Tuesday, 15 October 2013
Waa maxay xaalada lagu magacaabo (Semen Leakage)
Semen leakage waa xaalad keenta in qofka shahwadiisa dareerto iska imaato iyadoo aysan jirin dareen ama kacsi jinsi oo buuxa macnaha qofka oo aan jirkiisa wax dareen galmo ah dareemeynin haddana shahwadiisii iska soo baxdo daadato.
Sababta arrintaan keenta ayaa waxa ay ka dhalataa in
dabac sanaan ama shaqo yari ku timaado neerfaha lagu magacaabo
(Parasympathetic).
Neerfahaan ayaa u xilsaaran in haniyaha biyo baxa uu xiro inta dareen ka kacsiga uu jiro si
aysan shahwadu u soo dareerin ama dhaqsaba u imaanin laakin
haddii neerfaha uu sidii laga rabay u
shaqeyn waayo waxaa dabcayya haniyahii taa soo keeneysa in biyuhu soo baxaan isagoo qofka jirkiisa uusan laheyn wax dareen galmo ah.
Wax yaabaha sababa cilladaani in ay ku dhacdo qofka waxaa kamida. 1: siigeysiga ama (siigada)
2: dhawac gaara neerfaha (Parasympathetic).
3: asbaabo cudur gaar ahaan cudurada wax yeeleeya neerfaha.
4:hoos u dhaca qaar kaimda vitamins yada jirka iyo macdanta jirka.
5: galmada faraha badan isla markaana joogtada ah.
calaamadaha la isku arko ee cilladaan waxaa kamida.
1: kacsi la'aan
2:biyo baxa deg dega
3: dhabar xanuun
4: qooro xanuun
Daaweyn ma leeyahay cudurkaan?
Haa inshaa allaah daaweyn rasmi ayuu leeyahay cudurkaan bi idni llaah waxa uu kamid yahay cudurada xarumaha caafimaadka si buuxda loogu daaweeyo
Si kastaba ha ahaatee xarumaha caafimaadka iyo dhaqaatiirtooda ayaa markasta u taagan daaweynta cudurada guud iyo kuwa gaarka ah ahba daawooyin rasmi ah tayadoodana sareyso:
Haddaba haddii aad tahay qof xanuun sanaya xanuun kaaga uu yahay mid in badan soo jiitamay isla markaana wali aadan u helin xal daaweyn oo rasmi ah ama ay jirto cillado xagga caafimaad ka oo kula darsay sida cilladaha xagga taranka guud ahaan ama ay jirto dhibaato kasta oo xagga caafimaadka kaa soo food saartay ama qofka xanuun sanaya uu yahay qof kamida ehel kaaga asxaab taada la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta iyo xarumaha caafimaadka si aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawimaad mahad sanidiin.