun
ee aan diin ahaan iyo caafimaad ahaan
iyo waliba dhaqan ahaan ba aan ku
wanaagsaneyn jooojiyay hakad geliyay dad soomaaliyeed oo gaaraya 380,000 oo
u badan dhalin yaro markaa qaan gaar ah
iyo kuwo ku jira da'da 40 kaba waxaa
waxyeelada falkaas uu sababay oo ay
dhibaato xagga caafimaadka jirka iyo
xagga taranka ba uu ku keenay lagana daaweeyay dad soomaaliyeed oo gaaraya
530,000 oo qof oo iyaguna isugu jira dad
waaweyn iyo kuwo dhalin yaro ah in
kastoo tirada dambe ay jiraan asbaabo
kale oo xagga taranka ah oo ziyaadiyay
ayaa haddana falkaan foosha xun waxa uu ahaa mid bulshada soomaalida gaar
ahaan da'yarta ku hayey dhibaatooyin
xoog leh inshaa allaah haddii aad
jeceshahay in aad wax badan ka sii
ogaato dhibaatada falkaas laga dhaxlo
guji page ka ( biya baxa deg degga). haddii aan nahay maamulka iyo
dhaqaatiirta xarumaha caafimaadka iyo
website yadooda waxaan idiin leenahay
ciid wanaagsan nabad iyo farxad ku ciida
inshaa allaah waxaana ballan qaadeynaa
inshaa allaah in xarumaha caafimaadka ay sii wadayaan dadaalkii daaweynta
rasmiga ah ee ay bulshada soomaalida
uga barteen sidoo kale haddii aad tahay
qof xanuun sanaya ama xanuun kaaga uu
yahay mid la aqoon san kari waayay ama
dadaal daaweyn oo rasmi ah aad weysay ama qofka xanuun sanaya uu yahay qof
kamida ehelkaada asxaabta la soo xiriir
dhaqaatiirta ka howl gasha website kan
dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay
daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo
xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho daaweyn rasmi ah talo iyo tusaaleyn
caawimaad inshaa allaah mahad sanidiin.
Maamulka xarumaha caafimaadka iyo
website yada caafimaadka xafiiska
nairobi kenya.
Subscribe to:
Posts (Atom)